Dhibaato iyo isjiid jiid muddo dheer socday kaddib, maanta waxaa la gudbiyey 12 xil dhibaan waxaana lasoo ceshay oo isbaaradii ka gudbi waayey 2 xildhibaan ee kala ah: Gen. Axmed Warsame oo matalayay beesha Celi oo lala xariiriyey inuu ka mid ahaan jiray qab-qable-yaashii dagaal ooge-yaasha ahaa iyo Dr Xuseen Warsame Gafarse oo matalayay beesha Wagardhaceed oo lagu eedeeyey inuu isna xariir la lahaan jiray Burcad badeedda.
Waxaan idinku wargalinaynaa in haddii aad ka tagto caddaalada lagula xisaabtami doono. Maanta ceebta ku dhacday beesha Sade oo keentay in Mahiga dacwad loogu tago oo laga codsado in Marreexaan xil dhibaannadoodii la gudbiyo yaa iska leh mas’uu liyadeeda?
Waxaan filayaa qof kasta oo beesha Sade ah in uu ogyahay jawaabtaas, balse waxaa leh Odayaasha Dhaqanka oo ku guul darraystay mas’uuliyaddii ay qaadeen oo garan waayey waxa ay beesha Sade ugu yimaadeen Xamar.
Sida lagu wado, bari ayaa ugu horeysa Marreexaan in xil dhibaannadii loo sameeyo dukumintigii ugu horeeyey, waxaase dhaafay guddiyadii kuwii ugu muhiimsanaa oo uu ka mid yahay guddiga dorashada, guddoomiyaha baarlamaanka iyo shaqooyin kale.
Waxaa jira dumar Mareexaan ah oo wali ku dadaalaya siday kursi ku heli lahaayeen waliba mid ka madax banaan Mareexaan oo Mahiga meel gaar ah ugu jira ama dheeraad u ah, waase la arki doonaa wixii kasoo cusboonaada dib ayaana idinkaga soo sheegi doonaa haddii uu Rabbi idmo.
————
Ahmed Mohamed, Muqdisho/Somalia.

asc.21 sano baa wax idin deeqi wayay ee ma 14xildhiban bad ku heshinaysaan.marka ma cid ku heshinwayday xildhibanadii awalba xaqdarada ahayd .baa hadana armajo madaxwaene rabaa
Wax allaale wixii warlord Hawiye lahaa ee la celiyay shariif ayaa mahiiga kala hadlay waana la soo celiyay hadii taas ay dhacdo waxa xubnaha mareexaan loo haystaa waa qalad ee waa inay dhamaantood iskaga soo baxaan hadii 24 saac gudahooda lasiidayn dhamaan xubnaha sade uga mid noqonaya barlamaanka hadii shariif sheekh ahmed tuugtisii lasiidaayo waa in qof walbaa galaa barlamaanka maha in mareexaan barlamaankiisa keliya isbaaro loo dhigto..
Madaxweynaha dowlada KMG Somalia ee waqtigiisu dhamaaday Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta degmo cusub ku kordhiyey degmooyinka gobolka Bay ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Madaxweynaha ayaa wareegtada ku sheegay in degmo loo magacaabay degaanka Goof-guduud oo ka tirsan gobolka Bay ka dib markii ay arintaas soo jeedisay wasaarada arimaha gudaha ee dowlada KMG Somalia sida wareegtada ku xusan.
Madaxweynaha ayaa todobaadyadii u dambeeyey si is daba joog ah u soo saarayey wareeegtooyin lagu magacaabayey degmooyin cusub oo lagu daray qaar ka mid ah gobolada dalka, arintaasoo ay si cad uga soo horjeesteen golaha wasiirada ee xukuumada KMG Somalia ee uu waqtigeedu dhamaaday.
