Home » News »

Waxgaradka Beesha Maxamed Harti (Majeerteen) Ee Muqdisho Ku Sugan Oo Taageeray Musharaxa Eng. Maxamed Axmed Saalax (Sawiro)

Kulan balaaran oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah  waxgaradka, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo weliba qaar ka mid ah saraakiil sar sare oo dalka si weyn looga yaqaano oo dhamaantood kasoo jeeda beesha Maxamed Harti (Majeerteen) ayaa  ka dhacay magaalada muqdisho. Kulankan ayaa lagu taageerayey musharax madaxweynanimo ee Soomaaliya Eng. Maxamed Axmed Saalax oo ka mid ah musharixiinta u taagan hogaanka dalka somalia inay qabtaan hadii alle ku guuleeyo.


Musharax madaxweynanimo ee Soomaaliya Eng. Maxamed Axmed Saalax.

Munaasabada ayaa ugu horayntii waxaa hadalo ku aadan taageerada musharaxa iyo weliba is garab istaagiisa kasoo jeediyey suldaan saciid xaaji cali baale oo sheegay inuu mudan yahay in la garab istaago musharaxa islamarkaana farta ku fiiqay inay heelan yihiin wax kasta oo uu uga baahan yahay.

Sidoo kale, nabadoon saciid saalax ayaa dhankiisa xusay inay hadii ay yihiin beelaha Maxamed Harti (Majeerteen) garab taagan yihiin musharax maxamed axmed saalax waa siduu hadalka u dhgigaye islamarkaana looga baahan umada inteeda kalena inay taageeraan

Dhinaca kale waxaa isna goobtaasi hadalo ku aadan taariikhda musharaxa iyo weliba dhiiri gelin kasoo jeediyey Gen. Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan) oo tilmaamay inay xiligan mudan yihiin dhalinyarada dalka iyo dadka wax usoo bartay islamarkaana uu mudan yahay Eng. Saalax in la garab istaago

Geba gebadii munaasabada ayaa waxaa hadalo ku aadan wax qabadkiisa ka sheekeeyey musharax Eng. Maxamed Axmed Saalax oo sheegay in xiligii KMG nimada ay dalka soo mareen sagaal raysalwasaare iyo sadex madaxweyne islamarkaana aysan muuqan ilaa iminka wax qabad dhab ah oo ay dalka iyo dadka u qabteen isagoo carabka ku adkeeyey inuu hadii alle ku guuleeyo uu muujin doono waxqabad dhab ah oo dan u ah dalka iyo dadka soomaaliyeed.




Yaasiin Faytin
yaasiinfaytin@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

10 Jawaabood " Waxgaradka Beesha Maxamed Harti (Majeerteen) Ee Muqdisho Ku Sugan Oo Taageeray Musharaxa Eng. Maxamed Axmed Saalax (Sawiro) "

  1. garaad yusuf says:

    generaal cararaaye doqonimadiisa sida uu garka uxiirtay waa sida yuhuudu uxiirato koleey cida aad isku ekeysiisay ayaad lameel tagi hadii aadan ilaahay utoobad keenin mida kale beeshiisu sow ma oga in laga gudbay xiligii qabqab layaasha maxaa ay u oran waayeen ha isku keen sawirin ee nadaa waa ceeboobeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. Dahir says:

    Garaadow ninku waa seedigaa ee ka xishood. Hadaad ku tiigsato yaa gabdhihiina danbe guursan doona.

  3. runsheeg says:

    cidu ma ba xishooto gabanka yar i yo meesha uu waxa ka raadinaayo iyo nin ka uu soowatay oo dhiiggiisu bilyanka usd joogo iyo maxaweey naan rabaa awal baa layiri nin ba cee saantiis ceel keen yarka waad is ku cayaartay jaalle

  4. Jeylaani says:

    Nin Kan Janaraal cararaaye Allahaahaaga u toobad keen!

  5. xiito says:

    musharaxa waa ku daadsan tahay, morgan bay hoosta kagaliyeen, miyuusan ogayn waa yahaan in dagaal oogayaasha laga fogaanayey. malaha abdi gaas baa kaarta daad u,dagay, Eng.mohamed saalax.

