Bayaan kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM ayaa lagu sheegay in Dalka soomaaliya uu haatan Gaaray Guulo la taaban karo taasi oo lagu sheegay in Dalka Soomaaliya uu Ka baxay marxaladii kumeel gaarka ahayd ee mudada dheer uu ku jiray .
Madaxda Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmamay in Dalka soomaaliya uu marar badan ku jiray dhibaatooyin aad u adag balse haatan ay tahay xilligi horumarka uu sameeyay sanado badan ka dib oo dhanka siyaasadda ah.
Golaha Amaanka ayaa ugu Baaqay Saxiixayaasha Road-mapka iyo madaxda sare ee dowlada KMG Ah inay ka dhabeyaan sidii loo sii wadi lahaa Tubta Nabada ee Soomaaliya islamarkaana Soomaaliya loo gaarsiin lahaa hanaan nabadeed .
Ugu Dambeentii Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cadeeyay in Qaybaha kala Duwan ee soomaaliya ay ku dar dar galinayaan in 20- ka bishaan lasoo doorto madaxweynaha cusub ee soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Bayaankaan ayaa imaanyaa xilli dhawaan la ansixiyay dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyadoona sidoo kale la filaayo in sanado aad u badan ka dib magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada wadanka Soomaaliya.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

Warbixinta ayaa waxaa lagu caddeeyay halka ay lacaguhu ka yimaadeen iyo sida ay ku baxeen, iyadoo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo arrintan ka hadlay ay sheegeen in madaxda dowladda KMG ah aan looga baahnayn inay beeniyaan oo keliya, balse laga doonayo in ay la yimaadaan caddeymo rasmi ah oo ay eedaha isaga beri yeeli karaan, haddii aysan sidaas yeelinna uu dambigu ku caddaanayo.