Waxaa laga baahiyey qaar ka mid ah hay’adaha warfaafinta Soomaaliyeed qaarkood gaar ahaan Telifishanka Universal war sheegayey in cayaartoydii xulka qaranka ee cayaaraha fudud uga qaybgalayey tartanka Olimbikada Adduunka Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax ay magangalyo siyaasadeed waydiisteen dawladda Ingiriiska, warkaasi oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana laga been abuurtay cayaartoydaasi magaca iyo sharafta u soo jiiday shacabka Soomaaliyeed mudadii saddexda usbuuc ahayd ee ay ku sugnaayeen dalkan Ingiriiska.
Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed, xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya iyo cayaartoyda xulka qaranka ayaa waxa ay shalay si wadajir ah uga qaybgaleen kulan uu wasiirka dawladda ingiriiska u qaabilsan horumarinta qaaradda Afrika kula qaatay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda ee magaalada London, kulankaasoo looga hadlayey waayaragnimadii ay wafdiga Soomaaliyeed iyo orodyahanaduba kala kulmeen dalkan Ingiriiska iyo sida ay dawladda Ingiriisku uga qaybqaadan karto horumarinta sport ga dalka gaar ahaan sidii sport ga loogu adeegsan lahaa nabadaynta dalka.
Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen warfidiyeeno ka kala socday telifishanada iyo jaraa’idada dalkan Ingiriiska iyo waliba kuwa Soomaaliyeed ayaa waxaa guddiga olimbikada Soomaaliyeed fajac iyo amakaag ku noqotay warkan laga baahiyey telifishanka Universal kaasoo haba yaraatee aan ka mid ahayn qodobadii looga hadlay kulankan isla markaana ay garan la’yihiin halka laga soo xigtay iyo ujeedada ka dambaysa intaba.
Sidaasi darteed Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed waxa uu caddaynayaa in orodyahanada Soomaaliyeed ee Maxamed Xasan iyo Samsam Maxamed ay labaduba ku sugan yihiin gudaha tuulada olimbikada ee magaalada London halkaasoo ay si Soomaalinimo leh ugu matalayaan dalkooda, guddiga ayaa dhinaca kale cambaareeyay warkan aan salka iyo raadka lahayn ee uu shaaciyey telifishanka Universal iyo waliba shabakadaha Soomaaliyeed qaarkood oo ayagu ka soo xigtay warkaas wuxuuna uga digayaa warfidyeenada iyo hay’adaha warfaafineed ee caadaystay in ay qoraan ama sheegaan warar aan sal lahayn in ay ka waantoobaan wararka noocaas oo kale ah haddii kale ay ayagu qaadi doonaan mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhalata wararkaasi.
Sida qof kasta oo daawaday uu fahmi karo labada ciyaartoy waxaa ay muujiyen in dhibaato ka jirto halkii ay ka yimaadeen ku noqoshadooduna ay adagtahay laakin taas macneheedu maahan in ay is dhiibeen waxaana cidii dooneysa ay kusoo booqan kartaa xarunta Olympic village oo ay wali ku sugan yihiin.
“Waxaa yaab leh in wariyeyaasha teleefishinka Universal ay kala garan waayeen Home Office-ka oo ah meesha dadka is dhiibayaahi ay tagaan iyo wasaarada arrimaha dibada oo aan joognay shalay kulankuna uu ka dhacay”ayuu yiri guddoomiyaha GOS duran Ahmed Faarax.
Ujeedada kulankii shalay oo ka dambeeyay casuumad uu wasiirka arrimaha Afrika ee ingiriisku u fidiyay ciyaartoyda Soomaaliyeed waxaa ay ahayd in uu uga mahd celiyo dadaalka ay muujiyeen iyagoo kusoo barbaaray meel dhibaato amaan darro oo aad u xoogani ay ka jirto shaqada ay hayeena ay halis mar kasta ku muteysanayeen.
Sidoo kale guddoomiyaha GOS Duran Ahmed faarax wuxuu uga mahad celiyay dowlada ingriiska sida weyn oo ay u xushmeysay Soomaaliya maadaama ay safiirkii u fadhiyay Kenya usoo dirtay Muqdisho isaga iyo shaqaalihiisii oo dhan halkaana ay soomaaliya ugu dhameystireen dokumentiyadii dalka ingriiska ay ku yimaadeen xubnaha wafdiga Soomaaliya.
Shaafici Muxidiin Isloow.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.