Maraakiib dagaal oo ku sugan xeebta Kismaayo ayaa saaka iyo maanta duhuradii la sheegay in duqeymo ay u geesteen magaalada Kismaayo iyo duleedka magaaladaasi, waxaana duqeynta ay ahayd mid aad u xoogan.
Markabkaan ayaa la sheegay in gantaalo iyo sidoo kale Lidka diyaaradaha uu magaaladaasi kusoo garaacay iyadoona halkaasi qasaare ay ka dhalatay.
Madaafiicda qaar ayaa la sheegay in ay waxyeelo u geesatay dad xoolo dhaqato iyo ah iyo sidoo kale xoolihii ay wateen, waxaana dhanka kale la tilmaamay in Al-shabaab iyana ay iska difaaceen maraakiibta dagaalka oo ay ku tuureen rasaas xoogan.
Waa markii Labaad oo si dhaw isugu xita oo maraakiib dagaal ay duqeeyaan magaalada Kismaayo, waxaana kal hore duqeyn halkaa ka dhacay ay dhibaato soo gaarsiisay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.