Dr. Sakeriye Maxamuud X. Cabdi oo ahaa Guddoomiyihii Isbahaysiga Dibu-xoreynta ee Asmara ayaa ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan jagada Madaxweyne ee doorasha lagu wado inay dhacdo 20 bishaan Augosto.
Siyaasigaan Caanka ah ee Dr. Sakariye ayaa isagoo u waramayay Saxaafadda sheegay in sababaha ugu weyn ee keentay inuu isu soo taago doorashada ay tahay codsiyo fara badan oo oga yimid shacabka Soomaaliyeed, taasoo isaguna ugu dambeyntii uu ka aqbalay codsigoodii.
Waxaanna Siyaasigaan Dr. Sakeriye uu ballan-qaaday haddii uu ku guulaysto doorashada inuu wax weyn ka bedeli doonno xaaladda foosha xun a ee uu dalka maanta ku sugan yahay , isla markaanna uu caddaallad ku saleyn doono hoggaankiisa.
Dr. Sakeriye Maxamuud X. Cabdi ayaa wuxuu ka mid ahaa dadkii wax ka sameeyay Isbahaysigii Dibu-xoreynta ee Asmara, wuxuunna aad oga soo horjeestay joogitaanka Ciidamada Xabashida ee soomaaliya, isagoo aad oga damqaday gabbood-falada ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.
Tan markii la ansixiyay Dastuurka qabya qoraalka ah ayaa waxaa si xawli ah ku socda tirada musharxiinta ee ku dhawaaqaysa musharaxnimadooda, waxaanna doorashadaan dhici doonta 20 Augosto isa soo taagi doono, tiradii musharxiinta ee ugu badnayd ee abid soo marta Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, Dr. Sakeriye oo ah shaqsi aqoon sare iyo waaya aragnimaba leh, isla markaana aad ugu xeel dheer dhaqanka Soomaalida ayaa haddii uu ku guuleysto doorashada ayaa la filayaa inuu wax weyn ka bedelo Marxaladda adag ee uu dalku maanta marayo.
Xafiiska warqabadka ee Muqdisho.
————
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

sakariye waxar xataa loomadirsan karo madaaweyno loo doorto iskaba daaayee.
maansh alah sakariye guulayso walle waa rug cada siyaasadeed wana bir lab oo nin jilicsan maha waxan huba inuu wax wayn kusoo kordhin karo hadii uu helo wayo wa nin mooqif adag leh
Waax weyn Sakariye Xaji Abdi ku soo kordhinmaya Somalia,waayo ninkii
la saftay Ex.G/le Dhexe Hasan Dahiir Aweys,Sakariye ma ahaa Dr. ee waa
Waxuu qaba Dugsiga Sare London waxuu ka dhigtay Collegge,balse Guul
kama gaarin,shahaadana kama qaadan.waxana taas daliil u ah maskaqdiisa
la mideysay Dahiir aweys.oo ah dilaga Caruurta Somaalied.sidaas darteed
Sakariye waa Dagaal Ooge,wana danbiile.w.towfiiq