Home » News »

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan Muslimiinta Caalamka

Muqdisho, 18, Agust. 2012…..Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa caawa dhamaan muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed Hawada u marinaya hambalyo ku aadan farxada Ciidul Fitriga.

Ra’isul wasaaruhu wuxuu Hambalyo u diryaa dhamaan  Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoona sheegay in Umadd kasta ay leedahay Ciid iyo munaasabado ay weeyneeyaan, hase yeeshee Ilaahay SWT waxaa uu Umaadda Islaamka u jideeyey laba Ciidood oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciida udxiyada, Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan waa u dabaal dagaan labadaas Ciidood.

Xikmada looga jeedo ayaa ah in muslimiintu isugu yimaadaan Salaadaha labaas ciidood si ay isu bartaan, isu xiriiriyaan, iyo in qaarkood qaarka kale u bogaadiyaan si ay isu jeclaadaan una midoobaan.

“Anigoo ka fa’iidaysanaya fursadaan Ciida waxaa ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan isu tanaasulaan isna caawiyaan, waa in kuwa wax haysta ay farxada la qaybsadaan walaalahooda dhibaateysan ee aan waxba haysan.  waxaa kaloo farxad ah in Ciidan ku soo begantay anagoo rajo wanaagsan ka qabna inaan maalmaha soo socda Soomaaliya yeelato dowladd rasmi ah taasina waxay noo tahay farxad labaad”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu Isagoo hadlkiisa soo gabagabaynaya waxaa uu sheegay inuu u rajaynayo shacabka Soomaaliyeed barwaaqo iyo horumar laga gaaro siyaasada , dhaqaale iyo Arrimaha bulshada, ilaahayna sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

—————
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan Muslimiinta Caalamka "

  1. Sida la wada ogsoon yahay waa 52 guuraddii calanka iyo qaranimadda soomaaliyeed, June 26, 1960kii xorriyadda gobolada waqooyi iyo maalinta July 1, 1960kii goboladda koonfur ahna maalinta israaca labada gobol, waxaa xusid mudan maalinta weyn oo taariikhi ah qiimo iyo qadarin ba ugu fadhido ummadda soomaalyeed, waa maalin duco iyo abaal ba muddan. Sidaasi darted waxaan halkaani hambalyo uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Runtii waa maalin weyn oo aan la ilaabi Karin oo ku weyn quluubta shacabka soomaaliyeed , waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay waa na maalintii gunnimadda aynu ka baxnay.

  2. Waxaan maanta ayaan waxaan dareemey in wadankeena weli ay joogaan dad aan bislaan oo aan waxba ka ogeyn kaligiis talis nimo iyo xukun jaceel in uu wadnkeena burburiyey oo maanta Soomaalida Dunida laga yaqano oo qofwalba layaabo oo maxey u heshiin waayen oo isu xukumi waayeen halqof oo keliya ayaa madaxweyne noqon lahaa maxey isagu tanazuli waayeen maanta markaan arkey Dadkii Soo dhoweynaayey Mudane Farmaajo Sida loo rasaseyey iyo Hadalada ka Soo yerey Masuulinta Dowlada Ugu sareysey waxey iigu abuurtey niyad jab iyo in aysan bislaan madaxda wadanka oo waxaa muuqata Arintii nalgu yaqaaney oo ahaa Cadka aanCuno ama aan Ciideye! waxaad moodaa in Shacabkeena Soomaaliyeed ay ku taagan yihiin wado Xaq ah oo ay rabaan iney doortaan Shaqsi ay rabaan lakiinse ay hortaagan yihiin Dad rabitaanka Shacabka aan arkeynin ee Arkeya Xukun.