Home » News »

Mid ka mid ah Murashaxiinta u Taagan Xilka Madaxnimo Ee Soomaaliya Oo Ku Hanjabay Inay Banaanbaxyo Sameyn Doonaan Hadii aan Doorashada Loo Samayn Gudi Madaxbanaan (Masawiro)

Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ka mid ah Murashaxiinta u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadii ay sii socdaan qorshayaasha ay madaxda dowaldda KMG ah ugu sar saraysa ay ku doonayaan inay ku maamulaan doorashooyinka ay samayn doonaan dibadbaxyo arintaasi kasoo horjeeda.

Eng. Maxamed Axmed Saalax ayaa intaasi ku daray in madaxda DFKMG ah ee Soomaaliya ay isku dayayaan inay iyagu maamulaan doorashada islamarkaana magacowdaan gudi iyaga ka amar qaata taasina ay mid aan sharciga doorashada waafaqsanayn isagoo daboolka ka qaaday inay  ka digayaan inay arintaasi dhacdo.

“Madaxda dowladda waxaan uga digaynaa inay isku dayaan inay ka faa’iideystaan awooddooda ayna iyagu isku dayaan inay doorashada  ka taliyaan waxaana haboon in la sameeyo guddi doorasho oo ka madaxbannaan dowlada ” ayuu yiri Eng. Maxamed Axmed Saalax.

Sidoo kale, murashaxu wuxuu madaxda dowladda ku eedeeyay inay doonayaan inay codadka ku shubtaan, isagoo sheegay in haddii ay taasi dhacdo ay imaan doonto dhibaato dhabar jab ku ah geedi socodka nabadeed ee somalia ku jirto .

“Inagu waxaan taageeraynaa in ammaanka la adkeeyo, balse ma ogolaan karno in doorashada la musuqmaasuqo, waxaana ku talinaynaa in doorashada loo sinnaado,” ayuu yiri Eng. Saalax oo carabka ku adkeeyey inay jiraan wel wel laga qabo inaysan dhicin sidii looga baahnaa doorashada dhow.

Hadalka musharaxan eng .maxamed axmed saalax ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada KMG ah ee somalia wado dadaalo ay ku doonayso inay maamusho doorashada dhowaan lagu wado inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Yaasiin Maxamed, Muqdisho/Somalia
faytinyare@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.