Home » News »

Mas’uul ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta oo maanta Muqdisho lagu dilay.

Yuusf Cali Cismaan (Yuusuf Fareey) oo ahaa Agaasimaha Xiriirka Warbaahinta ee Wasaarada warfaafinta ee Dowlada TFG ayaa saaka kooxo hubaysan waxaa ay ku dileen Degmada Dharkeenleey ee G/Banaadir, xilli uu shaqadiisa usoo socday .

Dilka Yuusuf fareey ayaa waxaa uu ka dhacay Garaash ku yaal Degmada Dharkenleey oo uu kala so baxayay Gaarigiisa xilli uu donayay inuu soo shaqo tago hase ahaatee waxaa Garaashka Gudihiisa u galay 2 qof oo ku Hubaysnaa Bistoolado islamarkaana xirnaa dharka ardayda ay iskuulka ku aadaan iyaga oo dhwor xabadood kaga dhuftay Madaxa waxaana uu ku geriyooday Garaashka Gudihisa .

Dilka Yuusuf Fareey ayaa waxaa inoo xaqiijiyay qaar ka mid ah Howlwadeenada Wasaarada Warfaafinta, iyadoona maantaba magaalada Muqdisho lagu aasay.

Yuusuf Cali Cismaan ayaa ahaa Rug cadaa saxaafadeed waxaana uu horay uga soo sheqeyay Radio Muqdisho, isaga oo haatan ka mid ahaa Agaasimayaasha wasaarada Warfaafinta ee dowlada TFG islamarkaana howlo badan ka haayay wasaaradda.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.