Sakeriye Weyrax Warsame oo ah arday wax ka barta Jaamacadda Caafimaadka ee ku taallo Magaalada Cardif ee waddankaan UK ayaa kulan uu ku qabtay magaalada Birmingham waxaa uu kusoo bandhigay warbixin dheer la xiriirta baaritaanno Caafimaad oo uu in muddo ahba ku raad-joogay.
Kulankaan uu ardaygu ku soo bandhigay warbixintiisa caafimaad ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah qaybaha kale duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham. Waxaanna kulunkaan caafimaad kaalin libaax oo ah dhica faramada iyo xiriirintaba ah ka geystay Axmed Cabdiqaadir Cabdi (Wagad) oo isagana ah arday wax ka barta jaamadda Engineering-ka ee magaaladaan Birmingham.
Warbixintaan uu ardaygu soo bandhigay ayaa ku saabsanayd Khatarta uu ummul-raacu (Maternal Mortality) u leeyahay hooyooyinka uurka leh iyo qaabka ugu habboon ee looga hortagi karo, iyo waliba kaalinta ay Soomaaliya kaga jirto dhibaatada ummulraacu.
Warbixintaan uu ardaygu soo bandhigay ayaa tibaaxaysa in waddankaan Ingiriiska 100,000 oo hooyoooyinka uurka leh ah ay 27 kamid ah u dhintaan ummul-raac, halka 100,000 ee hooyooyinka uurka leh Soomaaliya ay ummal-raac u dhintaan 1044 kamid ah, tiradaas oo in door ah ka badan tirada hooyooyinka ah ee u dhimata gaajada iyo Xabadda, taasoo ah baaritaankii ay sameysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Sanadkii 1993dii.
Haddaba haddii 1993 dii ay tirada haweenka ah ee ummul-raac u dhintay ay ahaayeen 1044, waxaa isweydiin mudan 19 sano oo bur-bur ah kadib, imisa ayay noqon kartaa tirada haweenka ah ee ummul-raaca ugu dhintay Soomaaliya, marka loo fiiriyo 100,000 kaas kun?
Waxaa kale oo uu ardaygu warbaxintiisa ku sheegay in cudurada ugu khatarsan ee aadamiga si dhaqsa ah u asiiba uu kamid yahay wadna istaagga (Heart attack), kaasoo 6 dii daqiiqaba uu dunidaan guudkeeda hal qof u dhinto wadna istaagga, hasa yeeshee waxaa kasii Khatarsan ummul-raaca (Maternal Mortality), kaasoo 90 ilbiriqsi oo kaliya uu u nafwaayo hal qof, taas oo mecnaheedu yahay in 6 daqiiqaba 4 qof ay dunida guudkeeda ugu qur baxaan ummul-raaca.
Waxaa sidoo kale Sakeriye Weyrax isagoo sii wata warbixtiisa uu ku sheegay in sababaha ugu badan ee keena ummul-raaca (Maternal Mortality) ka jira Soomaaliya ay ugu weyn tahay saddex arimood oo aad u waaweyn, kuwaasoo kala ah sidatan:-
1). Dhiig bax (Haemorrhage)
2). Safar dheer oo Isbitaal (Indirect Causes)
3). Dhaawaca oo hurguma (Infection)
Saddexdaan qodob ayuu ardaygu ku sheegay inay yihiin sababaha 60% ay haweenka Soomaaliya ugu naf-waayaan ummul-raaca (Maternal Mortality).
Haddaba si looga hortago Khatarta uu ummul-raacu u leeyahay haweenka Dunida ayay Saynisyahanada Caalamka ee dhinaca caafimaadku waxaa ay waqtiyo aad u fog-fog soo mareen baadi-goob dheer oo ku wajahan, sidii ay mar uun u hanan lahaayeen qaabka ugu habboon ee looga hortagi karo ummul-raaca (Maternal Mortality), waxaanna ay Saynis-yahanadu labadii boqol ee sano ee ugu dambaysay ay sameeyeen 4 marxaladood oo isku day ah, kuwaasoo ay 3 kamid ah ku hungoobeen hal kamid ahna ku guulaysteen.
Baadi-goobkaas ay galeen Saynisyanada caalamku waxaa ay ku heleen halkaas qaab ama nooc oo ah kan ugu macquulsan ee lagu yarayn karo ama looga hortagi karo ummul-raaca ka jira dunidaan guudkeeda, waxaanna halkaas qaab ama nooc afka qalaad lagu yiraahdaa (Skilled Attendant at Child Birth (Midwives), taasoo micnaheedu nuxur ahaan luqadda Afsoomaaliga ku ah (Ummulosooyin u tababaran Daryeelka Hooyada iyo dhalmadeedaba), kuwaasoo waliba raacaya shuruudaha mucayinka ee ay jaangoysay hay,adda caafimaaka ee adduunku (WHO). Haddaba halkaas nooc ee lagu guulaystay ayaa illaa hadda ah qaabka ugu habboon ee lagula tacaalay ummul-raaca ka jira dunida.
