Ku: Madax-dhaqameedyada bahweynta Majeerteen
Ku: Madaxweynaha Dowlad Gobeleedka Puntland
Ku: Wasiirka koowaad ee Dowlada Ku-meelgaarka ah ee Federaalka Somaliya
Ku: Guddiga Xallinta Khilaafaadka
Ku: Guddiga Xulista Xildhibaanada
Ku: Warbaahinta Somaliyeed
Asalaamu Aleykum:
Beesha Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamud) oo ka mid ah beelaha majeerteen ee dega degaanka Mudug ayaa ku tilmaantay sida loo qaybiyey xubinihii baarlamaanka ee beesha majeerteen kaga soo aaday Baarlamaanka boob iyo is qadarin la’aan gooni loogu qaatay saamigii u dhexeeyey beesha. Arrintaasi oo markii labaad ah.
Waxay beeshu mas’aaluyida dulmigaas dusha uga tuurtay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo si ku tala gal ah Isimaddii Beesha MI uga reebay liiskii xafiiskiisu diyaariyey. Waxaa kaloo iyaduna xusid mudan in wakiilka boqorka Daarood uu arintaa boobka ah guddoomiyey.
Tixraac:
Saamiga kuraasta barlamaanka ee Beesha majerteen heshay waxaa lagu dhisay qaybtii Embagathi ee 2004,oo cadadkeedu ahaa 12. Waxaa qaybiyey marxuum Cabdullaahi Yusuf oo xiligaa ah musharrax u taagan jagada madaxweynimada Soomaaliya. Wuxuu si ku takri falid ah oo aan qaddarin iyo tixgalin ku jirin ugu sadburiyey reerkiisa oo uu qoondeeyey 7 ka mid ah qaybtii beesha majeerteen heshay. Waxaa xusid mudan in xiligaa aysan Isimadu dawr ku lahayn qaybinta kuraasta baarlamaanka. Inkastoo cabashooyin is daba joog ah beeshu u soo gudbisay beesha caalamka, hadana lagama hoos qaadin lamana tixgelin.
Waxaa nasiib darro in dulmigii Embaghathi beesha Maxamud Ibraahim lagu sameeyey uu si rasmi ah maanta oo Soomaaliya xiliga kala guurka ka dugbayso mar labaad la hergilayo, arrintaas oo uu garwadeen ka yahay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dhiiri galiyey in aan beesha guud ee majeerteen wada tashi ka yeelan habka loo qaybsanyo saamiga baarlamaanka. Arintaas oo sababtay in shirarkii wada tashiga ahaa ee u dhexeeyey isimada beesha guud ee majeerteen ay qabsoomi waayaan.
Beesha Maxamud Ibrahaaim waxaa lagu yaqaan sumcad aad u sarraysa oo ay ku dhex leedahay dadka degaanka la wadaagto. Waxaa kale oo Beesha lagu yaqaan wadaninimo, iyo inay dawr muhiim kasoo qaadatay gobanidoonkii Somaliya. Mar kastana u heelan tahay wadajir, cadaalada, iyo horumarka umadda Soomaaliyeed.
Madaama la hereer maray hab maamuskii wanaagsanaa ee lagu yiqiin madax dhaqameedyada ee xeerinaya waxa dadku isu yahay, wada dhalashada, iyo degaan wadaaga; madaama mas’uuliyiinta beesha Majeerteen ee maamulada haatan jira ay qeyb ka yihiin cadaalad darrada iyo duudsiga, waxa beesha Maxamuud Ibraahiin waxay ogaysiinaysaa Guddiga Qabashada Xubnaha Baarlamaanka, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Hay’addaha Dawliga ah ee ku hawlan sidii looga gudbi lahaa nidaamka ku meel gaarka ah in ay dib u eegaan habka loo soo xulay beesha Majeerteen ee baarlamaanka.
Suldaan CabdiRashid Suldaan Muuse Shire-farey Ugaas CabdiXakim Nuur Farax Xildhibaan CabduLaahi Adan Dude Waxgaradka beesha Mohamuud Ibraahiim Nabadoonada beesha Mohamuud Ibraahiim Culimada beesha Mohamuud Ibraahiim Qurb-joogta beesha Mohamud Ibraahiim.
———–
Abuukar Cawaale
abukar_aw@yahoo.co.uk

Kuraas ma deeqda ummada ee waxaa deeqa cadaalad,waxaan soo jeedineyna,in cadaalada lagu maamula beelaha somalied,taas ayay ku
gaaran ho u mar,is aamin,calool fiyoobi,waxaan Isimada u soo jeedimeyna
in beesha ay ku maamulan cadaalada,si loo wada shaqeeya.w.towfi
Waxaa qabaa rayiga moxamed . waxaa kallo idiin sheegayaa in ay jirto cadaalad xumo badan . sida waxaa jira beesha Harti ama Daarood in kuraastooda cadaalad xumo loo qeybiyey . waxaa beesha liiban Geshe , Kaskii Qabe iyo Geesi Guulle oo dhamman Hart Daarood kuraastoodi in kuwa daaroodka ay kala qaateen ,. Marka walaal arrimaha daarood way badayihiin ee la soco .
Aniga waxaan Layaabanahay in aan eedenjirney beesha Harti guud ahaan, Hadii eynunahay beelaha kale ee kablalax daarood, yussuf daarood, tanaade daarood ama sade daarood.balse waxaa wax LuguQoslo ah in iyaga beesha harti misna beesha majeerteen dhexdooda eey is xasuuQayaan. Alloow unaxariiso besha harti oo xaQa iyo Cadliga tus. Aamiin.