Home » News »

Madaxweyne Shariif oo degmooyin ka dhigay deegaanada Dhuurey iyo Karaaban ee gobala Bakool iyo Gedo.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa degmooyin loo magacaabay deegaanada Dhuurey iyo Karaaban oo ka kala tirsan gobala Gedo iyo Bakool.

Bashiir Maxamed Jaamac oo ah agaasimada wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda TFG ayaa saxaafadda u aqriyay wareegtadaan, iyadoona intaasi ka dib lagi wargeliyay maamulada gobaladaasi in deegaanadaasi wixii maanta ka dambeeya ay degmooyin u aqoonsadaan.

Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sh. Axmed ayaa maalmahan oo dhan waxa uu sidaan oo kale degmooyin u magacaabaayay deegaano badan ka mid ah gobalada Shabeelooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo oo maanta deegaan ka mid ah degmo laga dhigay.

Laakiin arintaan magacaabista isdaba jooga ah waxaa kasoo horay uga soo horjeestay golaha wasiirada iyaga oo sheegay in wixii la magacaabay ama la magacaabi doono wixii ka bilawday 1 Luuliyo oo aynu soo dhaafnay ilaa bishaan aynu ku guda jirno 30-keeda ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.