Xafladdaan waxaa ka sooqeyb galey dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Australia sidaSiyaasiyiin, aqoonyahanno, arday, hooyooyin, dhallinyaro, Ganacsato, culumaa’uddiin iyo dhammaan qeybaha kaladuwan eebulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan waddanka Australia.
Munaasibadda ayaa waxaa kadhexmuuqday aqoonyahanno ay ka mid ahaayeen Dr.Ahmed Bile Nur, Maryan Abdulle Garweyne iyo xaawa dheel.
Xafladdaasi oo ahayd mid aad u quruxbadan abaabulkeeduna uu aad u sarreeyayay ayaa waxaa lagu soobandhigay khudbado isugujiray duco iyotaageero weynoo loo muujinayay musharaxa Dr Cabdiwali Mahamed Cali.
Munaasabadda ayaa waxaa shirgudoomiye ka ahaa afhayeenka qurbajoogta Soomaaliyeed ee waddanka Australia mudane Saciid Cabdirahman Shiine, oo ugu horeyn si qoto dheer uga sheekeeyay aqoonta uu u leeyahay Dr Cabdi wali Maxamed Cali Gaas, isagoo shacabka u iftiimiyay sida Dr Cabdiwali uu u soo celin karo sharafti iyo dawladnimadii umada Soomaaliyeed ka luntay.
Saciid Shiine ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay kudhawaad 22 sano oo colaado ah, waxayna u baahan tahay aqoonyahan garankara sida xalkaas loo soohooiyo. Mr Shine ayaa isasharixida Dr Cabdiwali wuxuu ku tilmaamay mid guulweyn u ah dhammaan umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku boggaadiyay Cabdiwali wax qabadkiisa iyo kartida uumuujiyay muddadii gaabnayd ee uu xilka ra,iisalwasaarenimada Soomaaliya uu hayay.
Mr Shine ayaa qodobqodob u dulistaagay waxyaabaha lagu faanikaro oo uu musharaxan xilka madaxweynimada Dr Cabdiwali Gaas uu qabtay mudadii ka koobnayd 10 bilood ee uu xilka hayay , isagoo ku tilmaamay guulaha is dabajooga ahaa ee laga gaaray Road Map iyo sida ay Soomaaliya uga bixilahayd ku meel gaarnimada gaarahaan heshiisyadii Garoowe 1,2 kuwaasoo uusheegay in ay markhaatidhab ah u yihiin wadada uudoonayo in Dr Cabdiwali uucagta u saaro Soomaaliya.
Goobta munaasabadda kadhacaysay ayaa waxaa lagusooban dhigay halkudhagyo ay ku qornaayeen maamuusyo iyo bogaadin kusocotay Dr Cabdiwali iyo Taageerida BadbaadoQaran.
Gudoomiyahaya Jaaliyadda Soomaalida eeVictoria, Australia, Mudane Cabdirahman Jaamac Cismaan (Mr Raas) oo kamid ahaa dadkii goobta kahadlay ayaa isaguna hambalyo iyo baaq taageero ah waxa uu u diray MusharaxaCabdiwali Maxamed Cali, isagoo ammaanay howl karnimada iyo aqoonta musharaxaas. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu ummadda Soomaaliyeed dhammaantoodba meelwaliba oo ay joogaan kubooriyay in la taageero Dr Cabdiwali, isagoona ,faahfaahiyay waxabadkiisii 10ka bilood.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaaliyeed MrRaas waxaa uu ku guubaabiyey dadweynaha kulanka kaqeyb galay in ay joogteeyaan in sidaanoo kale ay u soo bandhigaan fikirkooda iyo talooyinkooda ku aaddan shaqsiga wax ka badeli kara xaaladda dalka.
Dhamaan aqoonyahanada iyo indheergaradkii Soomaliyeed ee xafladdaas goobjoogga ka ahaa ayaa mid mid uga sheekaysanayay intii ay xaflada socotay meesha ay Soomaaliya hadda mareyso iyo guulaha lama dafiraanka ah ee uu Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka soo hooyay in Soomaaliya loo soojeediyo indhaha caalamka, lanagaaro horumar siyaasadeed oo kudhisan isu tanaasul iyo wax wadaqabsasho. Isagoo magaalada Muqdisho mudadii uuxilka hayay muddo 22 sano ah kaddib kuguulaystay in uu ku sooceliyo gacanta dawladda Soomaaliyeed halkaa oolagu wiiqay arxanlaawayaashii Al-shabaab ee gacanta ku hayay xaafado badan oo ka midahaa caasimadda.Taa waxaa siidheer in sidoo kale gobollada dalka laga xoreeyay maleeshiyaadkii Alshabaab.Dadweynaha reer Australia ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in hadii Mudane Cabdiwali uuSoomaaliya oo dhan ka dabaalsiin doono xaalada murugsan, tanoo fursad u noqonaysa dhamaystirka howlaha kaharay tubta nabadda, xaqiijinta amniga, taaba gelinta hannaanka dawladnimo oo ay umadda Soomaaliyeed kunaalooto waqti dheer.




uma maleynaya in ay wax weyn ka soo baxayan,waayo waax lablakac ku dhisan
shiraarka dibada lagu qaabto aad baan xogogaal ugu ahay.
Maanta oo kale 23kii bishii June sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2011ka ayaa si rasmi ah loogu magacaabay xilka Ra’isulwasaarenimo ee Soomaaliya Mudane Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayadoo magacaabistiisana ay kusoo aaday xili dalku uu ku jiray xaalad adag oo ay sabab u ahaayeen dagaallo ay Dowladdu kala kulmeysay Maleeshiyada Al-Qaeda iyo Abaarro saameeyey nolosha dadka ku nool gobollada Koonfurta iyo bartamaha Dalka.