Ra’isal wasaarihii dalka Itoobiya Meles Zenawi oo waayadanba la’il darnaa xanuun aan la shaacin ayaa ku geeriyooday isbitaal dibadda ah asaga oo 57 jir ah, sidaas waxaa dhawaan saxaafadda u sheegay afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya oo laga sii daayay idaacadda ku hadasha afka qaranka dalka Itoobiya.

Meles ayaa xukunka dalka Itoobiya qori caaradiis kaga qabsaday Mengistu Haile Mariam sanaddii 1991-kii, ilaa iyo waqtigii uu xukunka qabsadayna waxuu si weyn uga dhex muuqday siyaasadda dalka Itoobiya iyo guud ahaan tan bariga Afrika.
Sida ay faafisay idaacadda afka Qaranka Itoobiya, Ra’isal wasaare Meles ayaa geeriyooday galabnimada maanta oo Isniin ah oo ay taariikhdu tahay August 20, 2012 sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya oo magaciisa la yiraahdo Bereket Simon.
Afhayeenka ayaa waxuu intaa ku daray “ayada oo uu caafimaadka Ra’isa wasaaraha caadi yahay ayaa waxaa hal mar is badalay xaaladdiisa caafimaad, kaddibna waxaa lagula cararay qeybta gar-gaarka deg-degga ah – Intensive care unit (ICU), balse takhaatiirtu waxay awoodi waayeen in ay Meles naftiisa bad-baadiyaan.”
“Hailemariam Desalegn oo ah Ra’isal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa sii haynaya jagada Ra’isal wasaare-nimada uu Meles ka dhintay ilaa laga dooranayo Ra’isal wasaarihii badali lahaa Meles Zenawi”, sidaas waxaa sheegay TV-ga qaranka Itoobiya.
———-
Abdishakur Osman, Addis Ababa/Ethiopia.

ac, su’aal ayaan waydiinayaa hawl wadeenadda allgedo online
maxaa kajira in uu waqti horre uu Geeriyooday? Meles Zanawi Balse geeridiisa loo qariyay Si loogu Cabsigaliyo Labadda Shariif, iyo Gaas, iyo Faroole.
si aysan u carqaladeeyn Xiligga kalla guurka dkg?
waayo sidee ku dhacday Maalintii ay Xukunka ka dageen in la shaaciyo Geerridda (Meles Zanawi?)
Asc wariya yaasha allgedo caalamul islaam iyo dhaman umada somaliyed waxan idin leyahay ciid mubaara inta kadib aad ayan ugu faraxsanahay in uu baqtiyo cadowgii umada somaliyed ilahay waxan kabaryaa in uu naarta jahanamo gawaraabiya
Allahu akbar!allahu akbar!waa bishaaro usoo hoyatay musliminta caalamka gaar ahaan umada somaliyed maadaama uu baqtiyey cadowgoodii ugu weynaa.allahu akbar allahu akbar.haku cibro qaateen kuwa isaga lamidka ah.ان بطش ربك لشديد.
waxaan halkan hanbaliyada geerida zenawi uga gollaha Allgedo iyo dhamaan umada islaamka gaar ahaan kuwa soomaaliyeeeed oo mujirimka dhintey kula xasuuq kufsi iyo barakicin waxaan rajeeneynaa in ay sidaas oo kale udhintaan mujrimiinta kale museveni iyo kibaaki inshaa alaahu waxaan kaloo illaahey ka rajeeyneynaa inuu illaahey kala daadiyo dawlada dhiig cabka ah ee itoobiya taasoo faragalin qaawan ku heeysa dadka iyo dalka soomaaliyeed
Asc, c/qani inta uu xanuunsanaa AMA bakhtiga uu ahaa somali waxbaa u hagaagey cid carootey safe,daa week oo Addis aadey ma jiraan masiibada Allah baa na dhaafiyey ifafaalo dowladeed baa soo muuqda waan ka raaxeysaneynaa cadowgaa, amisom asagaa meesha ku hayey ayagana Wey tegi. Guul iyo Gobanimo.
asc allgedo bacda salaan waan ku faraxsanahay in uu ka dhamaado males zanawi lkn maxaa xigi doono su aasha is way diinta mudan waa taas tan kale yaa badali doona kan badlaa maka fiicanaan doona mise wuu ka daraan tankale is bar bardhig al shabaab iyo ethopia amales yaa u roon shacayka somaliyeed waxay u muuqataa in ay uroontahay ethopia waayo is difaac ayay ku jirtaa lkn al shabaab samalia waxay ka dhigeen mid ay dilaan mid ay bara kiciyaan al shabaabna alaha naga qabto amiiin amiiiin amiin
asc allgedo bacda salaam malas waa dhintay waxa xiga aan fiirino
ku ninka labxey sheceyb beenbaat sheegtey ithopia wixi ay soomaaliya ka geysatey waa la,oyahay waxaana soomaaliya ay kula kacadey xasuug ba,an alshabaabna waa la,ogyahay amniga iyo cadaalada ay ukeenen soomaaliya marka shuceybow hadii aad tahay itoobiyaan mooye dadka soomaaliyeed wey ogyihiin farqiqa udhaxeeya cadow soo jireenka ah ethopia iyo ciidanka difaaca diinta iyo dalka soomaaliyed ee alshabaab marka shuceyb waxaanu ku leenahay caradaada udhimo aabaha melez waa uu bakhtiyey