Kadib kulan ay yeesheen (Teleconference) nabaddoonada, waxgaradka , aqoonyahanada beesha Yuusuf Fiqi Cali eek u nool dalka iyo qurbahaba Waxay soo saareen qodobada hoos ku xusan:
1. Waxaan cambaareyneynaa sida cadaalada ka fog ee ay ismida beeshu u qaybiyeen xubnihii baarlamaanka ee Beesha Tanade Daarood.
2. Waxaa cadeyneynaa in Reer Maxamed carab oo seddex goor oo xubno baarlamaan la qaybsaday aan wax laga siin, tanina ay tahay tii afraad.
3. Waxaa xaqdarro ah in qofkii shalay qaatay inuu maantana qaato
4. Si cadaaladu u shaqeyso miyaanay ka haboonen in maalinba reer la siiyo
5. Waxaan markhaati madoonto ah in aqoonyahanada beeshu ay maalin walba u taagan yihiin wax u qabadka Beesha Tanade markii ay wax qaybsi noqotana ayna tolka ku jirin
6. Waxaan cadeyneynaa in sida baarlamaanka loo qaybiyey iney tolka aad u kala fogeysey
7. Waxaan kaloo cadeyneynaa iney tani keeni doonto in beelaha Tanade ay mid waliba isimkeeda sameysato mar haddii isimkii tolku caado ka dhigtay cadaalad darro joogto ah.
Waxaa go’aanadan soo saaray ragga magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
1. Nabadoon Axmednuur Sheekh Xasan
2. Col Abdikarim Sheekh Xasan
3. Dr. Cabdisalaam Sheekh xasan
4. Eng. Omar Cabdinur Nuux
5. Eng. Mohamed Axmed Ciiro
6. Abshir Sh Xasan
7. Bashir Sheekh xasan
8. Maxamuud Sh xasan
9. Jaamac Cabdinur Nuux
10. Xasan CabdiKariim Sheekh Xasan
11. Axmed Cabdinur Muuse
12. Aadan Cabdi Cumar
13. Mahad Cabdikariim
14. Jaamac Cabdi Cumar
15. Cabdishakuur Yaasiin Sh Xasan

Markii horeba inaad yeeshaan 5 kursi ma aheeyn. Hada cidaan qaadataba 5 kursi isdhali maayaan…….. Kor ayaa la idinku soo dhacay.
Reeer maxamued Carab ma lelkase ba? wali maba maqlin , waxan filaya wa kuwa yaryar , hadi ariinta sas tahay 5 kursi waxa leeh waweynka rer-caraab .