Home » News »

Xubnihii Xildhibaanada beesha Sade oo mar kale dib loo soo celiyay

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in 14-kii xildhibaan ee beesha Sade ee uu mudada dheer qeybsigooda buuqa badan ka taagnaa, ayaa kaddib markii uu guddiga qilaaf bixinta beesha Sade ugu qeybiyay 10 xildhibaan oo la siiyay beesha Sade gobolka Gedo iyo 4 xildhibaan oo la siiyay beesha Sade ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa loo diyaariyay in ay ku biiraan oo ay ka mid noqdaan xildhibaanada kale ee Soomaaliyeed ee iyagu dhowr maalmood ka hor la dhaariyay.

Nasiib daro, xubnaha beesha Sade ayaa mar kale loo diiday in ay ku biiraan xildhibaanada Soomaaliyeed si iyana loo dhaariyo, sababta keentay diidmadaan labaad ayaa lagu macneeyay in ay tahay iyaga oo lagu xiray in ay dhowr gabdhood kusoo daraan 14-ka xildhibaan.

Warar hoose ayaa sheegaya haddii aanay beesha Sade xildhibaanadooda gabdho kusoo darin oo aanay gudbin inta ka horeysa August 26, in markaas ay suurtagal tahay in gebi ahaantoodba laga maarmi doono oo aanay ka qeyab qaadan doonin xildhibaanada dooranaya Guddoomiyaha Baarlamaanka.

————
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

19 Jawaabood " Xubnihii Xildhibaanada beesha Sade oo mar kale dib loo soo celiyay "

  1. moha says:

    waa layaab.
    marka la leeyahay ayaga dhan waa laga maarmi doonaa yaa lagu badali? ma puntland baa loogu buuxin rabaa? somaali soo qabiil wax kuma qeybsan?
    haddii beesha sade laga saaro ma nabad baa dhalan ?
    waa garan la’ahay sababta sade sidaan ugu laciifay

  2. Aad iyo aad ayaa ugu farax sanahay in lasoo coliyo markii horeba xaqdaraa ku jirtay (qaybta reer diini)..Masha’Allah kusoo colcoliya…

  3. Gaber Gedo says:

    ASC WALALYAL , waxaan aad oga xumahay nasiib darada haysta besha sade iyo mesha ay oga jiraan kaalinta siyaasadeed ee uu wadanku maraaya ,waxaana ah wax la lalayabo besha oo ilaa hada aan xildhibanadoodii aan ka qayb galin baarlamanka . waa maxay sbaata ay ugu diidanyiihiin besha in ay gabar ku daraan xildhibanada ay soo gudbiyeen wana maxay sababta ilaa hada ay u dhameen la’yihiin waxa lagu haysto .waan ka xumahay maanta meesha ay mareesa beesha iyo kala daadsananta haysta

  4. barqo says:

    marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka sade dal iyo dibad ujeedo waxaan kula talinayaa dhamaan waxgaradka nabadoonada iyo ugaasyadu in ay dhawraan xaquuqda dumarka waayo waa gabdhaheenii ma ahan inla xaqiro waxaan oran lahaa beelaha helay xil dhibaanada dheeriga ah sida reer diini .iyo reer xasan waa iney kusoo daraan min gabar wblhtwfq

  5. SULDAAN C/HI says:

    ASWR. Ani waxaan aaminsanahay in markii horana lagu yareeyay tirada xildhibaanada beesha sade iyo in iyagu laftoodu ay si aan cadaaalad ahayn uqaybsadeen maxaa yeelay beelaha sade bari dad ahaan aad bey ubadan yihiin dhulkooduba ha yaraadee hadana mar labaad baa lalugoynayaa oo waxaa layiri dumar kusoo dara marka ani waxaan qabaa gabi ahaanba inay isaga baxaan oo qaadacaan waxa meesha kasocda ee markii horaba gacanta mahiga kujiray ee aan gacmo somali kujirin maxaa yeelay qof dumar ah ma filayo inay wax badan kaqaban karto hawshan cakiran.

  6. aarlibax says:

    war magarashadii ayaa ilaahay idinka qaaday markii horana adinka ayaa is haystay hadana si cad ayaa la.idiin siyaasadaynayaa waxaa ladoonayaa in aysan ka qayb galin xildhibaanada beesha doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxwaynaha
    meeshaan jambal ayaa la.isu dhigayaaye waa in aad sida ugu dhaqsiiya badan ugu dartaan 3 gabdhood si aynu uga qayb qaadano doorashada

  7. xasan yarow says:

    wa yaab se logu marmi kara

  8. Gundiid says:

    Daarood ayaa ugu xubno yar marka la’eego dumarka loo xulayo xildhibaanada…..Fadlan dumarkeena xushmeeya oo qeeyb ka siiya xildhibaanimada…..dumrku waa qeeyb muhiim ka ah mujtamaca…..la’aantoodna mujtamaca uusan socon ka rin….