Hase ahaatee wareegtadan ayaa ku soo aaday xili labo maalin ka hor oo ku beegneyd 20-kii bishan uu guud ahaan waqtigii ka dhacay madaxda dowlada KMG ah oo isu bedelay ku-simayaal sii gaarsiinaya madaxda la dooran doono, waxaana dad badan ay isweydiinayaan sida ay sharci ku noqon karto wareegto ka ka soo baxday madaxweyne markii horeba KMG ahaa oo haatana uu waqtigii ka dhacay
Shariif sakiin iyo shariif afgaduud haday waxay wateen gudbaan waa in sade waxay wataan iyaguna ay gudbaan meesha shariif sakiin oo aan waxna qorin waxna aqrin la dhariyay maxaa xildhibanada sade u diiday in iyagana la dharsho?
anigu waxaan rabay markaan arkay shariif sakiin oo la dharinaynaayo in xildhibanada sade lagu badalo dameero iyo mukulaalo hadiiba uuba shariif sakiin ku jiro barlamaan somaliyeed….hadii aniga talo la iga maqlaayo waa in dameero iyo ari carbeed naloogu daraa barlamaanka oo dadka laga dayaa…ileen wuxu barlaan mahee hadii shariif sakiin ku jiro….
asc beesha mareexaan gabdhahooda ayay xaqireen meesha ay maanta ay joogaan hor marna waa la ognahay marka anigu waxaa isleeyehay xaq gabdhahooda baa ka soo baxay
Beesha sade waxa ugu wacan waxaan waxaa kow ka ah odayaal dhaqameedka kuwaasoo ay kuhabsatay musiibo ah
1 cadaalad xumo
2 xurmo iyo xishood la’aan
3 jaahilnimo
4 karti iyo dadnimo xumo
taas oo dhaxal siisay ceebta iyo fuxshiga maanta beesha hayso waxay awoodi waayeen cadaalad iyo sinaan inay ugu qaybiyaan walaalaha ee aysan qaarna afka buuxsan qaarna qadin iyo xuquuqdii dumarka oo meesha laga waayey oo iyana Ceen iyo Canbaarayn ay kala kulmeen.
Acm dhamman aqristayasha.marka hore waxan leyahay mahmah somaliyeed ayaa waxay ledahay Dhurwa Dhareg Loofil.taasi waxan kaga jeeda numberkan 14 ah oo sumadda noqday sidee ku yimid?haddii an isu jawaabo ma,aysan jirin mooqif iyo wadatashi Sade oo mideysan tasna waxay kentay inan 61 xibnood oo Darood qaybsaday aan ka helno 14.waxa lamid ah haddana tan hadda dhacday.waxan leeyahay Mariixan maxa ku dan ah?ma inad waliga hashin oo khilaafkaga adan xalin ood mel kasta o Somali isugu timado ad ku ceebowdan miyad rabtan? mise waxad rabtan inad tashatan od wax meeldhigatan somalidana wax la qabsatan? Labadas kala doorta.by qundhi.
marka hore waan in salaamay sac
in taa kadib waxaan umaleeynayaa in aan hada kahora aan aheeyan
ceeb kasaliim balse hadii aay dhac day waan in aan la nimaad naa labada
xildhibaan dabcan ulaleeyni maayo inlawaaynaayo waayo gudiga fatsamada hadii aay diideen waa nin labadalaa regkalana lakiinee
belaha cli iyo wardhaca ayaan layimaadaan niman kii badali alahaa by
Waxaan leeyahay ha la iska dulqaato Mahiga iyo wixii lasocdaba meel ayeynu kaga soo hadhaynaa.Mareexaan iyo Dhulbahanteba waa loo heshiiyey waase ka bixi doonaa dhibkaas la inoo gaystay.ciyaarina waa galin danbe yaan la niyad jabin
Khyr baan idiin rajaynayaa
Waa musiibo ku habsatay umada somaliyed dhamanted ma ahan mid haysata marixan o kali ah lakin qab qablayaal la,diidyee ma qowleysata timid? mase waa maqaar saar qab qablaaba qeel roon ? War iyo dhamantii waxaa la,idin ka sugayaa in ad qaran yagleshan shareecada ku dhaqatan dib uheshisiin sameysan dadka isu kentan alshabab la,hadashan shisheeyaha bixisaan wax sosarka wadankiyo qeyradka o idil somali xor u ahaataa
