Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda TFG iyo Xarakada Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdishob waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Dagaalka ayaa bilawday ka dib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarun ciidamada dowladda KMG ay ku lahaayeen deegaanka Ceelsha Biyaha, waxaana la isku adeegsaday hub aad u cul culus.
Waxaa dagaalkaasi la shaaciyay inay ku geriyoodeen ku dhawaad 5 qof oo dhinacyada dagaalamay waxaana halkaa ku dhaawacmay 3 kale.
Saraakiisha dowladda TFG iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa dagaalkaasi guulo ka kala sheegtay waxaana midba midka kale uu sheegay in qasaare uu soo gaarsiiyay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.