Home » Rayi, Suugaan »

Soomaliya iyo siyaasiga maanta – By Abdullahi Isim

Waa madal, waa arin mudan xusuusin iyo xisaabtan dhab ah. Waa mas’uuliyad iyo xil. Waa milgo iyo mansab ummadeed; Waa haybad iyo garasho hagaan dal iyo dad Allaah (Swt), ku manaystay diin islaan.  Magaca Allaah(Swt) ugu dhaartay maaraynta iyo meelmarinteeda ummaduna u egmatay Ilaalinta sharafkeeda, ciskeeda, karaamadeeda, midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

Waa maalin weyn, waxay xambaarsan tahay dhambaal u dhexeeya geeri iyo nolol. Aas aas u noqda aayaha iyo jiritaanka kan jooga iyo jiilasha ka dembeeya. Waa maalin aad u walqalayso marlbaad gobanimo iyo guul. Waa maalin aad uga gudbayso gunnimo iyo gabood fal. Waa malin facweyn ku yeelanaysa minguurshaha, kaydna ku ahaanaysa taariikhda. Aadanuhuna kugu qaymayn doono waxna kugula qaybsan doono.

Magaceedu waa qaran, saygeedu waa kan mudan. Guntane iyo xarig an go’in, gaashan aan waranku marin. geed aan la jarin oo jabin xilkiisuna yahay garwade gurgurshaa u ah dhaqan iyo dastuur diini u tahay xad iyo xukun. Hadaba ujeedada qoraalkan oo isugu jirta  talo bixin digniin iyo su’aal aan kuugu dego biya dhiciisa.

Muqdisho waa xaruntii iyo saldhigii ummadda, waa magaalo madaxdii dalka, waa xog ogaal, waxay ku xardhan tahay taariikh iyo xilliyo ku qoran qofkasta oo soomaali ah qalbigiisa. Haddii aad millicsato xilliyada ay soo martay, waxaad si weyn uga dha-dhansanaysa macaan iyo kharaar. Waa muraayad uu ka muuqdo sawir iyo  sinji. Waa dhaxal ummadeed waxayna ku mutaysatay maqaamkaas midnimo ummadda soomaliyeed oo u aragtay danteedu in ay mudan tahay in ay noqoto magaalo madax qaran.

Balse masiibooyinka lama malaystaanka ahi ay u mija xaabiyeen jin iyo mooryaan gareey iyo ururada mahare-jaan.

Si hadaba aysan u lumin, muran u galin mudnaanteedu, waa in ay xaqiijiso Muqdisho maanta wixii dulmi iyo fool-xumo gudaheeda lagu geystay oo ay iska mayrto waana sida kaliya ee ay mudan tahay magaalo madax qaranna ku ahaan karto.

Hogaanka dhaqanka 

Hogaanka dhaqanka ummada soomaaliyeed waa hab-dhaqan iyo astaan aad u facweyn, taas oo ku isman budhigana u ah dhul, dhaqan iyo diin islaan ah oo Allaah ku waajib yeelay; ummaduna u igmaday kii aqbalay xilkaas inuu ilaaliyo. Sidaas iyo darteed ayaan leeyahay maanta gacantiina ayey ku jirtaa ee yeysan ka bixin. Hadiise hadalada ku jira suuqa oo ujeedo xun iyo kooxaha mahare-jaan ay damacsan yihiin ay meelmaraan.

Waxay noqon doontaa taariikh ugub oo idiin diwaangasha sanadka 2012 bishiisa sideedaad. Hoggaanka dhaqankuna, wuxuu la miisaan iyo maamuus noqon doonaa magacyada kor ku xusan.

Waxaan aaminsanahay in aan run aaminsanahay oo aad tihiin laf dhabarkii iyo xuduntii ummada soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in aad u gudan doontaan waajibkaas aad sidaan makaabkana u tihiin  sida uu yahay.

