Home » Suugaan »

Amiir iyo Abaal waa gabay uu tiriyay A.Y. JAMA (Abdullahi Isim) ee akhri ama dhageyso.

Asc dhammaan umadda soomaaliyeed meel aad joogtaanba. Allaah (Swt) ayaa mahad leh. Rasuulkiisa maxamed (Scw) ayaa sharaf leh.  Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa gabayga hoos ku xusan. Gabaygan  oo aan hadda ka hor uga dhigay dardaaran iyo duco hogaanka dhaqanka iyo dawladda ummadda Soomaliyeed ayaan mar labaad ugu soo gudbinayaa hambaliyo iyo bogaadin. Magaca gabayga ayaa ah  Amiir iyo Abaal.


A.Y. JAMA (Abdullahi Isim)

  Adinka oo mar walba mahadsan, halkaan ka dhageyso gabayga Amiir iyo Abaal

Ama hoos ka akhri Gabayga Amiir iyo Abaal:
<AWAL IYO AWALAN IYO  AKHIIR DUNNI  INTAAN JOOGO

ABUURAHA ALLAAHA QAALIQIGA AH UUNKA WAXA SAARAN

ALLAAHA  SUURADAHA KU ABTIRSADAY KALI AAHAANTIISA

BI’ISMILLAAH ALLAAHOOW  ARAXME ANNI ADOONKAAGA

 

<AWAL IYO AWALAN IYO AKHIIR DUNNI INTAAN JOOGO

OGEYSIIN AMIIR IYO ISLAAN IYO GARAADOOWBA

SULDAAN  AGABARA AH IYO UGAAS AMASE BEELDAAJE

BOQOR ABABIYA AH IYO ARBAHA DOWLAD AGABKEED AH

SALAAN KUU ABSHIRA  IYO ABAAL LABADA KUU AADA

 

<WAXAAD UULUL AMAR NOOGU TAHAY WAA ALLA ADEEC

WAXAAD AAD AMIIR NOOGU TAHAY WAA XAQA ADKEEYE

DULMI BAAD ALBAAB NOOGA TAHAY OODO DHACAMEED

AMAR IYO AWOOD WAXAAD QABTAA SAMO ILAASHA AH

 

<ALLAAH KA CABSADAHA KU ABTIRSIDA  ADAAN UBADKIISA

OO KA AH UDGOONOOW RASUUL MAXAMED AWAALADI(SCW)

ALLAAHU AKBAR KII KU ADDIMOO  EEXASHADA DIIDA

AMAANADA AXDIGA KII AQBALAY OO HADANA OOFSHA

 

<IIMAANKU WAA SADDE  ALLAAH KII U KU IRSAAQO

ISAGAAN LAGAA ARSANEYN  EEBBE IDINKIISE

ISAGAA AMMAAN IYO AMAAN KUU ERGO AHAANE

ISAGAAD ITAAL. IYO KU TAHAY AAR MARSOOBAXE

 

<ISAGAAD AQOONYAHAN AHAAN  OO LAGUGU AADAYN

ISAGAA IN BADAN OO ANBADAY AAWE KUU IMANE

OO  ALIF U DHIGIN AAD IQRANA KU AQRIYEYSAAYE

OO BERI WAXAY AAMINEEN UNA AHAAN WAAYEY

AY SAAS AROOR UGU AHAAN OO KU OON BIXINE

 

<ASAL BAAN ISLAANIMO U NAHAY EHELU TAWXIID

IYADAA ALLAAH NAGU OGYAHAY AMARKI TOOSNAYE

ADIN IYO MIDKII ADDIYAD RABA AAN TIISA KU ADEECNO

OO WAXAAN AHAYN AAMANUU RABA INUU AASO

 

<AJASHIISII WAA MIDAY GASHOO IILKA LOO WADA’E

WAA MIDAY AGOON NOQON HAYAAN INAMADIISIIYE

WAA MIDAY ASAY QAADAYAAN OORYUHUU QABAYE

WAA MIDAY IF IYO AAKHIRABA  EEDI DABATAALE

HADAANSE ABHINAYNA  OO  ALLAAH INNALA-JOOGAYE

SEEF LAGU ILAASHIYO AHOOW AAR URTA U TAAGAN

 

<LABADA ISLA ADOO ISKUUL  KACA AYAAN NOOLBA

AAGUNA ISUGU AADAN YAHAY OO AALAD MID QAATA

IMTAXAANKU GOORTUU DHACAY KALA ADKAADAANE

AMIIRKII AFLAXA OO ANFACA JAHAKASTOOY AADO

OO NABAD ASLAAXDIYO ISRAAC KUU INSHA-ALLAAHU

 

<INKASTOO IN BADAN LA ANSAXSHOO AMARKA LOO DHIIBO

MID WALIBA ABAALKA U MUTUU AAKHIR HELAYAAYE

AMIIRKAY KU SOO URURTO IYO WALI IRAADAYSAN

OO NABAD ADKAATIYO ISRAAC KUU INSHA-ALLAAHU

 

<SOOMALI WAA UL IYO DIIR  UNUG  WALAALAHEE

WAA AABBE IYO HOOYO QURA UUR KU JIRAHOODE

ABTI IYO ADEER IYO  AWOOW IYO ABKOOWGOODE

WAA AYEEYO IYO HABARYAR IYO EEDO IYO   AAYE

INTA KALANA WAA UBADKII OO WAA ILMA-ADEERE

 

