Home » News »

Khudbdii dar-daaranka ee Shariif Sakiin u jeediyay xildhibaanada iyo dhaqankii Digil iyo Mirifle iyo kuwa beesha Shanaad ee isaga soo magacawdey iyo waliba saraakiisha ciidamada DKMGS

Shariif Sakiin ayaa shir deg deg ah isugu yeerey Xildhibaanada Cusub ee Beelaha Digil & Mirifle, Beesha Shanaad, Odey Dhaqmeedyada iyo Saraakiisha Ciidamada ugu jira DKMGS oo waqtigeedu dhamaadey, wuxuuna u jeediyey Khudbadiisa Dar Daaranka ahayd kuna yiri sidatan:

“Waa idin salaamey Kulligiina, waxaana idinku hambalyeynayaa Guusha aan gaarney oo ay sida sahlan uga soo gudubney is-haysiga badan ee weli ka dhexeeya Beelaha kale ee Somalia, guushaas oo aan ku gaarney Lacagteyna, Caqligeyna iyo wadajirkeyna”.

Tan kale waxaad ogaataan “ANIGA AYAA IDIN KEENSADEY, IDINKANA DHIGEY DHAQAN , XILDHIBAANO IYO SARAAKIIL DAWLADEED, WAANA INAAD ANIGA MOOYEE CID KALE  AADAN DOORANIN, ADEECIN, HADDII AAD TIHIIN DAD FIICAN OO DAREEN LEH ABAALNA GUDI KARA, HADDII KALE WAAN XISAABTAMEYNAA WAQTIGEEDA MEEL KASTA OO AAN WADA JOOGNABA”.

“Sida aan horey idin farey oo aad ku dhaarateen waxey ahayd  inaan leysku soo sharaxi Karin Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka, haddana waxaan arkayaa in kuwo badan oo ka baxe ballantaas oo uu  ugu joreeyo Xildhibaan Jawaari iyo kuwo kale oo habeenkii u dhuunta Musharaxiinta kale sida ay iisoo sheegayaan Madaxda Ciidanka Boliiska iyo kuwa aan ku leenahay Nabadsugidda, asluubta iyo  dadweynahaba, arrintaas oo aan ka qaadi doono tallabo kasta ee ay mudan yihiin kuwaas oo ballantii nooga baxey, doonayaan iney Hawiye iyo Daarood u sharciyeeyaan Jagada Madaxweynaha Somalia oo xilligaan ay noo ballan qaadey Dawladda Ethiopia , unpos, IGAD iyo Dawlado kale ee Carbeed iyo IRANba.

Waxaan ballan ku qaadney oo aan amar ku siiyey Saraakiisha inoogu jiro Dawladda oo ugu horeeyo Taliyaha Booliska iney ka qaadaan kuwaas nagu caasiyoobey iyo Salaadiinta Dacwadaha nagu furey  in Tallaabo kasta oo lagu ciqaabi karo, lagu xiri karo, lagu eedeyn karo, loogu diri karo beesha Caalamka iyo kuwo ka sii adagba haddii loo baahdo, waxaan idinkaga digayaa inaadan khatar is-gelinin maxaa yeeley idinkoo aan waxba ahaynin ayaan wax idinka dhigey, idinka oo dhanna aniga ayaa idin leh.

Waxaa kale oo aan idin sheegayaa inaad la shaqeysaan Guddigeyga Doorashada iyo Xuuraanka Siyaasadda D&M oo ay ka mid yihiin Xildhibaanada kala ah Khalid Cumar, Fousia, Nuuraani Bakar, Farkeeti, Ibrahim Cali Cumar , Xuseen iyo Libaax, iyo Xildhibaanada Beesha Shanaad oo kala ah Burci Hamza, Sharif M. Cabdalla, Khadija iyo kooxdooda oo  kuligooda ay ka go’an tahay in Kursigaan Madaxwene aan aniga ku guuleysto Sanadakaan, haddii kale ogaada waxaan saran nahay hal doon oo ku safreysa Badwenta dhexdeeda oo haddii ay nala degto inoo dhamaaneyso kulligeyna.

Ugu dambeyntii waxaan idinkaga digayaa inaad ka baxdaan dhaartii aad marteen iyo ballantii aad qaadeen tasoo haddii ay dhacdo aad ka shalleyn doontaan idinka iyo caruurtiinaba”.

