Markab dagaal oo ayaa xalay duqeyn qasaare sababta waxa uu u geestay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, iyadoona duqeyntaa ay dad shacab ah ku waxyeeloobeen.
Markaan dagaalka oo ilaa iyo haatan si rasmi ah loo xaqiijin dalka laga leeyahay ayaa wararka waxay sheegayaan inuu kusoo dhawaaday xeebta Kismaayo, laakiinse Xarakada Al-shabaab ay rasaas culus ku rideen markabkaas.
Intaasi ka dib markabka ayaa laga soo bilaabay duqeyn xoog leh, waxaana dhowr madfac ay ku dhaceen xaafadaha ay ka koobantahay Kismaayo qaarkeed, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku dhinteen dad ku dhaw 5 qof, dhaawacana uu inta ka badanyahay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mid ka mid ah madaafiicda uu khacay hoy ay qoys ku noolaayeen halkaa oo ay ku dhinteen Laba wiil oo walaalo ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Shacabka ku nool magaalada Kismaayo waxaa lasoo daristay xaalad cabsi ah, waxaana laga baqayaa in duqeyn kale ay magaalada dib uga dhacdo, iyadoona Al-shabaab aysan ka hadlin duqeyntaan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.