Kaddib markii ay intii muddo ahba mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee uu waqtigeeda sii dhacaayo iyo qurbajoog horor ah oo kasoo hayaamay dibadaha ay ku mashquulsanaayeen sidii ay dhaqanka beesha Sade haadaan uga tuuri lahaayeen, ayaa waxaa durbadiiba si weyn oo aan la qarin karin u muuqata guul darooyinkii ka dhashay hagar daamooyinkii ay kooxdaan Burcad-dhaqameedka ah u maleegeen beesha Sade.
Haddaba, sida hoos ka muuqataba waxaa maanta AOL soo gaaray qoraal ay ku saxiixan yihiin mas’uuliyiin dhaqameed beesha Sade kasoo jeeda, kuwaas oo qoraalkooda si cad ugu qeexay cidda ka danbeysay guuldarada dhinacyada badan leh ee ay beesha Sade kala kulantay shirweynaha Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho.
Iminkana hoos ka akhri qoraalka ay mas’uuliyiin dhaqameedka soo diyaariyeen oo isagu is fasiraaya:


anigu waxaan dhihilaa waan aragnay waana maqalany waxay nimankaas burcad dhaqameedka ah iyo qurbajoogat horarka ah ay ku faleen karaamadii iyo sharafkii beesha sade ee marka sadow waa in aanu ka tashanaa xaalkaas foosha xun ee ay maanta ragaasu nugu badeen xamar iyo soomaaliweyn dhexdeeda sidakale walaalayal waad ku mahadsantihii warbixintaan iyo qaylo dhaantaan aad u soodirteen beesha sade waan odayaashan ku saxiisan waraaqdaan iyo shabakadda idaacadda allgedo online-na runtii adinkuna waad mahadsantihiin sababtoo ah shabakadda allgedo online waxay markasto u taagantahay sidii horumar ay u gaari lahayd beesha sade xaga siyaasada wax barasha iyo waliba xaga horumarka deegaanada sade dago thanks……………..
ACWB,SALAN KA DIIB ANIGU MA IHII BEESHA SADE,BALSE WAA BEEL
AN DARIIS IYO AQOON BADAAN U LEEYAHAY ANNA KA JECLAHAY BEELLAHA,KALE,WAYO WAXAY SOMALI KU MAH MAHDA NINKII LAFTAADA YAQAAN AYAA LUDAADA ASTURA,BEESHA SADE WAA
BEELL SOMALINIMO DHAQAN,WANAAG KU ABTIRSATA,SIDAAS DARTEED,WAXAAN SOO JEEDINAYA,IN AN SHARAFTEEDA MEEL LOGA
DHICIN,OO ISU TNAASUL LA SAMEEYA,DHAQAANKA SOO JIREENKANA
LA ILALIYA,BEESHA SADE IN AY WAX QEYBISO MOOYANE WELIGED
WAAX MA QAYBSANWAYNIN,FADLAN HA LISU TANASULA.W.TOWFIQ
Awalan Ciid Mubaarak dhamaan umadaha islaamka oo idil gaar ahaan soomali wayn kadib waxan salamaya bahwaynta soomaliyeed gaar ahaan besha sede daarood
SALAAM KADIB
Waxa an aad oola yaabanahay waxa ugaas maxammed ugaas xaashi ugaas xirsi ka dhigay fake waxaana u baahnahay inaad iiga jawaabtan hadaad tihiin owner rada webka???????????????
Mamaxmed ugaas cumrna kadhigay ugaas xaq ah
Ma anaa waalan mise garashadi ayuu ninba si u yaqiin
Wabilaahi toqfiiq.
