Home » News »

Howlgalo saacado badan qaatay oo ciidamada TFG maanta ay ka sameeyeen degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda TFG ayaa maanta howlgalo saacado badan qaatay waxa ka sameeyeen degmada Hliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana howlgaladaasi lagu soo qab qabtay dad aad u badan.

Ciidamada ayaa maanta isku faafiyay dhamaan xaafadaha ay ka koobantahay degmada Hilwaa, waxaana howlgalka uu ahaa mid saacado badan qaatay, waxaa wada fulinaayay howlgalkaan ciidamada Nabad Sugida iyo Kuwa Booliiska ee dowladda TFG.

Maamulka degmada Hilwaa ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen dhalin yaro badan oo ay sheegeen inay gacan saar la lahaayeen ciidamada Xarakada Al-shabaab waxaana dhalinyaradaasi loo soo kaxeeyay dhanka xarunta nabad sugida ee Magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa daba socday ka dib markii maalmahaan dambe degmadaasi ay kusoo batee qaraxyada lala eeganaayo ciidamada dowladda TFG, iyadoona shalay qarax sidaa oo kale ah lala eegtay ciidamada dowladda TFG oo halkaa maraayay.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.