Siyaasiga maanta

Waxaa marag ma doonta ah masiibada ku habsatay dalka soomaaliya in ay kaalinta koobaad kaga jiraan ragga maanta tahriibka ugu jira hoggaaminta dalka hooyo ama la baxay siyaasi. Hadaan si kale u dhaho, waxaa hubaal ah  inta maanta sharaxan in 2% ay ka yar tahay inta ay maskaxdooda iyo aragtidooda ka dhaadhacsan tahay ama fahamsan, qaymaha iyo sharafta ay leedahay muwaadin dadkiisa iyo dalkiisa raba in uu ku matalo daacdnimo iyo qaranimo. Waxaase jira wax ay si fiican u ogyihiin una aaminsan yihiin mudano soo wadeen, waana tan maanta ay tahriibka u wada yihiin “Waa beesaan rabaa!”, waayo haddii tirada intaa le’eg oo maanta sharaxan ay maskax fayoow iyo aqoon xalaal ah wataan, dalkeenu heerkaas ma gareen iyaguna tahriib kuma yimadeen maanta Xamar.

Ugu dembayn iyo gunaanad, waxaan leeyahay oo weydiinayaa Muqdisho, hogaanka dhaqanka ummada iyo shacabka soomaliyeed, siyaasiga maanta waa diyaar yaqaan waxa uu rabo ee annagu diyaar ma nahay mase naqaan waxa aan rabno?

Digniin

Waxaan u digayaa kuwa damaca foosha xun danta mooday. Waa ujeedo xun, mooryaan gareey iyo kooxaha iyo ururada mahare-jaan. Waxaan leeyahay:

  Halkaan ka dhageyso heesta hoose oo maqal ah.

sandareerto iyo

sado maaliniyo

saxan looma dhigo

qado lagu ma sabo

.

nacab soo siqiyo

siyaasigu ma xado

dhaqan baa u sala

diin baa u sada

.

waxaan samaha iyo

xilka ay sidaan

soomaalinimo

summad looga dhigin

sabab uma noqdaan

.

waa sabarad iyo

salaan iyo silsilad

saldhig wuxuu u yahay

midnimiyo sinaan

soomaalinimo

.

waa sarac ku baxa

sooyaalka iyo

iyo xilka aan sidkamin

oo noqon sibraar

.

waa sadano dhacin

waa say an dhiman

waa soo jireen

saamiga ku helay

.

saab inuu  u yahay

iyo sahanka haga

soomaalinimo

midka ay san solin

oo saas ogeyn

suugaan u diran

iyo samafal guud.
————
A.Y. JAMA Abdullahi Isim
abduldjamal@yahoo.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Soomaliya iyo siyaasiga maanta – By Abdullahi Isim "

  1. gold price says:

    waxaan qaatay tilmaantii la i siiyey waxaana beegsaday meeshii la ii tilmaamay shido badan kadib waxaan ku guulaystay in aan helo gurigii ay ku noolayeen macruufkaygu haseyeeshee qofkii u horeeyey oo i arkaa wuxuu iigu yeeray magac beeleed aan aad u dhibsaday. waxaana go’aansaday in aan dib uga laabto iyagoo ila sii hadlaya ayaa dhabarkaygii ka qarsoomay, waxaan beegsaday dhanka siinaay oo aan is leeyeyhey bal ka doon doon kii aan dartiis dalka ugu soo laabtay, maalintaa iima suuroobin in aan helo oo gabalkii wuxuu iga dumay anigoo aan helin xataa cid ii sheegta. Waxaan garaacay albaabkii iigu iigu dhowaa markii gabalku dhacay waxaase iga furtay qof aan aad isugu faraxnay all waa A.M iyo Alawaa khadiijo, alla xagee ka timi iyo Nairobi walaal soo gudun, qubayso, iyo wax cun gacalo ku dheehantay ka dib ayaan is warayanay waxaan u sheegay u jeedada socodkayga iyo in ay i caawinto si aan u helo wiilkaa dartay u dhibaataysan. Waxay ii sheegtay in ay reerkoodii u kaxeeyeen B/Wayne hase yeeshee uu joogo wiil ay walaalo ahayeen oo Gaari wata Labadii maalmoobana uu mar yimaado oo ka shaqeeya isla beled wayne.