war macadaal ayaa taala mareexaan dhexdiisa nin walboow waxaad natooxsankarto natooxso mahiigana utaga ama iska daaya, awal baan caalad oolin xamar iyo waxa laguhayo,caadaal mawaxaa ah hal reer afar haqaato dadka kalana qaarna hala iska ilaawo qaarna halaga dhigo dawacooy afkudufanleey nin walboow ugaaas sameeyso ninkii aad wax lacunikartina wax karaadsa mahiiga ama dadkale intaba cadaaladii mareexaan laga rabay waa mida saas umuuqata. labada nin ee laceshay aad ayaan usoo dhaweeynaya aniga shaqsiyan awalbeeysan cidna wax kutareeyn dadka oronaya kuwii hawiye waa lasoocashay dadkaasi waa dad dadkooda kadhexmuuqda nimankaan laceshay shantii sano ee lasoo dhaafay max qabteen? ma is weeydiiseen xitaa wax barashooyinki turki iwm dushooda ayaa ragku qeybsanayeen ilaahay sooma cesho kuwaas
Asc dhaman akhyarta wn idin slmy hadan fikir keyga kadhibto besha sade waxan u shegaya in aynan macqul aheyn in hawenka xuquqdoda la afganbiyo ,hawenkana aya ka fican yihin kuba hada mesha lagu hayo marka dumarka xuquqdoda hala siyo ,midakale marexan ha isku jeedine dadka wax laqeyb sado by zizu
ASC. UL GARAAR LEH DADKOO DHAN BAA ARKA LAAKIIN CARAB GARAAR LEH DAD YAR BAA ARKA, Waxaa la wada ogyahay oo caan ah in reer SADE Gal-guduudeed ay sabab u yihiin ceebta, dib u dhaca, is-qab-qabsiga iyo dhammaan waxa xun oo dhan, maxaa yeelay iyagoo 2-degmo ah ayeey isku dayayaan in ay bar qaataan wixii soo dhex maro SADE, arinkaas oo aan suurtagal ahayn, waana ka xumahay inay meesha keenaan wax aan sharciga waafaqsaneyn oo ah Gobol- Gobol, iyadopo aan ognahay in hawshu tahay Beel Beel. Yaan lagu kedinta reer Galguduudeed (Wax badso aan xaq ku dhisneyn), Ugaas Xamar hadda lagu magacaabay oo aan aqoon u lahayn wax qaybsiga SADE iyo sida loo dhashay iyo Oday Jaahil ah oo lacag maahee aan indho kale lahayn ayaa keenay fadeexadda maanta ku dhacday SADE, tani waa cashar lama ilaawaan ah oo aan loo noqon doonin, waxaana kula talinayaa SADE, tani xaq maaha ee waa xal, sidaas darteed, hadda ha gooyaano oo hala cusbooneysiiyo sida beelaha SADE wax u qaybsanayaan, qabiilooyin baa xaqooda la iska qaadan jiray,waxaana qaadan jiray kuwa magaalada jooga, oo wax qaybinaaya, waqtigaan casriga ah oo uu qabiil walba xoolihii ka dhamaadeen, oo wax la isla bartay ma dhici karto in qabiil uu qabiil kale xaqiisa qaato, Haggaanka dhaqanka iyo Hoggaanka Siyaasadda ayaa SADE lagu dhacaa, taasoo raalli la isaga yahay xitaa Gedo iyo Galguduud(that is to say: labada gacmoodba aan wax ku cunno sidaasey noogu caana badan tahaye, baadida nin baa kula daydayi daalna kaa badane inaad heshana aan dooneyn daa’in ebedkaaye dadkuna moodayaa duul wada dhashoo wax u daahsooneyne), adeer maanta qof la siri karaa ma jiro,(Fiqi tolkii kama janno taga),SADE qawda maqashii waxna ha u qabanta ina haysata aan ka tashanno intaaney imaan wax qaybsi kale, xaqiiqdiina arrintu waa sidaas