Kaddib markii maalintii shalay aheyd uu TV-ga Somali Channel baafiyay in Degmada Luuq ee gobolka Gedo laga taageeray Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah musharaxiinta tartanka ugu jira xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, ayaa waxaa durbaba soo baxaya warar hoose oo sheegaya in aanay jirin haba yaraatee wax lagu sheegi karo ISU SOO BAX BALAARAN oo lagu taageeray musharaxa, balse sida Video-ga ka muuqata dadka yiri ”wax baan taageernay ay yihiin dhowr qof oo iyagu dano gaar ah oo siyaasadeed ay kala dhaxeyso Ra’isal wasaaraha.”
Waxgarad kasoo jeeda guud ahaan gobolka Gedo oo lasoo xariiray shabakadda AOL ayaa waxay sheegeen in ay xaaraan tahay iyo wax aan la aqbali karin in inta la’isugu yeero dhowr hablood iyo dhowr oday oo qol lala galo in la yiraahdo “taageera shaqsi hebel adinka oo ku hadlaya magaca shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Luuq.”
“Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo dhamaan musharaxiinta kale ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya xaq bay u leeyihii in laga taageero gobol kasta oo Soomaaliyeed, balse taageerada uu gobolka u fidinaayo musharaxa waa in ay noqotaa mid si sharciga waafaqsan loo soo abaabulay oo ay ogolaadeen mas’uuliyiinta gobolka ugu sareysa, ee ma ahan in dhowrkii qof ee dan gaar ah lehba intii ay qol yar isku soo xirtaan in ay yiraahdaan anaga oo ku hadleyna magaca degmada Luuq ee gobolka Gedo waxaan taageersanahay musharax hebel” sidaas waxaa yiri waxgaradkii lasoo xariiray AOL.
Iminkana si aad u aragto muuqaalka dhowr qof oo hal qol ku jira oo uu wariyaha Somali Channel ku sheegay in uu yahay isu soo bax balaaran oo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo oo lagu taageeray mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hoos ka daawo:
————–
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Asc, reer luuq dareenkooda waa muujiyeen inta ka muuqatana waa ay matelikaraan laakiin wariyuhu inuu shir ku sheego ayey ayey (shir taageero) maxaa yeeley isu soo bax meesha kama muuqato. Waxaan qiyasayaa waa xirfad yari dhanka saxaafda quseya. Balse guul iyo gobanimo, iyo horumar all Somalis aad Baan u taageersanahay Dr. Abdiwali Gaas
asc ramadaankariim runtii hadaan fikradayda kajeedsado arinta lashaegay in banaanbax lagu taageerayo cabdiwali uukadhacay degmada luuq runtii arintaas waxaad modaa in laisku qaldayo fikradaha shaqsi ahaaneed iyo bananbax qof lagu taageerayo runtii aniga waxay ila muuqataa in wax bananbax ah uusan kadhicin luuq mana muuqan calamadaha lagu yaqaano iskuubaxyahay lagu taageerayo qof ama looga soo horjeedo balse waxay ahayd ayaan umalaynayaa in qolo dankaleh drcabdiwali
waxey ila tahey in ay mujiyeen taageraha ay u qabaan in u kuso baxo doorashada madaxweyne Dr Cabdiwali, marka koley waa isku sobax