Xaalada Caafimaad ee labadaasi caruurta ah oo mid ka mid ah xaaladiisu ay liidato ayaa iminka waxaa lagu daweynyaa rugo Caafimaad oo ku yaala gudaha Magaalada Baardheere, iyadoo dhaawacyada soo gaaray labadaasi caruurta ahna ay ugu daran yihiin firir ka Gantaalada diyaarada oo maskaxda iyo qeyba kale ee jirka ah ka galey.
Labadii maalmood ee u dambeeyey dadweynaha ku dhaqan Magaalada Baardheere waxaa ay dareemayeen guuxa diyaaradaha oo maalin iyo habeenba dul heehaabaya hawada sare, taasoo dad badana ku abuurtey walwal xoogan, iyadoo dadkuna ay cabsi xoogan.
Ma ahan markii ugu horeysay oo duqeymo diyaaradeed noocani oo kale ah lala eegto gudaha magaalada Baardheere, islamarkaana ay wax ku noqdaan dad rayid ah, bartamahii sanadkii la soo dhaafey ayey ahayd, markii 3 maalin oo isku xiga duqeymo sababay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen gudaha Magaalada Baardheere.
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.