
Isbaheysiga madaxa bannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya ee IFISO (Independent Vetting Coalition Somalia ) wuxuu baarlamaanka cusub ee Federalka Soomaaliya ugu baaqayaa inay doortaan musharaxiin ay ka go’antahay dhaqanka cad xukun dimoqraadiyadeed.
Sidoo kale IFISO wuxuu Isbaheysiga IFISO aad uga wal-walsanyahay meel marin la’aanta heshiiskii qeybta dumarka ee kuraasta xildhibaanadda baarlamaanka Federalka cusub ee Soomaaliya, hanjabaadyada iyo ku xadgudubka shaqada magacaabista xubnaha baarlamaanka, hase ahaate waxay IFISO soo dhaweynyenaa sida loogu guuleystay in hoggaamiye kooxeedyadii dagaalka aaney soo galin saaxada siyaasadda.
Maadaama uu maanta ku ekaa xilliga kumeel gaarka ee soomaaliya, 275-ta mudane ee baarlamaanka waxay dhawaan dooran doonaa Guddoomiyaha baarlamaanka , labadiisa ku xigeen iyo madaxweyne. Shaqsiga ugu da’da weyn xildhibaanadda ayaa masuul ka ah guddoonka baarlamaanka inta lagu guda jiro doorashada guddoomaha iyo ku xigeebadiisa, hase ahaatee masuuliyad taas ka weyn waxay saarantahay mudaneyaasha baarlamanka, waana inaysan dooran shaqsi musharax ah oo taariikhdiisu liidato, isla markaana ay diidaan shaqsiyaadka 30-kiisa sano ee la soo dhaafay lala xiriirinayo musuq-maasuqa, xatooyo xoolo qaran iyo si qaldan u maamulis xaafiis dowladeed.
IFISO waxay aad u la dhacday shaqadii ay qabteen guddiga farsamada xulitaanka baarlamaanka, maadaama ay diideen qabashada magacyada hoggaamiye kooxeedyada, hase ahaatee waa in guddigu xaqiijiyaa qoondada haweenka ee Baarlamaanka cusub ee 30%, taaso aheyd heshiis ka mid ah heshiisyadii ka gudubka xilliga Kumeel gaarka ah. In ka yar 30 dumar ah ayaa ku jira ilaa iyo hadda liiska xildhibaanada la hayo.
“Maalintan taariikhiga ah waa inaan hoosta ka xarriiqnaa in Somalia ay horumar gaartay, isla markaana ay IFISO guullo ka gaartay ujeeddooyinkii loo aas-aasay, maadaama sida aad arkeysaan liiska xildhibaanadda aysan dagaal oogaayashii ku guuleysan ama aysan car qaladee xilliga dhameystirka ku meel garka ah” ayuu yiri guddoomiyaha IFISO Xasa n Shire Sheekh, “Waxay u muuqataa in mar kale la xaqiray xuquudii iyo codkoodii xooga lahaa ee dumarka Soomaaliyeed ee ka mid noqoshda maamul dowladeedka dalkooda” ayuu guddoomiyaha IFISO raaciyay.
IFISO Waxay ku boorrineysaa dhamman dhinacyada ku lugta leh oo ay ka mid yihiin beesha caalamka, joogbjoogayaasha iyo xubnaha guddig farsamada inay si cad u xaqiijiyaan meel marinta mabaadi’dii dhameynta howlaha kumeel gaarka, gaar ahaan in guddiga farsamada ee xulitaanka xubnaha baarlamaanka ay xaqiijiyaan soo gudbinta xunbaha dhiman ee baarlamaanka, isla markaana aan lagu guuldareysan xaqiijinta qeybta haweenka iyo in aysan awood siyaasadeed helin musharaxiinta ku eedeysan dambiyada dagaal iyo musuq-maasuqa.
———–
Farah M. Ali
Press Officer, IFISO
ifiso@ifiso.net

London :Sabti, Ogoosto 09, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya ee Maanta) : Golaha ammanka ee QM ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray xilliga kumeel gaarka ee ay ku jirtay Soomaaliya iyo heshiisyadii ay wada galeen golaha ammanka ee QM iyo dowladda KMG Soomaaliya.