Khudbadaan ayaa ku abuurtey dhegeysteyaasha Baqdin, fajac, iyo wel wel waxeyna durbadiiba bilaabeen iney mid mid uga baxeen shirka oo aan dhamaanin weliba qaarkoodna bilaabey iney dhuumaaleysi ka bilaabaan Muqdisho dhexdeeda.
————-
Afhayeenka Labaad Dhaqanka Digil & Mirifle
Maadeey Eenow Deerow
Email: Digil_mirifle13@yahoo.ca

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

13 Jawaabood " Khudbdii dar-daaranka ee Shariif Sakiin u jeediyay xildhibaanada iyo dhaqankii Digil iyo Mirifle iyo kuwa beesha Shanaad ee isaga soo magacawdey iyo waliba saraakiisha ciidamada DKMGS "

  1. Akram xasan says:

    K.k.k.k.k. Hadalkan ma ahan hadal u ku hadlo qof garaad leh ama qof kufikirayo in u umud dhan hogamiyo ee ma cabsana marku waxan ku hadlaye mase waa lagu ben aburanayaa

  2. duul says:

    ????? ha ka ben abuuran shariif xasan, ??????? digil iyo mirifle na hak ben abuuran,?????,farmaajo iyo wixii la socdo waa ?????, farmaajo ayaad ku waalateen , ??????, langaab laangaab dhalaya , farmajo yuu xukumeyaa, ma ???? buu xukumeyaa, ????,

  3. du says:

    haha. War allgedo waxay u ololeynayaan farmaajo marka yaan loo qaban hadaladaan oo kale.

  4. asc ool soomaali moodhan iyo qofkastoo muslim ah salaan kadib waxaa ay ila tahay shariif sakiin aqliga uu ku hadlay waa aqligii uu kuyiri shahaadooyin ka suuqaan kasoo gadanayaa oo uu ku wato shahaadada feega ah mida kale dan tii laga lahaa waa lagagaaray dadkuna cidii ay u ar kaan in uu dalka wax tari karo ayay u coday nayaan waxaana leeyahay u codeeya cidii dad iyo dalka wax tar uleh w/w/w

  5. A A barre says:

    Wa lee ha dalkaasi, waa yahay, hadal kii. Sakiin, bal waxaa, ilaahmahadii,ah sida muuqata, inay, sakiin, udhamaatay, oo uu dhibtii uu umada, ku hayeyna, isaga, raacidoonto.

  6. mahuraan says:

    war wuxu mooryaan shaqsiyadna malaha sidaa tarted arimahaas waxay kamid yihiin nasibdarada kudhacday dalkena iyo dadkenaba in sharif sakin oo kale uhawoodo madxawaynaha somalia waad mahadsantihiin

  7. jj says:

    Kuwa Sakiin iyo Farmaajo isku mathalaayo wey khaldan yihiin maxaa yeeley Farmaajo waa nin Tacliin sare leh, cidna uusan dhibaato u geysanin, laakin ??????, xariifna ku ah ?????Somalida sida aan ku soo aragney Taariikhdiisa, waxaa intaas ka daran oo u weheliya inuu Yahay ????? weynaadey oo ???? wax kasta ee uu arko.

    Xariif Sakiin dembiyada uu Somalia ka galey waxaa ugu cajiibka badan kuwa ugu dambeeyey oo uu ku soo sameystey Dhaqan Bug wada ah isaga la camal ah lana jaal ah, awoodna u sheegtey Dhaqankii asalka ahaa ee soo jireenka ahaa maxaa yeeley wuxuu ogyahay ineysan ka yeeli doonin Dulmiga iyo ?????? xumada uu ku qaeaabto mar kasta, taasaana keentey inuu hadda isagoo dareensan iney u dhamaatey inuu khudbadaan Handadaada iyo caga jugleynta ah u jeediyo kuwii isaga dulmiga ku keensadey oo markii ay heleen Xildhibaan nimada, dhaartana ay mareen ka fogaadey, una qaraab doontey Somalida kale si ay u soo ceshadaan Lacagtii uu ka qaatey Xariifka iyo Kooxdiisa.

