Home » News »

Waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo oo kalsoonidii kala noqday guddoomiyaha Degmada Luuq ee gobolka Gedo (Akhri sababta)

Waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa waxba kama jiraan iyo borobogaando raqiis ah oo la buun-buuniyay ku tilmaamay war uu dhawaan TV-ga Somali channel faafiyay oo shegayay in banaanbax balaaran oo ka dhacay Degmada Luuq ee gobolka Gedo lagu taageeray Ra’isal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah musharax madaxweynaha Soomaaliya, balse xaqiiqda jirta ee la ogaaday ay tahay in Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo ah guddoomiyaha Degmada Luuq uu yahay ninka ka danbeeyay inuu isugu yeero dhowr qof oo inta uu qol ku xirtay yiri “aan u sheegno saxaafadda in aan taageersanahay Ra’isul wasaare Gaas.”

Haddaba, waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa kaddib markii ay arkeen:

1.  Muuqaalka Video ay kasoo muuqdaan dhowr qof oo hal qol ku jira oo lagu sheegay in ayaga oo ku hadlaya magaca bulshada Soomaaliyeed ee Degmada Luuq in ay taageerayan musharaxnimada Ra’isal wasaare Gaas.

2.  In cidda soo abaabushay kulankii ay dhowrka qof isugu yimaadeen ee la yiri “waxaa lagu taageerayaa Ra’isal wasaare Gaas uu ahaa Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo ah guddoomiyaha degmada Luuq”, isla markaasna fekerka noocaas ah uu asaga kali ku ahaa ee aanay la qabin shacabka ku dhaqan degmada Luuq iyo mas’uuliyiinta kale ee gobolka Gedo toona.

3.  In talaabada uu guddoomiyaha Degmada Luuq ku kacay waqtigaan xasaasiga ah ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqna gobolka Gedo u horseedi karto wadashaqeyn la’aan, kala shaki iyo bur-bur hor leh, isla markaana ay habooneyd Guddoomiyaha Degmada Luuq in wixii talaabo ah ee uu qaadayo uu kala tashto mas’uuliyiinta kale ee gobolka Gedo.

Haddaba, waxgaradku kaddib markii ay arkeen qiimeeyeena dhamaan qodobada kor ku xusan ayaa waxay soo saareen qodobada soo socda:

1. Waxgaradku markii ay arkeen go’aanka keli talis-nimo ee uu guddoomiyaha degmada luuq ku qatay taageeridda mid ka mid ah musharaxiinta madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, isla markaana ay qiimeeyeen natiijada ka dhalan karta fal noocaas ah ee uusan maamulka gobolka Gedo la ogeyn ayaa waxay kalsoonidii ay u qabeen kala noqdeen Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo ah guddoomiyaha Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

2.  Waxgaradku waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen taageerada la sheegay in Degmada Luuq ee gobolka Gedo looga fidiyay Ra’isal wasaare Gaas, waayo sida Video-ga ka muuqataba kulankaasi waxuu ahaa mid ay shaqsiyaad yar oo uu Guddiimiyaha Degmada Luuq ku jiro inta ay guri yar isku soo xireen kaga been abuurteen rabitaanka shacab weynaha ku dhaqan degmada Luuq ee gobolka Gedo.  Sidoo kalena, talaabadaan aan sharciga waafaqsaneyn ee uu ku kacay guddoomiyaha degmada Luuq ayaanan aheyn mid uu haba yaraatee kala tashtay mas’uuliyiinta kale ee gobolka Gedo.

3.  Waxgaradku waxay Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo ah Guddoomiyaha degmada Luuq ka dalbayaan in uu si deg-deg ah raali galin uga bixiyo go’aankaas qaldan ee uu kaligiis qaatay, isla markaana uu cadeeyo sababta ku kaliftay in uu talaabo noocaas ah oo aan sharciga waafaqsaneyn ku kaco.

4.  Ugu danbeyntii, waxgaradku waxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo, gaar ahaan mas’uuiyiinta gobolka Gedo oo ah mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba ugu baaqayaan in ay si wada jir ah uga  soo horjeestaan ficil kasta oo u muuqan kara mid wiiqaya amniga, deganaanshaha iyo midnimada gobolka Gedo.

