Home » News »

Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamud Ow Cabdula Cariif Oo Isku Qilaafay Cunista Waraabaha (Dhageyso)

Kaddib markii baryahaan ay saxaafadda wax badan ka qortay in ay Al-shabaabka ku dhaqan gobolka Jubbada Hoose sheegeen in ay shareecada Islaamka ogoshahay in la cuno hilibka waraabaha (dhurwaaga), ayaa waxaa arrintaas siyaabo kala duwan uga hadlay Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamud Ow Cabdula Cariif Oo Isku Qilaafay sharci ahaan cunista hilibka waraabaha.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa inuu hilibka dhurwaaga xalaal yahay u daliishaday xadiis uu soo qaatay, halka uu Sheekh Maxamuud ow Cabdula Cariif asna sheegay inuu dhurwaagu yahay bahal waxash ah oo ilko badan leh, isla markaana ku sheegay in aanay shareecada Islaamka qabin in hilibkiisa la cuno.

Dhanka kale, Sheekh Maxamuud Ow Cabdula doodiisa diiniga ah ee uu cunidda hilibka dhurwaaga ku xaaraantimeynayo uma uusan daliishan aayad quraan ah iyo xadiis toona.

Haddaba, si aad u maqasho codka labada Sheekh ee isburinaya fur Video-ga hoose:

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

19 Jawaabood " Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamud Ow Cabdula Cariif Oo Isku Qilaafay Cunista Waraabaha (Dhageyso) "

  1. said abdi says:

    Sheekh maxamuud owcabdile cariif hadalkisa maadnaan soo wada galin waayo, meele kale oo aan ka dhagaystay waxa uu socday 18 in kabadan

  2. Yo says:

    Wadaadada Somalida waxay socdan hada waxay marayaan in Dood galiyeen dhurwaa waa xalaal Iyo waa xaraan wax kalanna wan kasugaynaa.

  3. Arintan hadan kahadlo warabuhuhu maxalalba mise waxaran tas wax lagu shakiyo ma ahan warabuhu xalal ma aha hilibkisana lama cunika maxa yelay wuxu cunaa wax alaala iyo wuxu arko waxan is waydinaya wadadka yiri warabuhu waxalal libaxa muxukushegidona?

  4. ali mahdi says:

    Acww ilaahay ayaa ka saaray umadaan somaliyeed kitaab gaablow aan daliil haysan ee sheekh carif ilaahay ha ku karaameeyo waad dadaashaye balse maadan asiibin jawaabtii balse umal se waa helay jawaabta allaha karaameeyee

    ALI MAHDI MINNESOTA MINNEAPOLIS USA

  5. ABUU SABIIB says:

    kkkkkkkkk
    shiiq cabdule owcariif baa taa geer sanahay waayo dhurwaa xoolaha baqtiga ah buu cunaa libaxana xoolo kulul oo uu markaas dilay buu cunaa baqti cunkii sow xalaal ku noqday xadiis ka umal uu sheegayo bal hala baaro waayo quraan leskuma hesto xadiis baa lesku heestaa xadiisna xataa daciif buu noqon karaa sh cabdule ow cariif bal naga soo baar hadiiskan la sheegayo waaba dhurwaa cun soo cunay gabar yar oo ari la joogta amaa dadku is cunaan aaqirkii

  6. asw sheekh cabdulle owcariif khayr allah siiyo wuu dadaalay,laakiin waxaan filayaa in uusan meesha keenin wax daliil ah oo xaaraantimaynayo hilibka waraabaha! balse uu doonayo inuu nagu qanciyo ra`yi,hadaba waxaan filayaa inaanu u baahnayn ra`yi inaan ka dhigano diin.

