Ciida dowaldda TFG ayaa howlgalo ay ka sameeyeen magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxay kusoo qab qabteen rag aad u badan oo la shegay inay ka dambeeyeen falalka amaan dari ee maalmahaan ka dhacaayay magaaladaasi.
Axmed Inji oo ah gduoomiye ku xigeenka dhanka amaanka maamulka gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Shabakada AOL in howlgalkaasi ay ku qabteen 10 qof oo uu sheegay inay uga shakiyeen amaan dari inay magaaladaasi ka wadaan.
“Waxaan xalay ilaa saaka sameenay howlgal aan kusoo qabanay dad aan uga shaki sannahay nabad diidka inay xiriir la leeyihiin, laakiin hadda waxaan ku wadnaa baaritaan oo dadkii dambi aan ku helno ayaan maxkamad saareenaa”
Ciidamada dowladda TFG maalmahaan waxay wadeen howlgalo ay kula dagaalamaayaan dadka falalka amaan xumida ah ka wada xaafadaha kala duwan ee magaalada B/weyne ay ka koobantahay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.