    Dumarku mujtamaca wexeey ka yihiin kala bar hadii eeysanba ka badneeyn raga, sidaas daraadeed waa in la’qadariyaa.

  9. Koshin says:

    Usheega 14-kaan waa ragga, 3 isku oo kale ayaa dhinaca Daaroodka inooga maqan, Sadexdaa markii la soo celiyo ayaan GAbdho ku fariisinaynaa

  10. Koshin says:

    14-kaba aan 14 Gabdhood Geyno, Waxii kadhacaya haka dhacaane :)

  11. gantal says:

    hakaaaaaaaaa sed bur sibaakajira beesha sade waalaxaqiray waxa lasiiyey 14 halka beelaha warsangeli iyo dhulbahante laga siiyay 13 xildhibaan oo mareexaan laba jeer adeer unoqonayo lol

  12. Sade gobolka Gedo iyo 4 xildhibaan oo la siiyay beesha Sade ee gobolka Galgaduuud ..waa war khalada ee saxa walaalayaa.. ..galgaduud waxa kaliya eee hashay waa 3 not 4.. xuseen warsame..waa nin wagardhac ah lakiin waa nin reer baardheera ha ..galgaduudna waligiis arkin isaga iyo aabiis toona ..si bareer ah baa loo dhacay reer galduu.. xusuun waxuu kamid yahay beesha bah xawaadle.. oo hada haysta 3 xildhibaan hadii isga oo oo reer ugas sharmake rer abtigis ku abtirsida.

  13. sinaan says:

    Waxay ayeen cadaalad daro Iyo waliba bahdilid Iyo Imaan la.aan sida wax la yeelay waxaana leeyahay mareexaan ha kala tago wax la isu hayo ma jorto .ugaasna ma jiro waxaan ugu baaqayaa burcad xileedyada inay dib isugu noqdaan oo ay tanaasulaan walaan Ree Diini afar kursi xaq u yeelanayne ayaguna dad ku noqonayne, soomaalidu waxay tiraahdaa kaligiis Cune kun sanuu haraa

  14. Dacad says:

    ASC, Kala fogaanshaha iyo Kalsooni waxaa Abuuraya nimanka dhaqanka Mareexaan sheegta, oo runtii Cadaalado daro badan sameeya mar walba, Waliba dhibka ugu wayn waxaa sameeyay ninka Canada ka yimid.

  15. sade33 says:

    sade waa shan daqiqo dhiman waana isku aragti mansha alah.

  16. Wawaray masasa nodanbasay. war ka baxa meesha. war diida sharafdara. war nabad majirto.timirti horaba da lowa. ma wax fican yaad sugayseen.wixi dhigloho kaca.

  17. gold account says:

    Qaar kamida dadka ku suggan degmada Galdogob ayaa sheegaya in kullankan uusan ka badnaan dooni 3-10 casho, hase ahaatee qaar ka tirsan saraakiisha hormuudka u ah habsami u socodka hanaanka shirka ayaa tilmaamaya in shirkan Tashiga Tanade uu gaari doono 15 casho-25 casho, si markaasi loo go’aamiyo aayaha iyo mustaqbalka beesha Tanade islamarkaana dib u habeyn xooggan lagu sameeyo siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta arimaha bulshada oo ay waxbarashadu ugu horeyso.

  18. mercadeo says:

    Wararka naga soo garaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaay tibaxaayaan in beesha Sade ay ku heshiisay qaybsiga Xubnaha Cusub ee Barlamanka Somali.

  19. A.A.Xade says:

    Caradii Ilaah duul qaboon Ceeyma lala Doonin.
    Carrigiyo dhulkaa diida iyo Ciidda daahirane.
    Cimrigood waxay daba socdaan Caamo dabar goyne.

    Calankaay u dhiibtaan Curriyo Carun ku nooshiiye.
    Webiyaal Camiran iyo haddii Ceelal la dulkeeno.
    Cisi kuma helaane duulkalaay Calaf dhowraane.

    Waa waxa Cidlada dhigay Sadihi Caabbanaan jiraye.
    Oo maanta Xamar loogu Cuni Curaddadoodiiye.
    Ceelwaaq hadday wada degaan lama Canshuureene.

    Cidla laguma laayeen sidii Aar Curdoon helaye.
    Calaqana ma qaateen sidii Eeyla Coofya lehe.
    Cumar iyo Cawaantuu dhalaa Ceebahaa dhigaye!

    Kala Cararka waxa noogu wacan Ceelalyaan jirine.
    Cududdeeni waxa Ceel ku riday Caalla daba weyne.
    Ciiryaamo roob waxa ka dhigay waa Ciddaa hagiye!

    Aniguna inaan hees Camira soow Cindiga maaha?
    Soow inaan Curshaa maanso iyo Caynka gabay maaha?
    Sawaariiq Callaqan soow inaan Caadka dhiga maaha?