Xubnaha bayaankaan sida wada jirka ah usoo saaray waxay kala yihiin:

1.  Col. Xasan Daahir Ugaas Yarow (Xasan Dheere)
2.  Nabadoon Axmed Jimcaale (Kaaradile)
3.  Nabadoon Maxamuud Aden Taamboy
4.  Faarax Cabdulahi Abayle (Faarax Rooti)
5. Maxamed Xuseen Cusmaan (Afmaran-diid)
6. Dr. Shire Cabdi Maxamed (Shire Caley)
7. Cabdirashiid Cabdi Xasen (Hoolaa)
8. Axmed Macalin Faarax
9.  Axmed Sh. Cali Nuur
10. Cusmaan Maxamed Cali (Shuqaale)
11. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe)
12. Muuse Sh. Cali Nuur
13. Xuseen Ibraahin Isaaq
14. Maxamed-weli Aden Gaab
15. Maryan Sh. Cali Nuur
16. Cabdulqaadir Bile Aden
17. Cali Macalin Faarax.

Bayaankaan waxaa lagala xariiri labada nin ee kala ah:

Col. Xasan Daahir Ugaas Yarow Wakiilka Ugaaska Xasan Gaashireedle ee dalka Kenya Tel. 254713476030 Nairobi, Kenya iyo Muuse Sh. Cali Nuur Tel. 859-803-2278.

Iminkana si aad u aragto muuqaalka dhowr qof oo hal qol ku jira oo uu wariyaha Somali Channel ku sheegay in uu yahay isu soo bax balaaran oo ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo oo lagu taageeray mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hoos ka daawo:

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

10 Jawaabood " Waxgarad kasoo jeeda gobolka Gedo oo kalsoonidii kala noqday guddoomiyaha Degmada Luuq ee gobolka Gedo (Akhri sababta) "

  1. ass wrt wbt

    salaan kadib waxaan u mahad celinayaa wax garadka iyo cuqaasha ree Geddo ee go,aankooda soo gudbiyay waana xili loo baahnaa ?? waayo waxa uu ku kacay (canjeex) waa wax laga xishoodo qof masuuliyad intaa le,eg hayan aan laga filaynin

    tan labaad waxaan la yaabanahay qoloada somali chanel oo wixii loo sheegaba iska soo gudbinaaya ayagoon wax tafaf tir ah ku samayn

  2. durta says:

    HORTA IQYAAREEY HADII LA IS TAAGEERAY XATAA WAX SAAS AH AMA DHIBA MALAHAN SAAN U ARKO,
    LAAKIIN LABADA WARIYE QUDHOODAA KALA HADLAYA SAAXIIBKEY IBRAAHIN OO WARKA AQRINAYA WAXUU LEEYAHAY (ISU SOO BAX BALAARAN OO LAG TAAGEERAYO MUSHARAX C/WELI) ISLA REPORTER-KUNA WAXUU LEEYAHAY (KULAN BALAARAN)MARKA KULAN IYO BANAAN BAX WAA KALA LABO MACNO,
    DHIBNA MALAHAN MAAMUL DAWLADA HOOSTAGA HADUU INTA KULAN GAARA SAMEEYO UU TAAGEERO MASUULIYIINTIISA QAAR KAMID AH HADUU MUSHARAX YAHAY WAX DHIB AH OO SAAS AH UMA ARKO KOLEEY ANIGU,
    TANKALE OLOLAHA DOORASHADA SOCDA QOF WALBA QOFKUU RABUU U OLOLAYNAYAA IQYAAREEY,MADAXWEYNE SHARIIF INTAAS OO DAD AH OO BEELO KALA GADISAN AH BAA U OLOLAYNAYSA,C/WELI GAAS SIDOO KALE,MR SAKIIN SIDOO KALE,FARMAAJO KADAALIKA,IYO MUSHARAXIINTOO DHAN,ISFAHAN WAX LA YIRAAHDO AYAANA JIRA IYO YAA MUDAN XILKAAN ,QOF WALBANA QOF BUU U OLOLEYNAYAA EE CAADI HALAYSKA DHIGO GUDDOOMIYAHA LUUQNA HALAYSKA DAAYO OO YAAN CULAYS BADAN LA SAARI IQYAAREEY…..
    DURTA

  3. Rajul says:

    Wariyaha beenta soo tabiyayna waa in xhaqada laga cayriyo maxaa yeelay xirfad maleh. Wuxuu ku xadgudbay xuquuqda wariyanimo, sideebuu u dhihi karaa ( Banaan bax / Kulan Balaaran ) iyadoo xaqiiqadu tahay in dhowr oday oo masaakiin ah qol lagu soo xirtay?