WAA NASIIB DARO HADII UGASKA LAGA TALAABSADAY LAKIIN MAXAA SABABAY IN LAGA TALAABSADO UGASKA BESHA SADE?
ugasku wuxuu markiisii horeba ku fashil may in uu reer sade mideeyo oo ay isga kusoo dabo faylaan ,ama isaga aqoondaridiisa ha ku timado ama hogamiye xumadiisa ha ku timadee hadii dadkaga kaa aamin baxaan is casil ugaas .oo wax ay dadku rabaan ha doorteen wayo hadaad hogaaminweydid dadkaga dee isga dhex bax ,yaan lagu ceebeene ,waxaa cad in aan reersade ugaskooda ku qanacsaneen ,iskuna raacsaneen ,arinkan waa in la lafo guraa intuu abuuri lahaa tafaraaruq intan kabadan.ddka afti halagaqaado yaan lajajuubin sade hala waydiiyo ninka ay ugaas u rabaan oo ay ka dambeenayaan .si loo helo wadajirka dadka sade iyo waxwadaqabsi muuqda,.
Arrintani waxaa sabab u ah iyadoo qoysaska qaar ay doonayaan in ay xoog ku qaataan wixii qabiilka oo dhami u dhaxeeyay, waxaan la yaabay in hal jifo oo yar la siiyo afar xildhibaan halka qaar kamid ah kuwii waaweynaana loo diiday. Dhibaatada oo dhami waa caddaalad darrada halkaasi ka jirto. Tan Ugaaska ayaa shaqadiisi loo diiday inuu guto waxaan u arkaa mid mudan in lagu qoslo waayo Ugasku yaa caleemasaaray, yaa doortay jifada uu ka dhashay ayuu Ugaas u yahay balse Sade oo dhami ma uu matali karo marka cidna yaan sanka laga gelin ninkaasi. Xaqiiqadu waxaa ay tahay haddii caddaalad la sameeyo, arrimahani oo kale marna dhici maayaan.
Asc wr wbr cid mubarak. Ikhwani filcaqidah waxan lahadlayaa bel weynta SADE walalayal waxa nasib darra ah inan ka duwanahay belaha somaliyed waayo waxaa wax laga xumado ah bel kamid ah belweynta SADE ay mar walbo rabto inay qadato xaqqi besha o dhan ugaska la shegayana wuxu kasojeda beshas MACAANJECLKA ah dhimashadana neceb o wax difaci karin
mareexaan waxaa kala qeybinaya doorashada waayo ninka dibadakayimid ee ah maxamrd ugaas xaashi ayaa kala qeybinaya si sheekh shariif doorashada ugu gulaysto wax baba lagama qaba in sheekh shariif uu kugulaysto doorashada waayo xamar dagaal oogayaashoodi oodhan buukuhaya xarig marka sheekh shariif ha kugulaysto marlabaad ban leeyahay anigu waxaa idaran nabad marhadan nabad helnana madaxwene nin ki xamar iyo dadkodhan iskuhaya ayan rabnaa
Tan sademareexaan war nimanyahow dadkiina dhinac karacda mar waliba iyo goor waliba marexaan waxba kuma heshiin waceebe !
asc een marka horeyba waan ogaa inaan wax isku raacin karin hadii aan nahay beesha sade, waxaana nahey beesha kaliya ee aan wax nidaam ah aan ku socon, waxaana naga maqan arimahaan oo dhan , 1- maamul la,aan, 2- hogaan la,aan, 3-daacadnimo, waxaana nagu jiro arimahan oo dhan, 1- isla weyni 2- dhuuni raac, 3- shisheeye u shaqeeye, 4- daneeste, 5- iyo anagoo u kala qeybsan ahlusuna, shabaab, dowlad ku sheegta jirta hada. marka in xaqaaga laguu diido ma diidan tahayoo qof walba ku liido?
Walaalayaal marka hore ciid mubaarak, marka xigana anigu sade maahi laakiin waa niman tolkey ah. Dhibkaan aad kacabaneysaan reero badan oo soomaaliyeed ayuu hestaa oo kali idinkuma aha. Laakiinse anigu shaqsi ahaan waxaan u haystay inaad kamid tihiin beelaha soomaaliyeed kuwa ugu muwaafaqada badan. Mida kale Sade ama Mareexaan waa qabiil weyn, halkana qoraalada lagu soo qoray waxaan ka fahmayaa hadii aanan qaldaneyn in reerku hal ugaas leeyahay. Hadii xaalku saas yahay, dee ilma adeerayaalow jifo walba ugaas yar usameeya si ay xaqooda u helaan oo aanay qeyb kaliya wax walba u qaadan.