Home » News »

Khilaafka Madaxweyne Shariif iyo Ra’isulwasaare Gaas oo gaaray halkii ugu xumaa


Masawirkan, dhanka midig ka bilow madaxweyne Sharif Sh. Axmed iyo Ra’isul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Waxaa marba marka ka dambeyso cirka isku sii shareerayo khilaaf ba’an oo ka dhex aloosmay Madaxweyne Shariif iyo Ra’isul-wasaare Gaas, kaasoo haatan u muuqda mid MINDI MINDI ku taag ah.

Madaxweyne Shariif ayaa horey u shaaciyay in Ra’isulwasaare Gaas uu lumayay jagadiisi ahayd Wasiirka kowaad mar haddii uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweyne, taasoo Ra’isulwasaare Gaas isaguna uu gaashaanka u daruuray, kuna tlimaamay waxba kama jiraan.

Dhinaca Kale Ra’isulwasaare Gaas ayaa wareegto uu maanta Xafiiskiisa ka soo saaray ku sheegay in ay tahay tallaabo aan sharciga waafaqsanayn wareegtooyinka uu Madaxweyne Shariif ku magaacabay Degmooyin iyo gobollo cusub iyo waliba dallacsiinta Saraakiisha, waxaanna Gaas uu wareegtadiisa ku qeexay in tallaabada uu qaaday madaxweyne Shariif ay tahay mid liddi ku ah axdiga Dawliga Ah.

Madax-weyne Shariif oo maanta dalka kusoo laabtay ayaa isagana ganafka ku dhuftay wareegtada Ra’isulwasaaare Gaas, waxaanna Shir jaraa’id oo ugu waramayay Saxaafadda uu ugu sheegay in Xukuumaddu ay leedahay soo jeedin oo kaliya ee aanay fara-gashan Karin awoodaha Qaanuuniga ee Madaxweynaha, isla markaanna aanu Ra’isulwasaare Gaas iyo xukuumaddiisu wax saameyn ah ku yeelin karin mar haddii uu Ra’isul-wasaare Gaas yahay Musharax u taagan xilka Madaxweyne.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkaan ka dhex oogmay labadaan masuul ee sar-sare  oo horey ugu eedaysnaa Musuqmaasuqa ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli ay doorashadii ka ka hartay dhawr maalmood isla markaanna ay labaduba yihiin Musharaxiin u taagan jagada Madaxtinimo ee ugu saraysa Dalka.

———–
Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Khilaafka Madaxweyne Shariif iyo Ra’isulwasaare Gaas oo gaaray halkii ugu xumaa "

  1. Ahmed ibra says:

    Laba tuuk o allah kafurtay waxa layiri buunka ninki xaday xagukuyersin hada sharif iyo gas xagey adidonan

  2. Chakdin says:

    Sheikh shariff sharciga dawliga yuu kati labsan.