  6. abdul says:

    cidda cararto waa layaqaanaa oo cayr ay kismayo hadba ku soo celin jireen, Barre huuraale ayuu ahaa ninki marki cashar loodhigaba hadba indho cade iyo seeraar u tuugsi tagi jirey oo war nimanka hala iga qabtoy baroortiisa laga yaabi jirey. Gen. moorgan wuxu ka dhashey reer aan hawiye hoos tagin oo wax ka raadin.

  7. umu salmaan says:

    to daahir daahiroow nin waloo halkaan wax ku soo qoraa ma jeneral morgan seedigiibaa seediyaalkiis maba labaxaan garaad iyo suldaan marka halkaa ha u fahmin webka soomaali oo dhan baa isticmaashee moorgan wax kastuu yahay anag afka kama caayno xaasha lillaah rg waa is dagaalaa waana kasocdaan nin iyo seedigiina is tus oo isaga dhaqaaq beey horay soomaali u tiri viva raga xididka la ah sade mareexaan viva oomaali weyn

  8. umu slmaan says:

    abdule ind waaxey dee cararka iyo caayda afkaaga kabaxayo afcaaytamaa nacastiisuu ku yaalaa xaasha laakiin taarriiqda mataqaanide soco soo baro taariiqda sade hadaanse wx kaaga taabto sxp anaga manaqaano 2wajiile nimo iyo munaafaqnimo caadna ma hungoowdo markii hawiye putland idinku raran jirtay waxa idiin xoreeyay waa sade ,kismayana cida lagu caano cao waa sade ind waa in istqaano hadaad dad tihiin bal isku dua kuwa hartida idinla sheegto oo lagu xasuuqo ssc kuwa k/lalaxa idinla ahna waa adinka ka gato eitopia. war inta laguma soo koobi karo diyaarna uma ihi wax laga tagay in aan hada faarfaaro laakiin sxp abiil laga tag qabyaalad laga tag xukun raago iyo qaranimana waxaa lagu helaa dacad nimo sinaan cadaalad.intaasba maxamadyo buu allaah kumaneestay duugeena ayagaa leh ciirtaa jugleh sxp ee dhankaaga dhiilaha ka culo oo iskadaa… qabiilkaan lagatay ha cuninina dhashiineee dharararan dhan dhan dhararararaaan kkkkkkkk

  9. kismaayo says:

    sxb waa caadi maaha janaarka fashion isagaa dhaly aabaha faamaysiga weeye sxb garka hareerka kwrn war ninkan caadi maaha dad badan gobolada waqooyi u badan ayaa si fiiican u garanaya taariikh wanaagsana kaga tagy kkkkkkkkkkkkkkkkkk hadaan jubooyinka u soo noqdo wxay isku qabteen bare hiiraale oo damac ka galy kismaayo cadowna u soo kxaysaty dhowr jeer waana la ogyhy taariikhdeeda hada iyo awlba cida xooga loogu qabanjiry loona hynjiry in kastoo laga gudby dagaalada maalaa yacniga ahaa oo aan faaidada lahyn hadana taariikhda yaan been lag sheegin tolow moorgan kismaayo waxaa looga soo gurmady xama xataa muuse suudi ayaa yimid hadana maamul ayaa loo samynayaa cidii xooga ku qabsan jirty waa la arkayaa jubooyin dadka iska leh waa kablalax waa la yaqaan marka tolow nin walba gagaankiisa haka heeso kkkkkkkkkkkkkkkkk xidina waa la yahy tolna waa layhy cadow badan leh

  10. bintu yusuf says:

    Mansha alah loma kala harin tagerida eng mahamed ahmad salah said oo ah musharax utagan xilkamadax tinimada somaliya lehna karti iyo cilmi dibna uso celinkara qarannimadi somaliya ebarisamadki waxan urajaynayna musharaxa in ay urumaw do riyada iyo hanka uhigsanayo insha alah guul guul guul