Home » News »

Oradyahanda Soomaaliya uga qeyb galaayay Olompikada Aduunka oo dalbaday Magangalyo Siyaasadeed (VIDEO)

Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed oo Soomaaliya uga qeyb galaayay Olompicada Aduunka ayaa dalbaday magangalyo siyaasadeed iyaga oo sheegay in aanay dib ugu laaban karin Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen Orodyahanadaan inay lasoo daristay xaalad qatar ah islamarkaana aanay ku laaban karin Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in hanjabaadyo kala duwan ay la kulmeen.

Zamzam oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in waalidkeeda gaar ahaan hooyadeed ay waceen dad sheegaaya inay Zamzam dili doonaan hadii ay Muqdisho kusoo laabato.

Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in uu la kulmay hanjabaadyo kala duwan oo dhanka Facebook ah, waxaana ay ka dalbadeen dowladda Britten magangalyo ama in la geeyo meel nabad ah.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.