  7. samatar says:

    meesha iska hadal ma aha iyo sheekh hebel baan tagersanahay eee waaa diin , diintana waa cadahay waa ayad quraan iyo xadiiska nabiga nabadgaliyo iyo naxariis dushiisa ha ahatee .

    labada shekhna hadaan isku fiiriyay . mid si guud buu u yiri hilbka dhurwaga waa xaraan , midna daliil xadiis ah buu keensaday in nabigu yiri hilibka dhurwaagu xalaal marka kee baa la qadan , ma waxaa la qadan midka si guud oo daliil waxyaabo badan soo galayaan ka hadlayaa la qadan mise midka sigaar ah daliil ugu keenay dhurwaaga in la cuni karo .

    koleey sheekh umal iyo sheekh cariif aniga waxaan u arkaa in masaladan uu saxsanyahay sheekh umal saa daliil cad bu u keenay in hilibka dhurwaagu xalaal yahay

  8. mohamed says:

    asc sheikh umal xadith ayu na tusay saxiix ah marka sheikh cariifow naga jaahil bixi adiga sababta ad u xaaratimaysay hilibka warabaha waxan ka rabna daliil lkn marabno fikradaada

  9. ASS WRT WBT:

    Marka hore labada sheekhba waa dadaaleen khayrna Allaha siiyo;
    laakiin sheekh Cariife waxaan arkaa inuusan meesha wax daliil ah keenin
    kaliya wuxuu noogu sharaxay Aragtidiisa kaliya, iyo cumuum guud ah:
    Ummadda soomaaliyeed xiligan waa ka koree Aragti shaqsi wuxuu rabo ha ahaadee.
    Laakiin sheekh Umal Axaadiith iyo labo ah yuu keenay oo saxiix ah lana raad raaci karo cidii shaki ka qabta saxiixnimadooda ama jiritaankooda:

    Dadka leh Sheik Hebel baan taageersanahay ogow maalinta aad dhimato allana la kulanto Sheekh lagu waydiin maayo Ee Adilo aayad iyo Xadiith baa lagu waydiin iyo Nabi Muxamed scw ma raacday ::
    ac

  10. A.c.w.w

    Sh. Carif, wax daliil ah ( Aayad iyo Xadiis ma keenin), aan ka ahayn hadal soomaali. Diinteena waxa ay baaqi ku noqotay ilaaliyyna waa daliil( Ayad iyo Xadiis).
    Alle miyaa yiri iyo Nabigiisa, liq haday xitaa kharaartay ( Diintu ma ahan Caqli).
    Alle ha barakeeyo Sh. Umul

  11. mr mmmm says:

    asc,diinta islaamka ma ahan rayi waa daliil diini ah oo marka hore la dalishado aayad quraan ah marka xigana xadiiska nabigeenna nnk ha ahaatee, tan kale somalidu waxay ku dhaqantaa madhabka shaaficiyada. haddaba sh maxamed umal waxa uu keenay daliil xadiis saxiix ah iyo kutubtii shaaficiyada oo uu noo cadeeyay. waa inaan ku raacnaa ilaahay ha xifdiyee,

  12. Nasrudiin says:

    Asc marka hore sh. Umal wu saxsanyahay wayo mesha daliil ayu kenay marka sh.kale nag nagta badan jooji ayan dhihi laha hadi kale dalil ken

  13. tata says:

    culumada maanta waxay maraysaa in ay ka hadlaan is kuna qabsadaan waraabe ma xaalbaa mise waa xaaraam umadina waxaa lagu dirqinayaa dastuur gaalo is la markaana gaalada wadanka kusoo qulqulaysa waayaab iyo ama keek.
    hadii aan cadeeyo arintaan 10sano ka hor ayaan ka dhagaystay ilaahay khayr ha siiyee sh nuur oo ka ahaa shiikh masjidki dabqaynka ee xaafada EX.balcad ee muqdisho in uu waraabuhu yahay xalaal sh. umalna wuu asiibay maadaama uu keeney daliil cad hadaba shiikhu suufiyow wixi ladinku yaqaanay ee ahaa awoow yaasheen ayaan ka soo gaarnay dib ugu noqo kitaabti imaamu shaafici mas,aladu waa cadhayee xaqa qado ok.wc

  14. ABUFAWZAN says:

    ASC WR WB SHEEEKH UMAL XAFIDAHULAAH WUXUU KEENAY DALIIL SARIIX AH OO CAD OO NABIGU (CSW) UU KAGA HADLAY WARAABAHA XADIISKII JAABIR IBNU C/AAHI (RC) BALSE SHEEKH CARIIF WAX DALIIL AH OO UU KU BURINAYO XADIISKAA MUU KEENIN AFSOOMAALI UUN BUU KU HADLAY MARKA SHEEKH CARIIF AAYADA UU KU FURFURTAY MIYAYNA ISAGA QABANAYN !!!!

