Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xoghayuhu uu ku baaqay in aan laga daba marin 20 August oo loogu tala galay inay dhacdo doorashada madaxtinimada wadanka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sidoo kale Sheegay in xoghayuhu uu ka digaayo musuq maasuq lagu sameeyo soo xulista xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo sidoo kale in baarlamaanka ay ka mid noqdaan ragii hore ee hogaamiye kooxeedyadii dalka Soomaaliya.
Sidoo kale xoghayaha ayaa ka digay in wax isdaba marin darteed ay cabasho u keenaan beelaha Soomaaliyeed qaarkood, isagoona sheegay in ay ka warhayaan maalmahaan dambe musuq maasuqa soo ifbaxaaya.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmahaan dambe ay socoto soo xulista xubnaha ka mid noqonaayaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana jirta in ay aad u cabanaayaan qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


War laga soo saaray xafiiska Banki Moon ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghayuhu dhawaan tagayo magaalada London, isla markaasna uu ka qeybgalayo shirka ay dowlada Ingiriisku diyaarisay oo sidoo kale lagu casuumay madaxda dhawr wadan oo caalamka isla markaasna diiradda lagu saarayo dhibaatadda Soomaaliya ka jirta.