Waxaa haddaba ardaygu uu dhammaan jaaliyaddii ka qayb gashay kulankaan iyo bulshaweynta Soomaaliyeed usoo bandhigay su,aal jawaabteeda laga rabo qof kasta oo Soomaali ah, waxaanna ay su,aashu tahay sidatan:-
Mar haddii aan idiin soo bandhigay khatarta uu ummul-raacu ku hayo hooyada Soomaaliyeed, islamarkaana aan idiin ifiyay qaabka ugu habboon ee looga hortagi karo , Su,aaashuu waa maxaa nala gudboon?
Talo-bixin: Waxaa ardaygu uu warbixintaan caafimaad ku soo bandhigay talabixin ku socota dhammaan bulshaweynta Soomaaliyeed, taasoo la xiriirta sida ugu macquulsan ee waxa looga qaban karo ummul-raaca hooyada Soomaaliyeed, waxaanna ay talabixintu tahay in marka hore la helo Shuruudda ah Cudud midaysan (United action), taasoo diyaar u ah in ay wax ka qabato dhibaatada gaamurtay ee ummul-raaca hooyada Soomaaliyeed, markii shuruuddaas la helo waa in haddana loo jeesto sidii tuullo kasta iyo degmo kasta oo Soomaaliya ka mid ah loogu sameyn lahaa ummulusooyin tababaran (Midwives), hadaba su,aahu waa qaabkee loo samaynayaa ama loo marayaa? Jawaabtu waa in la raacaa dhawr qodob oo ah kuwa ugu macquulsan, kuwaasoo ah sidatan:
1) Waa in hay,adaha Samafalka ee dhinaca caafimaadka sida Who, MSF, UNICEF si gaar ah loola tashado, isla markaana la waydiisto tababarayaal ummulisoooyin, iyagoo tabarayaalkaasna ammaankooda la xaqiijinayo.
2) In Gobalada iyo Degmooyinka Soomaaliya ee aan fursad u helin inay yeeshaan ummulusooyin tababaran ay tababaro u aadaan isla gudaha dalka sida goobaha ay kamid ka yihiin Muqdisho, Gaalkacyo, Hargeysa, kuwaasoo la xaqiijiyay inay leeyihiin xarumo tababar oo ay kasoo aflixi karaan caddad tiro badan oo ah ummulosooyin cirfad u yeesha daryeelka hooyada iyo dhalmadeedaba.
3) In deegaan kasta oo kamid ah Soomaaliya beelaha ama qabaa,illada ku dhaqan ay xubnahooda baarlamaanka usoo bandhigaan sidii wax looga qaban lahaa khatartaas jirta ( waase haddii ay jirto Dawlad awood u leh inay wax ka qabato).
Ma,aha wax qoraal lagu soo koobi karo warbixinta caafimaad ee uu ardaygu ku soo bandhigay kulankaan, haddii la yiraahdo waa la qorayaanna waxaa xaqiiq ahayd in buug dhan laga diyaarin karay, waxaanse isku dayayaa haddii Eebbe idmo inaan buug ka diyaariyo.
Gaba-gabadii kulankaan ayaa ardaygu wuxuu warbixintiisa ku soo afmeeray “Xikmad” la xiriirta dhinaca caafimaadka, taasoo ku wajahan Daryeelka Hooyada iyo Dhalmadeedaba, waxaanna ay xikmaddu oranaysaa sidatan: “When mothers are saved, babies are saved; When babies are saved families are saved; its saving the pillar of that family…..WOMAN!” Waxaanna xikmaddaan nuxur ahaan mecnaheedu luqadda Af-soomaaligu ku yahay sidatan: “ Haddii aad hooyada badbaadiso waxaad badbaadisay cunugga; haddiise aad cunugga badbaadisay waxaad badbaadisay qoyska; tiir dhaxaadka qoyskuna waa…..HOOYADA!
Daahir Faarax Afdheere
Email:gulan1969@yahoo.co.uk
United kingdom, Birmingham



waxaa wax lagu farxo in la arko dhalinyar waxbaratay oo sameynaysa cilmi baaaris, waxaaa wax badan arkaynay dhalinyar hub qaadata oo si qaab daran loo dilo.
wuxuu zakarye dhiirigalin u yahay dhalinyada somaliyed ee jahligu daashaday/
Waxaan u mahad celinayaa Sakariye Watrax Cilmi baarista uu sameeyay waana mid guul ah una soo hoyatay Soomaaliya. Waan ku raacsanahay sida uu arimaha u dhigay. Waxaanse u malaynayaa in Umal raaca uu qaybweyn ka qaato Hab dhaqanka Gudniinka Fircooniga (Femal Genital Motulition) FGM. Wallaal Bal ayadana warbixin nagasii.
Cilmi baaristaan uu sameeyey Sakariye Wayrax aad ayee muhiim u tahay. Waa mowduuc aad noo taabanaayo hadaa nahay Soomaali. Sakariye waa dalaalay. Jazaka Allah…
Waa topic aad loogu baahan yahay, gabar dumarka Soomaaliyeed. Dimashada ummul-raaca aad bay oogu badan tahay Soomliya. Waa si deg deg ah wax looga qabtaa. Dadka Zakariye oo kale aad ayaa loogu baahan yahay.