Gudoomiyihii Ganacsatada Suuq Bacaad Saciid Fiidoo Rooble ayaa kooxo hubaysan waxaa ay ku Dileen Xaafada Suuq Bacaad, Xilli uu kasoo baxayay masaajid ku yaal xaafadaasi oo Salaada Maqrib kusoo Tukaday .
Saciid Fiidoow Rooble ayaa Kooxo ku hubaysan Baastolado waxaa ay ka toogteen Madaxa isaga oo Goobtaasi ku Geriyooday Sida ay inoo Shegeen dad Goob jogayaal ah .
Saciid Fiidoow ayaa ahaa Gudoomiyihii ugu Horeyay ee Ganacsatada Suuq Bacaad waxaana uu ku howlanaa sidii loo sii Balaarin lahaa suuqa Labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho ee Suuq Bacaad.
Ilaa iyo haatan lama oga cida sida rasmiga ah dilkaasi uga dambeysay, hase ahaatee waxaa goobta dilka uu ka dhacay gaaray ciidamo ka mid ah dowladda TFG oo baaritaano xoogan halkaasi ka wada.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.