  15. ABUU SABIIB says:

    WAXAA ANIGA LA YAABAY HANFAD NIMADA SOMALIYA BULSHADEEDA ALL WAA SEEF LA BOOD HADABA AAN IDIN JAAHIL BAXSHO REER ORDAAYE WAA SOOMALIDEE
    WAXA LA XALAA LEEYAY OO CARABTA AAY CUNI JIRTAY XADIISKANA UU SHEGAY NOOLAHA LOO YAQAAN DABAC
    WAA NOOLE U EK DHURWAGA LAAKIIN AAN LAHEEN MICI UU WAX UU KU WEERARO IYO CIDI UU WAX KU DULEELIYO MANA WEERARO XOOLO SIDAA BUU XALAAL KU NOQDAY WAAYO NABIGEENA CSW WUXUU NOO SHEGAY XAYAWAN KASTAA OO MICI IYO CIDI KU UGAARTO OO XOOLAHA KALE LAAYO INUU XAARAN YAHAY MARKA XADIISKU WUU JIRAA LAAKIIN FAHAMKA AAD KA QADATEEN BAA QALDAN DHURWAA XATAA KU GOOBANAYA LIBAAX OO GEEL DILAYA BAA LEE DAHIIN WAA DABAC UMAD YAHAY WAX BARTA NEEF TUUR BAA IDIN DILAY DHURWAA CUNIDNA WAA KU DAR SATEENE QOFKII DALIIL RABA HA FIIRSHO KITAABKA DARMIDI BAL BAHAL KA HALA CUNO LA DHAHAY DABECADIISA WAA NOO CEE DHURWAGANA MAXAAY KU KALA GIDISAN YIHIIN MASE WAA DHURWAA ILAAH QATUMADA HANOO SAMEEYO HEBAL XADIIS BUU KENAYNA WAXAA KA MUHIIM SAN FAHAMKA XADIISKA WABILAHI TOWFIIQ

  16. XEER BEEGTI says:

    tarmidi kitaabka la dhaho halaga baaro bahalka xadiiska uu sheegay ee loo yaqaan dabac meel aay isaga mid yihiin dhurwaa majirto

  17. deeq says:

    walaalyaal waraabaha waagii hore ayaa la isku khilaafay culimo way diiday culimana way oggolaadeen mid kastana daliil ayuu keensaday, waxaa xoog badan dadka xarrimay ee yaan laga dhigin sh umal hadalkiisa inuu muqadas yahay xadiiska uu daliilsadayna waa laga jawaabay waxaad ka heli kartaa kutubta waaweyn sida فتح البارى/ شرح معانى الآثار / عون المعبود/ تحفة الأحوذى

  18. Geeddi cali says:

    walaalayaal, soomaaliya sanadanahan dambe waxaa ka socday mucjisooyin, dadkii dhulka dushiisa ku noolaa iyo kiwii hoosta ku jirayba hadday nabad-geli waayeen,, in waraabe lacuno,, waa arrin fudud,, haddii horay loo yidhi: abkay doolli dilow dad nool maas udaahaa? hadda waxay maraysaa: Abkay dad dhammeeyoow waraabe maas udaahaa,,? dadka inkaartooda ayaa awal socotay, hadday ku darmato tii xayawaankuna,, ilaahoow yaan soomaaliya dhulka lala goynin!!!!!

  19. Asc Aniga waxey ilatahay in uu saxan yahay sheikh umul wuxuu kensaday dalil sheikh waxaan dhihi lahaa fikradtaada ma doonayno ee dalil ma heysaa sida sheikh umul oo kale xadith AMA ayad Quran ah Asc