<ARAGIYO AFKIYO  EEGMADIYO OOGADIYO LUUQDA

AQLAAQDIYO ASLUUBTIYO ANSHAXA AMASE EEDAABTA

ITIQAADKA SOO ARASHADA ERAYGA SUUGAANTA

ASHAHAADADIYO KU ISIMIDIYO XAQA KU AADKIISA

AFARTUBA WAXAY ORAN HAYAAN ODAY DHACAANKIIS

ISIR MIDA IN AANAHAY MAJIRO RUUX INKIRAYAA

 

<WAXSE LOOGA DHIGAY IINTA IYO NABAR AN AWDMAYNIN

WAA LABA AMUUROOD MARKAAN EEGAY SAY TAHAYE

MIDII WAA AQOONLI’I  JAHALIGU KU INTIFAACAAYE

MIDNA WAA QABIIL TIRAY INDHAHA OO MAANKA AABURAY

 

<LABADAAS  WAXAY KA IRKADEEN BAY KU ASAL GUUREEN

IRDA BIXIYE NOQO NAGA ANFACA AFAADAAS CURATAY

MIDAY KU ILMO DEYSIYO ERGAGA URURSHA SOOMAALI

OO NABAD ADKAATIYO ISRAAC KUU INSHA’ ALLAAHU

I

<MARKA GEEDKU OOGADA U BAXO OO HAWADA AADO

OGOOW WAXA ADKEYNAHAYA WAA XIDIDO  AASNAAYEE

UJEEDADU HALKAY AADAN TAHAY WAA ASTAAN DHIGAN

AMMAANDUULIHII ARAGTI DHEER OO ODOROS FIICAN

INTA AAN FIDNADU SOO IFBIXIN WAA KAN OOGSADAYE

OO WAA ABAARAA  ISAGOO SOO  AGAASIMAYE

 

<AYIXIYO ABOORKA ISKU DARAN OO ARLADII DIIRTAY

ABEESADA DADKII LAACDAY IYO UUBATIYO YEEYDA

IBTILADA IBAHA FURATAY OO LOO IL HELIWAAYEY

IRDA BIXIYE NOQO NAGA ANFACA AAFADAA CURATAY

OO MIDAY KU ILMADEYSIYO ERGAGA URURSHA SOOMAALI

OO NABAD ASLAAXDIYO ISRAAC KUU INSHA-ALLAAHU

 

<AQABAL NOQOTAY TAARIIKHDA UGUB OO AAD  IBIDEEN

HALKAAD KA AMBA-QADAAN MARNABA CIDI ILAAWEYNE

ILLIN WAXAAD XIRTEEN UU INBADAN MURAN KA OOGNAAYE

UMMADIISA KAAN KALA IRDHEYN OO U KALA IILAN

AJAR IYO AABAAL KUU  ISHKINA  AH KUU INSHA ALLAAHU

 

<GOORTAY ARIINI OOGANTO OO LA ISKU UUGAMOO

UMMAL IYO MARKII AANO IYO EELKU DEGIWAAYO

ASARAAR MARKII AY GASHOO NOQOTO SOO OODAN

GOORTAY IRDAHA LAABATO OO AAMUS LUGU DAAYO

OO ODAY LA SHEEGIYO ABWAAN SOO AFJARI WAAYO

MIDKA TIISA LOO WADA ARKO OO  ERAY KA SOO LAABAN

OO NABAD ASLAAXDIY ISRAAC KUU INSHA-ALLAAHU

 

<UGBAADKIYO MARKII UU  ANGAAGO AARANKIYO DOOGU

ABAAR IYO MARKII OMOS ARLADA LAGU ABAADSIIYO

DHIBTA MID U ADKEYSTOO  ARRUMA OO IIDA KU IDLAATO

OO NABAD ASLAAXDIYO ISRAAC KUU INSHA ALLAAHU

 

ONKOD  IYO HILAAC  IYO MARKII  SAGAL KU IIDAAMO

UFO ARAMI WADATIYO  MARKII UURO KOR U DUUSHO

WAXA LA SOO AHAADABA MARKAY KU AFURTOO XIINTO

GOORTII ASQADII LAGU JIRIYO OLOLKII QAAR DHAAFO

 

<INTA JILICISAN ARIGIYO  MARKII GEELU AGAB WAAYO

EEDAAN MARKUU YEERO  OO  ALALADO REENTO

AAS-AASKA AQALKIYO MARKII UDUBKU LIIQLIIQDO

ISTAQFAARTA GOORTUU AMBADO UUMIYAHA NOOLI

ASHAADATEYNKIYO MARKAY YAA ALLAAH ISTAAGTO

 

<DADKA AAFADAAS  EEBBE SUU UGA AMAANYEELO

ERAY GAARAHAY  LEEYIHIIN OO KU ALLA TUUGANE

ALLOOW ARARIHIIYO WAXAY DHAHAAN AAWRU DAAQDAGA’E

ADEEGAAGU NOQAY KII  INTAAS  WADA AMMAANKOOD AH

OO NABAD ADKAATIYO ISRAAC KUU INSHA-ALLAAHU

 

<IRMAAN LAGAWARAABSHIYO AHOOW ILO MA GUURAN AH

MIDAY KU AFLAXAAN AAYIHIYO NOQO IFTIIN DAARAN

AROOS DADABTA AAGAAMO SURAN ILA-XIR KUU DAAHAN

AMMAAN IYO DUCAY KUU WADAAN SHACABKU AMIINE

 

RABII KUU AJIIB WAA AF IYO EHELO UURKEEDEE

MIDAAN NAGA ABAAL DHICIN AHOOW UBAX LAGUU SAARYE

OO NABAD ADKAATIYO ISRAAC KUU INSHA ALLAAH

OO NABAD ASLAAXDIYO ISRAAC KUU INSHA-ALLAAHU
———–
A.Y. JAMA (Abdullahi Isim)
abduldjamal@yahoo.com
514 713-2777

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.