Wariye Maxamuud Cali Yare Buneeste oo ka mid ahaa saxafiyiita Soomaaliyeed ee sida aadka ah loo yaqaanay ayaa Galabta ku dhintay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ka dib israsaaseen dhex martay ciidamo ka wada tirsa dowladda TFG.
Wariyaha ayaa rasaasta waxa ay ugu tagtay goob uu ku daawanaayay ciyaar kubadda cagta ah, iyadoona rasaasra ay dhanka madaxa ka haleeshay sida ay inoo xaqijiyeen qaar kamid ah dadkii ka agdhawaa markii ay rasaasta ku dhaceysay.
Wariyaha dhawaan waxa uu ka yimid magaalada Nairobi ka dib hooyadiis oo ku xanuunsaneysa magaalada Muqdisho, waxaana maalmo ka dib markii uu yimid geeriyootay hooyadii.
Dhamaan saxafiyiinta reer Muqdisho waxa ay tacsi tiiraanyo leh ka diraayaan geeridii ku timid Allah u raxmadee wariye Buneyste.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.