Caabudwaaq, Somalia (AOL) - Kulan ay isugu yimaadeen waxgaraddka, odayaasha iyo culuma’uddiinka beesha Reer-Warsame oo ka dhacay gobolka Galgaduud ayay kulankaas maanta ku iclaamiyeen in beeshu ay kalsoonidii ugaasnimo kala laabtay Ciise Ugaas C/dille, kadib markii wakiilkiisa Axmed Barre Cali (Taakooy) uu si bareer ah u musuqmaasuqay kuraastii Beesha Sade Bari. Taasi waxay keentay in Beelo badan oo reer Sade Bari ah ay waayaan kuraastii ay xaqa u lahayeen.
Shirku wuxuu yimid markii beeshu xubinnimadii baarlamaaniga dowladda cusub ay ku lahayd loo weeciyay gobolka Gedo. Waxayna eedda arrintaas beesha Reer Warsamne dusha u saareen hogaanka dhaqanka ee beesha Sade Bari kaas oo aan caddaalad ku maamuling howshii loo igmaday.
Beeshu waxay si guud u qabanqaabinaysaa shir ballaaran oo ka dhici doona gobolka Galgaduud oo lagaga tashan doono hoggaanka dhaqanka ee beelaha Sade-Bari. Waxay beeshu haatan ka shiraysaa qaabkii shirkaas lagu qaban lahaa, madasha iyo waqtiga ku haboon ee laqabanayo shirka. Ujeeddada shirkaas oo ah in Beesha Sade Bari ay doorato hogaan dhaqan oo lagu mideysan yahay oo laga soo doorto ciddii Sade-Bari ku heshiiso iyadoo aan cid gaar ah aysan is xijineyn.
Waxaa haatan socda shirar ay yeelanayaan waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha reer Warsame oo ka dhacaya dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Waxaa warsaxaafadedkan ku saxiixan:
1-Nabaddoon Xaashi Abdille Dulyar.
2- Nabaddoon Xassan Nuur Xaashi Jucuur.
3- Nabaddoon Xassan Dhoof Maxamed Ali-waal.
4- Nabaddoon Cabdi Yuusuf Caynab.
5- Nabaddoon Yuusuf Warsame Ducaale.
6- Nabaddoon Sh. C/llaahi Xalane Af-dhuub.
7- Nabaddoon Ismaaciil Nuur Shire Ducaale.
8- Nabaddoon Gaarane Maxamed Kaahiye.
9- Sulddaan C/Naasir Xassan Dhaale.
10- Nabaddoon Cabdi Xirsi Fuje.
11- Nabaddoon Xaashi Maxamed Raad-haye Nuur.
12- Nabaddoon Dahir Cigaal Bulxan.
13- Nabaddoon C/llaahi Geelle Kaahiye.
14- Nabaddoon, Xassan Fareey Xaashi.
15- Nabaddoon Yaasiin Xuseen Guleed Raan.
16- Nabadoon Dahir Cawil Jaamac Dige.
17- Nabaddoon Inshaar Fille.
18- Nabaddoon Nuur Xirsi Jaamac. (Gacmo-Baasto) 19- Nabaddoon Maxamuud Kilic Jaamac .
20- Nabaddoon Iraad Xaashi Cali Guure.
21- Nabaddoon Hareeri Xassan Barre.
22- Nabaddoon Cali Warsame Ducaale.
23- Nabaddoon Axmed Cismaan Cali Ciise.
24- Nabaddoon C/samad Xirsi Nuur.
————
Mohamed Jama Farah
mjfaarax@gmail.com

aid mubarak dhaman muslinta oo dhan meel kasta joogan intas ka dib walahey rer warsame diiniyow xaq umayna laheyn inad xubin waysan, wana arin cadaalada ka fog Jifo kasta rer sade magaalo dagta, dulmiga taakoy rer sade ka dhex wado mahan mid hada u bilabay, wax aqiradisa iyo adunyaba u wanagsaneyn markasta faraha kula jira, ha lo samro, ugaas ciise waxan leeyahay adiga bari taakoy u magacowdaye xilgudasho la aan rer sade bari ka jirte howshan sida ugu dhaqsaha badan u gudal inta jifooyin rer sade ah dadna kugu xiga ugaas iska dhex donran taakoyna galgadud hala
so dhafiyo wlahi twfq
ascw waxaan aad iyo aad ula yaabanahay hadalada ka soo yeeraayo beelaha sade ayaamahaan ma caqligii ayaa ka dhumay mise ujeeddo kale ayaa ku jirta waayo waxaan aan macnaha lahayn ee lagu sheegay baarlamaanka oo tiradooda la ogyahay inta ay la egtahay in cid walba ay ka hesho qayb laguna jaaifeeyo odayaasha iyo ugaasyada ma garbaa bal is weydiiya imisa lafood ayuu ka kooba tahay beesha sade ma 14 xubnood ayaa wada gaari karta waa qoladee cidda ogal in la qadiyo bal taliaya qoolooyinkiina qaylinaayo oo noo soo sheega cidda laga tagayo bal dib isugu noqda sadaw waad mahadsantihiin
rer warsame xaqbaad ulahaadeen kursigaas laakiin waxaa idin dhaafayay waa ninkaad xaqdra ku garab istaagi jirteen anaga bah-xawaadlaa caano kacaba maata. diyaar ma utihiin ugaasnimada in aad Hawreersame udhiibano si beesha sade si siman oo xaq ah wax loogu qaabiyo.
wlh beel calool fijow ayay cadow kadhigeten balase manta wuxuu socodo taakooy rer warsamihii uhilin jiray ku kenay wale marku gada usogurilahaa ????? kulelka hortin ayan aragne nala arka rerwarsame ugaz iska samesta lafkasta oo sada ah hasamestan uguz
Asc dhamaan ehelada meeshaan aqrisata iyo shabakada allgedo.
salaan dabadeed waxaan leeyahay Jifada reer Warsame iska samra laba arimood awgood.
