Home » News »

Beesha Reer Xirsi oo Kulan ay Caabudwaaq ku Yeeshen raali galin uga bixiyay Aflagado loo geeystay Ugaaska Beesha Sade Bari Ugaas Axmed Bare iyo guud ahaan beesha Sade bari (Sawiro)

Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Kulan balaaran oo ay yeesheen besha reer Xirsi Diini ayaa waxaa ay raali galin ka bixiyeen aflagaado loo geeystay ugaas Axmed Barre Taakooy kaasoo ay beeshu aad uga xumaatay kuna sheegtay hadal gaf ah taasoo ay beshu sheegtay in ay u geeysatay Beesha Reer Dalal Diini.

Sidoo kale beesha reer Xirsi kulankoodaan Caabudwaaq ay ku yeesheen waxaa ay raali galin mida ugaaska oo kale ah ay u direen guud ahaa besha sade meel walba oo ay joogto.

Kulankaan ayaa ahaa mid ay kasoo wada qayb galeen guud ahaan wax garadka beesha sida siyaasiniyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada iyo guurtida, waxaana kulankaan ay uga hadleen beesha Reer Xirsi Diini soona dhaweeyeen aqoon yahan C/laahi Qorax Xirsi oo loo caleema saaray in uu  noqdo xilibaanka matalaya besha bah Ogaadeen iyo beelaha kale oo ay xariga wada wadaagaan.

Sidoo kale, beesha reer Xirsi Diini waxaa ay kulankaasi ka sheegeen in beesha walaalaha ay yihgiin ee Rer Dalal Diini ay sagaal jeer soo qaateen Xilibanimada taasoo intaas ay sheegeen in beesha reer Xirsi Diini ay raali uga ahaayeen kuna jeclaayeen walaalahood.

Nabadoon Xuseen Maxamed Guuleed oo ka mid ahaa Waxgaradkii beesha Reer Xirsi ee kulankaasi kasoo qayb gashay ayaa waxaa uu ugaasyada ka codsanayaa in ay tix galiyaan cadaalada iyo xaq soorka, isla-markaasna ay ka shaqeeyaan horumarka, tixgaliyaana heshiiskii Imbagaati oo uu Ugaas Ciise Ugaas C/dille uu ku ogolaaday iyo Jenaral Maxamed Xaashi Gaani ay ku ogolaadeen Xibinta Baarlamaanka ee soo socota Beesha Reer Xirsi Diini.

Nabadoonada ku saxiixan qormadaan waa:

1.  Nabadoon Xuseen warsame Dalmar
2.  Nabadoon Xuseen Muuse Shire
3.  Nabadoon Yaasiin Cabdi Nuur Daad
4.  Nabadoon Subeer maareey Ashkir
5.  Nabadoon Maxamed aadan Guuleed
6.  Nabadoon Xuseen Maxamed Guuleed (Baasiinle)
7.  Nabadoon Xaaji C/laahi Jaamac wagad
8.  Nabadoon C/laahi Daahir xirsi
9.  Nabadoon C/caziiz jaamac xaashi
10. Nabadoon Nasar axmed cali
11. Maxamed salad.

————
Maxamed Maxamud Salaad
maxameddheere9@yahoo.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

9 Jawaabood " Beesha Reer Xirsi oo Kulan ay Caabudwaaq ku Yeeshen raali galin uga bixiyay Aflagado loo geeystay Ugaaska Beesha Sade Bari Ugaas Axmed Bare iyo guud ahaan beesha Sade bari (Sawiro) "

  1. Goobdoon says:

    Walaal waa la idinka tiro badan yahay ee saas ku raali ahaada, dadkii idinka badnaa baa wax loo waayaye.

  2. Guuleed says:

    Goobdoon badnaan bro wax matarto ee aqoon iyocilmi baa wax tara

    Caabudwaaq baad wali taagantaheye ee ninka reer xirsi waa ka aqoon batey wiilashii reer dalal oo aad keenteen meeshe sii ya booskiisa
    reer kooshin waa sidaas oo kale reer nuur ka aqoon batey bey nin mareerey wax ka keeni waayey saacadaan la or ordaayaan

    waqtikee lajoogaa waxaa lamarayaa 2012 bro saas la soco

  3. qalaf says:

    gaabdoon maadaa ree xirsi tiriyay?afka galaadi iyo cilaanle inta u dhaxaysa guri ree xirsi baa ka taagan.caabudwaaqna waa wada dagnaa.teeda kale hadii aad waligiin xubunta bah ogaadeen qaadan jirteen ma dhaxalbaad u malaysay waxo?

  4. Koshin says:

    Markii hore inaan yeelno 14 kursi ma aheen. Dhowr iyo Toban jifo oo Sade ah oo Magaalooyin ay ayaga leeyihiin degan ayaanan Baarlamaanka loo jirin. Marka Odayaasheena isku dagaala 14 xabo awalba waxaad qaadateen Cad-Quure.

  5. dalal says:

    sida loo kala tiro badan yahay ayaa loo kala qaata qalaf hada ma waxuu isleyahay reer xirsi iyo reer dalal ayaa is le eg ugaska birta ayuu idinku dhuftay qarsada

  6. cali jaamac says:

    adeerayaal, labadaiinaba raalli ahaada, wax makala lihidine, kuna heshiiya.

  7. silver price says:

    Sidoo kale beesha reer xirsi kulankoodaan caabudwaaq ay ku yeesheen waxaa ay raali galin mida ugaaska oo kale ah ay u direen guud ahaa besha sade meel walba oo ay joogto.

  8. warsame says:

    bah ogaadeen haday reer dalal ugu badan yihiin
    ma ahan inay iyagu kursiga beelaha ka dhexeeya
    ay leeyihiin wagii la gaaro santuukh cod lagu rido
    ku qaata inta ka horeysana dadka wax u ogolaada

  9. Reer Dalal iyo reer xirsi iyo Sade oo dhan waa walaalo ee waxba ha II kala qaadqaadin. Waxa bacaacdaas oo dhan ay ka yeerayso waa ??????? oo cuqdad rabaani ah qaba.

    Naceybka ay ????? ?????? u qabaan xitaa waxay u dhawdahay inay ????? oga baxaan oo ay dhahaan Diinta Islaank?????? oo ay ????? haystaan la wadaagi mayno e Diin ka????? noo raadsha.

    Waa midaas mida keentay inay ?????? ku wallacaan oo ay Kan buuran ee ?????kabaha u qaadaan. Bal fiiri kan ?????. Wuxuu Baarlamaanka ku galay Magaca Sade wuxuuna cadeeyay inuu codkiisa siinayo Ina Gaas.

    ?????? hayso weeye ????? waxay rabaan iyo waxaysan Rabina lama yaqaan. Waa laba arrimood oo kala daran. Laangaabnimo iyo Cuqdad.