aan u sheegay, oo aan loo noqoneynin, waana waadax, maxayse u baahan tahay? waxay u baahan tahay in la wada fahmo la isla garto meesha nalaka jira iyo waxa waajibka nagu ah dabadeedna wax la saxo, iyadoo aan dul joogin wax la qaybsanaayo,waxaadse ogaataan ninna inuusan marnaba qaadaneyn in hashuu saamiga u lahaa lagu agmaalo isagoon raalli ka ahayn, taas baa hadda dhacda oo nin saamigaagi ku fadhiya ayaa kula kaalay reer hebel baan isku nahaye aan shirnee!!!!!!!!!!! marka hore dhaca aad iga wado i sii dabadeedna aan shirno, Qofkii Ugaas sheeganayana hala baro sida loo dhashay iyo sida wax loo qaybsado, mise sidii Wiil-waal baa laga baqayaa!!!!!!!! Colaadaha, Kalsooni darada,isnacaybka iyo wax wada qabsi la’aanta dhextaala reer SADE waxaa keenay caddaalad darrada iyo yasidda ay dhexdooda isku hayaan iyo sid bursiga la iska xalaashaday, haddey sii socotana waa xumaan siibadatay ciribteedana waa la yaqaan, hadda wax laga qabtana awal baanan Aqoon yahan iyo Ganacsato waaweyn aanaan lahayne waxaan wax ku ahayn oo shucuubta kalena ay nagu jecleyd waa isku duubnida, taa un baa soo noqon doonta, ciribteedana waa Baraare iyo Horumar. Dr. Cirro Bye.
hadaan fikrad gaaban ka dhiibto dhacdadan lama yaabani e waxan la, yaabanahay dadka layaaban
waayo hadaadan lahayn hogaan dhaqan ama maamul wax ku ool ah oo danta dadka aan kala maarayn karin tan guud iyo tan gaarka ah en eey halkan iyo meel kafogba tagayso maan gaabka uun ban garankarin waxaase ayaan daro ah in aadan khaladaad kadiihore waxba aadan kakorarsan waa (ma, gudbe) hii lasheegi jiray hadda iyo dan caano daatay dabadood laqabay waa lagama maarman hogaanka dhaqanka iyo kan siyaasada in laga arinsado iyadoo danta guud la eegayo hiikale magac xumadaan wa sii jiitamaysa …
Asalaama calykum dhamaantiin iyo ciid mubarak.
Waxaan layaabanahay in aan weli lafahmin, cida iskaleh amarka saxda ah. Sideedaba waad inaad kalafahataan afgobaadsiga iyo howsha saxda ah ee hoos kasocota. Hadii loosheegay qof dambiila ah ama qof aan aqoon lahayn ha keenina.
1.Waad inaad ogaataan qof dambiila ah booskiisa waa xabsi.
2.Waa laga fiicanyahay in aad u doodaan wax kastoo beesha magaceeda wax u dhimaya.
Gunaanad walaalaha Gedo iyo galguud waxaan lasocodsiinayaa codaynta ugudanbaysa last minuts, musharaxaad ugu shubaysaan. Soomalidu waa qabiil qaran ma’aha, sidaas ula socda buundadu yasan idin lago’in.
Ciid wanaagsan
Asc, walalayaal waxaan iftiimin lahaa arimaha mareexaan ka dhextaagan oo ay khayrkood uga hareen waa sadex qodob oo kala ah.
1— Hogaanka dhaqan mareexaan oo aan ahayn dadkii u qalma markii horana aan lagu soo dooran in ay mareexaanka matali karaan iyo inkale hogaankaas oo mareexaan kala fogeeyey waana qabqab layaal.
2–iyo dhamaan mareexaan oo aan ahayba dad qaladka qabankara oo saxi kara .
3—Aqoonyahada iyo siyaasiinta iyo culumo,awdiinka mareexaan oo aan ahayn dad u diyaarsan inay dadkooda duliga kasaaraan oo aad moodo inay marti kayihiin arimaha beesha ka dhex dhacaya.
Su,aashu waxaa weeye mareexaan cadaalad xumada maanta dhextaala goorma ayuu ka bixi doona?.