Mid waa mide ku samra in aad madaxweyne haysataan iskuna heli maysaan madaxweyne iyo baarlamaan.
mida labaad waxaa jirta qaacido aduunku uu is ticmaalo oo ah Majority Lead manority. marka Reer Siyaad oo jooga ma qaadan kartaan Baarlamaan.
Waad mahadsantihiin
@ bulbul anaa kuu sheegaya cida ay ahayd in laqadiyo ama kursigii reer warsame qaatay
bah xawaadle ayaan wax u qaybinaynaa waxay ahayd maadaama bah xawaadle 3 beelood ay yihiin sadexdaas beeloodna 2 kamida ay waligood inta la.ogyahay ay qaadanayeen wixii xilaal ah oo kusoo qayba beesha ayaa waxaa la go,aansaday 2 badii qolo oo awal wax qaadan jirtay in mid kamid ah laqadiyo oo reer warsame oo soo tafaxaytay maantay lasiiyo shiraar badan kadin reer siyaad iyo reer ugaas sharmaake waxay noqotay in reer ugaas sharmaarke laqadiyo sababtuna waxay tahay reer ugaas ayagu waxay leeyihiin ugaasyada saas owgeed raga wax qaybinaya ayeey noqotay in ay qadaan
kadib cidii reer ugaas waa ucuntami waday liiskii markii lagudbiyay ayaa laga daba tagay reer warsame xubintoodii ayaa laga saaray oo ambaashitoor magan ayaa lugu badalay
ceeb iyo fadiixo ayeey noqotay waana tan keentay ciise ugaas iyo gacan yarahiisa in ay kalsoonida kala noqdaan
sida la ogsoonyahayna Bah xawadlaha dagan galguduud waxaa ugu tun wayn reer warsame laakiin reer warsame waa reer xishooda oo aan hunguri badnayn maantase waxaa keenay in taakooy uu waayo gurigiisii iyo geedkii waynaa ee bah xawaadle Bari ee uu harsanjiray waa markuu taakada udhigay reer warsame tolnimadiina dhaafsaday qoyskiisa soor quureed
waxii qaxdaro lagudisaa wax kudhamaadaan qaxdaro. reer warsame waxa khadiyay waa bahxawaadle gaar ahaan ugaasyada oo ah reer ugaas sharmake. Hada iyo talo reer warsame sida ugu dhaqsiyaha badan ugaas ha,ugu dhawaaqan, kaasoo matala iyaga. Taakoyana waa ay,uga dhamaatay Galgaduude ha,udhoofe Baamba xaliimo, Buraa, Cellgaduud iyo Bardhere midkood. Reer ugaas Sharmaake waa ay ku ceeboobeyn Mareexan dhexdisa iyo Reer Diini.
Salaan ka dib reer SADE, hadii Ugaas-yadii Mariixmaan gabar-reer warsame diini aay adeer u yihiin ka qaateen Kursigii Reer Warsame xaqqa iyo curad xigeenimada u lahaa, soo ugaas-yada gacan rimis-ka ah taajka kama dhicin oo ma muujin in aysan geyn taajka uu ku hayey curad xigeenkii bah xawaadle. “TOLNIMO AAN LAWADA DHOWREEN YAA KILIGII DHOOBI”…waxay soo dedejiyeen burburkii sadanadooda.
Salaan ka dib dhamaan reer SADE, hadii Ugaas-yadii Mariixmaan gabar-reer warsame diini aay adeer u yihiin ka qaateen Kursigii Reer Warsame xaqqa iyo curad xigeenimada u lahaa, soo ugaas-yada gacan rimis-ka ah taajka kama dhicin oo ma muujin in aysan geyn taajka uu ku hayey curad xigeenkii bah xawaadle. “TOLNIMO AAN LAWADA DHOWREEN YAA KILIGII DHOOBI”…waxay soo dedejiyeen burburkii sadanadooda.
ceebtii rabtaba haka imadee ????? haduu galgaduud lug soodhigo markas ayay mcn tahay arintu
Taakooy xil uusan qaadi karin baa dhalada loo saaray. Sideebay ku dhacday in Sade bari indhihiisii la qadiyo sida; Reer Siyaad Xuseen, Reer Dalal, Reer Warsame, iyo Reer Nuur?
Khalad weyn buu sameeyay Taakooy. Reer Galgaduudna ha ka tashadeen Ugaas Ugaas iyo Gidhiish Gidhiishta. Haday Ugaas Caadil ah rabaan Ugaaska reer Xasan hada ku caano shubteen ama Waxa Ugaas la dhahaba daaqada ha ka tuureen. Awalba Xaqdarraa dadka loo kala fadilay.
ascw.waxaa leeyahay dadka hanjabaada ku soo qoraayo webedka waxaan leeyahay wax iskula hara dadkaan sidaas ku kala tagi maayo taakoyna cid galgaduud u diidi karto ma jirto yaan dad wax ma garato ah ama fidna walayaal ah yeysan idin kala dilin warsame xilalka dawladda waa badan yahay ee ha siiyo jagooin kale sida wasiirka beeshu yeelato hala siiyo cudurkana hala saaro wa billaahi tawfiiq