    Waa in ay reer luuq ka tashadaan ninkaasi Wariye fiican ma ahee.

  4. Mohamed says:

    waa wax lala yaabo waxuu canjeex ku kacay waana mid sharaf dil ku ah dadka deegaan kasoo jeedo marka waa laga qaadaa talaaabo ka baxsan kalsooni kala noqosho waayo waxuu ku tagri falay masiirka umad dhana una hogaamiyay meel qaldan iyo qofaan waxna ugu fadhin ,ha sheego canjeex waxuu u qabtay degmada luuq ee uu ku taageerayo ina gaas oo aan ognahay meeluu kasoo jeedo iyo waxuu damacsan yahay iyo siduu kursiga hada uu ku fadhiyo ku yimid …….baraavo wax garadka beesha xasan gaashireedle ee soo saaray baaqaan iskana fogeeyay falka wax magaratadan ………..ree gedo iyo beesha uu canjeex kasoo jeedo iyo umada soomaaliyeed o dhana waxaaa musharax ah mudane maxamed cabdilaahi farmaaajo…

  5. asc waxan salamaya dhaman maamulka webkan alldedo.com . Ani ma daawan arinkaa lakin maxaa ku jaban hadii luuq iyo gedo dhan laga taagero gaas soo gurigisi mahan iyo dadkiisi maxaaa cilada oo ku jira

  6. asc salan kadib waxan lahadlayaa dhaman reer luuq wan wada salamay lkn anjax ayaa ku dhoreyey wayo asagow awooda in u dhaho magalado amuda harato lkn in u guri yar isku soo xiro waa ceb

  7. mohamed timajilic says:

    asc.waxaanu nahay somali dadka is sharaxayane waa somalia qof kasto oo somali ah waxaa uu xaq u leeyahay in uu taageero qofka uu u arko in uu wax qabad leeyahay dadkiisa iyo dalkiisaba,muwaadinkasta oo somali ah xoriyadiisa asaga ayaa leh marka canjeer iyo dadka ree luuq waa taageeri karaaan qofka ay rabaan ayaka.mise wali waxaad wadaan shakadii ahayt ree hebal iyo ree hebal taasi hala laga gubo oo qofka musharaxa ah ha loo qiimeeyo daacad nimidiisa iyo aqoontiisa wax qabadkiisa.wabilaahi towfiiq

  8. hassan says:

    asc waxan salamaya dhaman reer luuq wana ku farax sanahay awooda ay mujiyen

  9. RE YABAR says:

    durta…AFSOOMALIGAAGA LAMA FAHMIN SXB MEESHAN COMMENTIGA CIDI ARINTAN AY QUSEESAA LO GU TALO GALAY NOT UMAD KALE

  10. waxan halkani oga mahad naqaya odayaasha sarakisha ku hadashay afka ugaaska xasan gaalshiredale mahad naq balaaran dabeda ninka la yiraado canjeex waxa uu ku dhaqamay wax lo dulqadan karo mahan isaga iyo kuwa la midka ah ee ???? raaca ah aan garankarin siyaasada iyo mustaqabalka fog hadii aan nahay reer gedo waxan qaba in meel adaga laga wada istago isaga iyo kuwa la midka ah ee la midka ama aan tuhunsanahay in ay shiliman loo tuuri dona canjex ninka la yiraado waa in uu ka bixiyo raali galin balaran hadii kale mustaqabalkiisa shaqo ayu wax u dhimaya waxana kula talinaya kuwa la midka hanka yar waa la doogiye yan la dacaron jaale waxan ka sugano waxay tahaya raali galin deg deg ah iyo ado ugaaska u dhibto madaxa waayo waa mida kaliya od ku badbadi kartid mar labad waxan maha gaarah u celinaya madax dhaqamedka beesha reer xasan oo arinkasi naga shaafisay wadana ku mahad santihin gobanimadan wan idin ku ogen guulaysta jaale yaal