Waxaan soo jeedin lahaa mareexaan hogaan cusub hadoorto oo uqalma cadaaladna lagu soo xulay ilaahayna yaqaana kuwaana hada jirana waxaan qabaa inaysan mareexaan istaahilin .
waxaan idin weeydiiyay mariixaan halkeebay kunoqdeen wagardhac mariixaan walaahi waa wax lagu qoslo dad hawiye eh oo habar gidir oo cayr cumar dheer ay iska dhaadhiciyaan inay mariixaan yihiin waa wax lalayaabo acuudi bilaah adoo ceyra doorood sheego waa wax ceeba ilaahaan kamagan galna qabiil adna eheen sheego walaahi markeey taleefishinada soo istaagaan dambigooda dadka reer caabuwaaq waxaa ka dhaqay dadka daawada oon aniku ugu horeey waxaa ugeeyay imaanla aan
ac walaalayal waan aragnayee mamaxkamadaynkarnaa dadka danbiga galay waana ognahaye
Waan u tahniyeynayaa beesha sade in ay ugu dambayn xalliyaan qilaafkii yaraa ee ku saabsanaa soo xullidda baarlamaanka. waxaan u sheegi lahaa aqyaarta comentska soo qortay, waa inaad ogaataan qabiil walba intii dhibto ayaa hoostaalla ee beel weynta mareexan ha niyad jabinina, runtiii aniga ma ahi mareexaan laakiin waxaan ahay qof daarood ah, waana jeclahay waliba waan ku faanaa beelweynta mareexaan umana arko in ay wax ka qaldanyihin ee waxay la mid yohiin soomalida inteeda kale. laakiin maanta waxaa loo baahanyahay in loo hiilliyo guud ahaan meeshaan ku abtirsanno, waxaa dhici karto in aad isweydiisaan muxuu ka wadaa waa in loo hiiliyaa meeshaan ku abtirsanno, waxaamn xasuustaa 1991 aniga oo gobolka gedo qaxooti ku ah oo ka imid kismaaayo ayaa dagaalkii Jen, caydiid ee gobolka gedo igu qabsadey buuloxaawo waxaan xasuustaa xasuustaa dhibaatadii ku dhacday maalintaas shacabkaas aan aadka u jeclahay iyo sidii geesinimada lahayd ee ay markiidambe isu xoreeyeen oo ay dalkoodii dib ugu soo ceshadeen runtii waxay ii ahayd xasuus xanuun badan oo aanan waligay illaweynin, waxaana joogay gobolkaas illaa laga xoraynayey guud ahaan gobolkoodhan, waxaan codsanyaa waa in dib loo sooceliyaa midnimadii soomaliya si aysan dib dambe u dhicin wixii na soo maray, waxaan kaloo codsanyaa in maamul adag loo dhiso gobolka gedo oo u hiilliya shacabka tabarta daran si loo hormariyo waxbarashda, caafimaadka, nabadgelyad, iyo guud ahaan isjeclaanta iyo isu soo dhaaanta shacbka deegaanka, arrintaas waa in ay u hawlgalaan dadka aqoonta leh ee u dhashay gobolka qaas ahaan qurba joogta wabbilaahi tawfiiq
Waxan layahay wixi dhacay way dhaceen ee maxan ka falna ayey tagantahay hada. Hadii aynu nahay besha sade ma in aan ka tashana ama wa in aan markale nagu dhacdo cebtan anagoo somali dhan so hogamini kuna so mamulni cadaalad .hada wa in ay shir deg deg ah qabtan sharifti sade na la so cesho.
Caradii Ilaah duul qaboon Cayma lala doonin.
Carrigiyo dhulkaa diida iyo Ciidda daahirane.
Cimrigood waxay daba socdaan Caamo dabar goyne.
Calankaay u dhiibtaan Curriyo Carun ku nooshiiye.
Webiyaal Camiran iyo haddii Ceelal la dulkeeno.
Cisi kuma helaane duulkalaay Calaf ka dhowraane.
Waa waxa Cidlada dhigay Sadihi Caabbanaan jiraye.
Oo maanta Xamar loogu Cuni Curaddadoodiiye.
Ceelwaaq haddaay wada degaan lama Canshuureene.
Cidla laguma laayeen sidii Aar Curdoon helaye.
Calaqana ma qaateen sidii Eeyla Coofya lehe.
