Gudomiyaha Ahlusunna ee Gobolada Konfureed Sh. Maxamed Maxmuud Yusuf Aw-libaax oo asagu ku sugan Magaalada Muqdisho la hadlayay mid ka mid ah Idacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu Shacabka Somaliyeed ugu Hambaliyeyay Ciidul Fidriga.
Sh. Maxamed Maxamuud yusuf ayaa waxaa uu shacabka Somaliyeed ugu baqay Midnimo iyo in laga faidaysto Xiligaan kala guurka ah oo uu ku shegay Fursad Somalia so martay 22 sano ka dib hadi laga faidaystona Somalia ay dib isku tagayso hadi la dayacana burbur lagu sii jirin doono.
Gudomiyaha ayaa waxaa uu Shacabka Somaliyeed u rajeeyay in Sanadkaan sanadkisa kale ay ku garaab Bashbash iyo Barwaaqo iyo Wadanka Somalia oo leh Dowlad adag isla markana difaacata Xaduuda heeda.
“Waxaan Fursadan qaliga ah uga faidaysanaya in aan fariin u diro xubnaha Cusub ee Barlamanka Somalia waxaan leyahay manta misiirki wadanka gacantiina ayu ku jira codkina ayad somalia ku badbaadin kartaan ee codkiina siiya qof isbadal sameyn kara oo leh aqoon uu wadanka ku hogaamiyo” ayu yiri Hogaamiyaha Ahlusunnada Konfureed ahna midka mid ah Saxiixeyaasha Roadmapka.
————
Maxamed Cabdilahi Muuse
Warbaahinta@aol.com

noolow awlibaax noolow