Home » News »

WAR DEG DEG:- Ciidamo ka wada tirsan dowladda TFG oo isku rasaaseeyay goob ay banaanbax ku dhigaayeen Boqolaal dadweyne ah oo taageersan Farmaajo.

Ciidamo ka wada tirsan dowladda TFG ayaa isku rasaaseeyay Barxadda Sayidka oo boqolaal dadweyne ah oo taageersan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ay dibad bax ka dhigaayeen, waxaana halkaa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Waxaa la sheegay in halkaa ay tageen ciidamo badan oo ka mid ah dowladda KMG waxaana ay isku dayeen in rasaas ay ku kala eryaan Taageerayaasha Farmaajo ee halkaa isugu soo baxay, balse ciidamo kale oo halkaa joogay ayaa la sheegay inay iyaguna iska rasaaseeyeen ciidankii halkaa soo weeraray.

2 qof ayaa halkaasi ku dhimatay oo mid ka mid ah uu yahay ciidamada dowladda TFG, waxaana sidoo kale halkaasi ku daawacmay afar kale oo shacab ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda TFG ayaa halkaasi gaaray, waxaana xaaladda ay tahay mid jawi jahwareer ahi ku jirto, balse wixii soo kordha kala soco shabakada AOL Insha Allah.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.