Cumar iyo Cawaantuu dhalaa Ceebahaa dhigaye!
Kala Cararka waxa noogu wacan Ceelalyaan jirine.
Cududdeenni waxa Ceel ku riday Caalla daba weyne.
Ciiryaamo roob waxa ka dhigay waa Ciddaa hagiye!
Aniguna inaan hees Camira soow Cindiga maaha?
Soow inaan Curshaa maanso iyo Caynka gabay maaha?
Sawaariiq Callaqan soow inaan Caadka dhiga maaha?
A,s,c walaalyaal horta qaatumada Allah na haleelsiiyo horaa loo yiri walaalo is neceb waraabaa cuna marka reer sade waa sidaa waxaan isku haysanaa wax aan la arkeyn gado & mudug horta taa ha layska daayo tankale wixii halaaba sidee u saxnaa aan ka tashano dhuuni qaate qabiil kasta wuu ku jiraa,si xun u talis soomaali yoo dhan wuu ka buuxaa laakiin dadka kale way is qabtaane isqabta oo si fiican wax isugu sheega idankoon is dacaayadeeyn oon is caayin wa bilaahi towfiiq.
Waxaan aad uga xumahay in badan oo mareegtaan ku soo bandhiga inay aqoon iyo darajooyin ku sheegtaan iyagoo ku hadlaya waxyeelo ay dunidu ka soo gudub inteedii garashada saliim ka ah Mawle ugu deeqay.
Waxaan idin xasuusin in beesha Reer Sade kaliya uusan daalacan mareegtaan ee ay tahay mid u furan qof kasta oo afka Soomaaliga ah aqrin kadha fahmina kara.
Haddaba, waxaan idinkula nasteexaynayaa inaad furataan qolal aad warbixinada iyo aragtidiina iskh waydaarsataan. Haddii kale taya xhmadiina iyo talodaradiina ayaa ummadda kale idinla yaabin iyo sida aad u aragti gaabantihiin.
Mareexaan waagii ay kala saarnaayeen dad gub iyo gun leh ayay ahaayeen.
Taliskii Allaw naxarisayga loogama horeyn waayo wixii oo idil ayuu isku shaandheeyey nimankii gobanimadoodu geedka saarneyd ee reer Mudugga u badnaa iyo ilkayar oo la yiri Mareexaan gob ah baatihiin ee dadkiina dhinac ka raaca ayaa la kala saari layahay.
Waakeese maanta la gartama oo wax ka dhaadhiciya ileen idinkaa geed dheer saarayee.. Haddey sidoodii idiin ahaan lahayeen haddaabay beesha shanaad wax la qaybsan lahaayeen.
War nimanka dhinka kale oo bulsho ee kale oo ay geysteen ayaa taa ka sii daran oo aanan halkaan ku xuseyn.
Walee waanan dib loogu noqon wadadaas..
Aniga waxaa ila gudboon maadaamaa ay gudiga doorasha diidanyihinn dhamaan dadkii lagu tuhmaayo ama ka qaybqaaday qabqablaminadii 20 sano ka jirtay somalia in ay xibin ka noqdaan dowlada magac u yaalka ah oo hada la wado in ay ka saaraan labada shariif waayoo waxay ay la mid yihiin kuwa lagu tilmamaamay qabqablayaal. waxaan qabaa in ay caqibad ku yihiin labada shariif geedi socondka nabada umada soomalaiyeed. mida kale hadii qabqablaha soo doortay dadkii uu ka dhasha maadaamaa meesha wax lagu qaybsaday qabil maxaa ka galay ayaga Ahmed warsame lagama reebaayo xildhibaan nimada isaga ayaa matalaayo cidiisa shariif sakiin cirka guji ama mahiiga u yeero.
Waxaan reer sade kula talinayaa in aysan ????? iyo dadka xukuma marna dhegaysan sababta oo ah waxay idinkula talinayaan wax qariya, waa dad ????? ah oo wax ay qariyan iyo wax la silicdilyeeyo ma ahane aan wax kale quudan. Mida kale dadka ????? degen wax ka gunsan ma jirto oo 60% waa qabaailo meelo kale ka yimid.