Home » News »

Ciidamada Booliiska AMISOM oo maanta lagu wareejiyay xarunta gaadiidka Booliiska ee Magaalada Muqdisho (Video)

Ka dib markii dhawaan ay soo gaareen magaalada Muqdisho ciidamo Booliis ah oo ka socday AMISOM ayaa maanta ciidamadaasi waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay xarunta gaadiidka Booliiska Soomaaliyeed ka dib munaasabad halkaasi ka dhacday.

Munaasabadaan waxaa ku sugnaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka dowladda KMG C/samad Macalin Maxamuud, Taliyaha Booliiska Shariif Shiikhunaa Maye, saraakiil ka kala socotay dowladda TFG iyo AMISOM, waxaana halkaasi ka hadlay mas’uuliyiintii ku sugneed.

Wasiirka arimaha gudaha dowladda TFG oo halkaa ka hadalay ayaa sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM ay kaalin weyn ka qaadan doonaan amaanka magaalada Muqdisho sidii loo sugi lahaa.

Sidoo kale wasiirka waxa uu sheegay in ciidamadaan Booliiska ah ay gacan siin doonaan ciidamada Booliiska dowladda TFG islamarkaana ay kaalin kale ka qaadan doonaan sugida amaanka halka lagu qaban doono doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ciidamada Booliiska AMISOM oo maanta lagu wareejiyay xarunta gaadiidka Booliiska ee Magaalada Muqdisho (Video) "

  1. gold price says:

    Safiirka dowladda Japan u fadhiya dalka Kenya Poshahiga Takada oo isagu ahaa Masuulkii ugu horeeyay ee madashaas ka hadla ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Japan uu xirriir wanaagsan ka dhaxeeyo islamarkaana dowladda Japan maanta ay gaadiid gaaraya ilaa 19 nooca booliiska ah ay guddoonsiisay booliiska Soomaaliyeed,Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada KMG ah oo isna halkaas ka hadlay aya wuxu sheegay in muhiim ay tahay in la helo gaadiid ay ku howlgalaan booliiska Soomaaliyeed waxaana intaa uu ku daray hadalkiisa in gaadiidka maanta Booliiska Soomaaliyeed la guddoonsiiyay uu yahay mid badbaadinaya Shacabka Soomaaliyeed isagoona aad ugu mahad celiyay dowlada Dalka japan iyo Shacabkeedaba.