Wararka ka imaanaaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaaya in halkaasi la isugu yeeray dhamaan saraakiisha dowladda TFG iyo kuwa Kenya ee hor boodaayay dulaanada dagaalka lagu doonaayo in lagu qabto Kismaayo ,waxaana halkaa la sheegay in uu uga furmaayo kulan culus.
Wararka ayaa sidoo kale waxay intaasi ku daraayaan in saraakiishaan ay halkaasi ku sugnaan doonaan muddo Todobaad ah, iyaga oo ka hadli doono arimo badan oo ka mid ah qaabka ay ku qabsan lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in isbedal xoogan uu ku dhacay Howlgalkii ay ciidankaan Huwanta ah ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Kismaayo ka dib markii saameen ay ku yeelatay diyaaradihii ku bur bhuray wadanka Kenya oo la sheegay inay saacidi lahaayeen ciidanka duulaanka ku ah Kismaayo.
Waxaa la filaayaa saraakiishaan marka ugu dambeysa ee uu soo dhamaado kulankooda inay dib ugu soo laaban doonaan halkii ay ka tageen, waxaana ay meeshooda ka bilaai doonaan qorshooyin kale oo loo soo degayo qaabka loo qabsanaayo magaalada Kismaayo.
Dowladda Kenya oo kaashaneysa dowladda TFG, iyo Raaskambooni ayaa wasay mudooyinkaan dambe qorshooyin ay ku doonayaan inay Al-shababaab kala wareegaan magaalada Kismaayo in kastoo qorshihii hore ay wax iska bedaleen.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

war bal kaalaya anagaa waxa aragnay!!! ma kenya ayaa nalaga xukumaa waa maxay keenya imaada!!!!!!
Ugandha Dowlada Ugandha ayaa ayadu horey u balan qaaday inay ciidamada AMISOM kusoo xoojin doonto 2000 askari oo dheeraad ah. Arrintan ayey Ugandha uga danleedahay in ay qaar kamid ah ciidamadaasi lagu xoojiyo magaalada Kismaayo markii ay gacanta ku dhigaan Kenya iyo ciidamada TFG & Raaskambooni.
Sida uu sheegay Goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo 00 la soo xariiray Shabakada SomaliSwiss in laba diyaaradood ay si aan caadi ah ugu dulwareegayeen, balse dadka ku dhaqan magaalada ay l asoo darastay cabsi ay ka qabaan in diyaaradahan ay duqeymo ka geeystaan degmada Kismaayo.