Home » News »

Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta isku soo sharaxay xilka madaxweyne nimada.

Gudoomiyaha baarlamaanka TFG ee xilligiisa gaba gabada yahay ayaa maanta shaaca ka qaaday inuu isku soo sharaxay xilka madaxtinimada Soomaaliya ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u badan ayaa mar uu halkaasi ka hadalay Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan inay qabtaan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadii la doorto uu dalka wax badan ka qaan doono, sida waxbarashada, dhaqaalaha, dib u dhiska iyo arimo kale oo aad u badan.

Ugu dambeen waxa uu ka codsaday dhamaan xildhibaanada baarlamaanka cusub ee lasoo dhisi doona inay codkooda ugu shubaan si uu u helo xilka madaxtinimada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ka mid yahay xubnaha ku eedeesan inay musuq maasuqeen qarashaad aad u badan waxaana xubnahaasi sidoo kale ka mid ah Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul wasaare Gaas.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta isku soo sharaxay xilka madaxweyne nimada. "

  1. Keerow Eyle says:

    Shacabka Somaliyed waxaan uga digeynaa ineysan doranin Madaxda TFGda guud ahaan , gaar ahaan XARIIF SAKIIN maxaa yeeley wey ogsoon yihiin waxa ay yihiin iyo danaha ay ka leeyihiin Dawladnimada iyo Maqaamka Siyaasadeed.

    Waxaa kaloo jira Xadiith saxiix ah ee uu Rasuulkeyna SSCWS ku yiri ” MU’MINKA IN LABA JEER HAL GOD LAGA QANIINO WAA REEBAN TAHAY” taasoo micnaheedu yahay waa inaan ka taxaddarnaa MUNKARKA iyo kuwa wada , waana nagu waajib inaan la dagallanno sida nalagu farey diinteyna.

    Haddaba XARIIF SAKIIN waa nin ku sifoobey DANEYSTENIMO oo aan dan ka lahyn Dal , dad iyo deegaanba, taariikhda ayaa in a bartey shakhsigaan oo ku aad iyo ugu takhassusey XATOOYADA, FITNADA, IYO MUNKARKA kuwaasoo iska dhaafee Somalida xittaa Gaalada iyo Islaamka Caalamka jooga ka yaabisey.

    XARIIF XASSAN waa ruuxii ay ka shaqeyn waayeen Dawladihii uu isaga ka ahaa Guddomiyaha Baarlamaanka , Wasiirka Maaliyadda had iyo jeerna abaabuli jirey isku dirkooda, kala geyn tooda si uu uga faa’iideysto dhexdooda, una ahaado Ruuxii aamusnaanta badnaa oo sakiintana hoos ku haystey, kooxdii u timaadana gacmaha ka dhunkan jirey kuna oran jirey Idinkaa Jid leh oo waa idin taageersanahay , sidaasna uu ku soo gaarey ilaa iyo Xilligaan.

    Waxaa kaloo intyaas u dheer inuu soo magacawdey, gacan ku rimisna ku soo sameystey Dhaqan Bug ah ee uu ku magacaabey Dhaqanka Digil iyo Mirifle iyo Koox uu wato oo ku magacawdey Guddiyada Xalinta Khilaafaadka iyo kan Farsamadaba oo kulligooda uu ku keensadey Musuq maasuq, Laaluush iyo Qabiil sida ninka la Guddoomiyaha u ah Guddiga Farsamada Mr Xiireey oo ay Qaraabo yihiin una joogo si uu Xariifka ugu soo xulo Cidda dooran lahayd.

    Somalidu waa iney ogaataa in XARIIFKANI iyo inta uu wato ay yihiin Dhurwaa ama Waraabe mana daynayaan iney Hilib cunaan , rabaayadna ma galaan, haddii ay ku soo noqdaan Madaxtinimada Dalka , waxey sii kordhin doonaan XATOOYADA, siina xaalufin doonaan kheyraadka yar ee ku harsan Dalka iyagoo sii iibsan doono Badda Somaloiyed inta ka harsan maxaa yeeley waan ognahay Jaziiradaha hadda ay Kenya kaa baareyso batroolka inuu XARIIF XASSAN ahaa ninkii qorshahaas soo dhameeyey , kana saxiixey SHARIIF AF GADUUD, CABDI SHAKUUR IYO IBBI.

    Ugu dambeyntii XARIIF XASSAN waa eedeysane lagu soo eedeeyey Xatooyo Hanti Qaran oo ay Kooxda daba galka UNka si cad u soo caddeyeen Jeegagii uu Xadey iyo Xisaabaha uu ku shubtey , eedeyntaas oo weli taagan miyaad rabtaan inaad doorataan XARIIF XASSAN ? KKKKKK Haddii ay taas idinka suurtowdo WALLAAHI BILLAAHI WAXAAD NOQONEYSAAN MUNAAFAQIIN oo ka furtey ILAAHEEY iyo DIINTA ISLAAMKABA, idinkoo ogsoon in MUNAAFAQA uu galaayo qeybra ugu hooseeyso ee NAARTA , Allaha naga bad baaditee, Somaliyey indhahiina wax ku arka, dhegahiinana wax ku maqla.DULMIGANA SI TOOS AH ULA DAGAALLAMA.

  2. farax says:

    Subxaanalaahi
    Walaalow comment waa dhaafeen waxaas aa qortay ee wax la har, meeshaan kama muuqdaan kuwa Ahlu badar ehe.
    Tan labaad xoogaa Asharaafta ma hubaysno miyaa maxaa saas loogu lafajebinaa shariifka.
    Waad aragtaa , Shariif Tooxaw, cabdi weli, Tuganimi meshay ka gaaree,
    Waa wada ognahay Farmaajo -kaabo laadaraha ugu wayn inuu yahay uu xitaa Aqalka Senateka kla la yiri hala soo xiro isagaa USA passaport sito, hadana Dhawaan xitaa lasooo wado Lacag uu ka xaday Safaraddii somalida ka hor buruburkii, waxaa kasii daran Cadow -jab kama daale , bisnka waxaw lacag xaday hadaad arki lahayd, maxaa miskiinkaan AAla baytka ah xoogaada siyaaradaa ee la siiyay loogu jeedaaa.
    Abdi shakuur -soo hoyde kkkkk, ka daran– Salaad Cali Jeele aaba sisharaxay, Xasan shiikh oo ilmihii SIMAD Iidaale geeyay -ilaahaw adaa dulqaad badan maxaa aakhiro war jiro, Afgaduud ama Tooxaw kaas aakhiraba lala sugi maayee usoo fiirsada intuu addunyo joogo tan ku dhacdo mar dhaw yaa layataniii hadadysan ka gaarin.
    Akhyaarta xoogaa Asharaafta haloo dabciyo -yaan si gaaara loo weerarin yaa waa aalabayt iska jira…..yaaaa
    nabadeey

  3. Xusuuso hadad xis leedahay. Shariif Xasan Shiikh Adan, waa ninki isagoo sadanad heysta oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanki Mbeigati lagu doortay 2005 ka dhiidhiyay duliggi ay Amaxaardu ku heysay dowlad ku sheegti Baydhabo lagu ilaalinayay.

    Soomaaliyey dib u jaleeca geesinimaddi iyo wadaniyaddi ninkaasu ku sifoobay marki uu Baydhaba ka soo tagay oo uu Xamar ugu yimid Maxaakiimta islaamka; halkaas oo uu halgan naftii hure ah uu ka bilabay.
    Horta qabo Shariif Xasan ee bal qof kale ku soo dara.