    Khudbadaan ma ka suutowdaa ? Jawaabta waa HAA maxaa yeeley waan aragney isagoo meel fagaare ah oo looga soo duubey VIDEO oo handadaayo Wasiir Xoosh, una leh ” War Shahaadada aad sheegeyso Suuqa ayey buuxdaa, waana la soo gadanayaa , adiga miyaa reebi kartaa ? Kuwa aad lleedahay Wiilasha hala empower gareeyo waxaad ugu dan leedahaya waa ogahay, waxaana ka shakiyey markaad sidaas tiraahdey, waa arki doonaa halka ay tegto !!! Ninkii warkaas ka suurtowdey , khudbadaan waa u sahal.

    Shacabka Somaliyed iyo Beesha Caalamka waxaan ka codsaneynaa in Xariif Xassan laga saaro Baarlamaanka Cusub sababtoo ah waxaa lagu haayaa fal dembiyeed isagoo gacanta kula jiro ” Fallagrante”, iyo inuu Boliiska iyo Nabad sugidda kuwa ka soo jeedo Digil iyo Mirifle oo ugu weyn Taliyaha Boliiska inuu u isticmaalo danahiisa gaarka ah, u soo xiraan, una garaacaan cid kasta ee uu u arko iney diidan yihiin Dulmigiisa.

  8. Waxaa sidaa u hadla ?????? ee reer caabudwaaq oo ka xun shariif Xasan siduu meesha uga saaray ????? ee jaadka ku dhexcunaayey madaxtooyada ee ????? yaaba is gaaray waa balan inuu kursiga madaxweynanimada ku fariisto oo aan idiin gumeeyno oo aad sida aad ugu adeegtaan reer puntland aad noogu adeegtaan anagaoo ah reer koonfur galbeed soomaaliya oo aan idiinka dhigno ??????.

  9. xasan says:

    shariif xasan waa nin qariban, laakiin article kaan ruun ma,ahaan. aduunka waxaa ugu daran dulanlow ah ninkii dulma.

  10. Sugel says:

    Jawaab;- Wixii ay awoodi weyday in ay qabato dowladdaasi, waa waajib saaran dadka Soomaalida ee maanta nool ama jooga qabashadeeda, dhinaca kale waxaa jira qorayaal fara badan oo Soomaaliyeed oo arrintaasi wax badan ka qabtay, diiwaankana galiyay suugaan fara badan oo aan horay u qorneyn sidaasi darteed ma jirto marmarsiiyo hartay oo arrintaasi ku saabsan.

  11. gedo boy says:

    kkk waxaan la yabanahay ninka wato axmed baudhabo niyow malin caday baad riyoonay saa lakiin riyada in la seexdaa ka horaysay mida kale yaad ismooday sow ma tihid nin kaal meeya goirmaadse ka baxday wa adiga bosasa inta lagaa soo tarxiila madaxa rinji lagaaga soo bufiya si adan u soo noqon. kkkk aduun war ileen tanoo kale waad arki war sow ma tihid ninkii?? la cunsiiyay maqaarka bakaartiina lagu faqay maxaadse rag is kula simaysaa sidii inaad dad la simantahay adeer ogow nina waxuusan ahayn ma noqdo sakiin kan aad melaha lo ordaysana meel gari mahayo adna shaqa daadii waad qabsan waana lagu xukumi

  12. ahmed says:

    waxaa la yiri hadii aadan xishoonaynin samee wixii aad doonto taas waxaa ku sifaysan sakiin waxaase igala yaab badan cida horfadhido oo dhagaysanayso waxaan uu ku hadaaqayo hadii sidaan uu caqli iyo garasho ka yahay asagaaba u baahan wax hago iska daa in uu umad hogaamiyee jahli waa lagu ogaa waa jaahil doqanimana waa kusiidarsaday marka waa ninka lagumagacaabo jaahil murakab ah waayo hadii aad jaahil tahay waa in aad isla socoto hadii aadan isla socon waxaad tahay jaahi murakab ah somalyaa baday kaa iyo wax la mid ah hadii ay ku haminayaa in ay hogaan u qabtaan اللهم ولي خيارنا ولا تولي شرارنا

  13. Sharmake says:

    K.k.k. Cidi kanixi laheyd iyo cidi kufarxi laheydba sadexda nin e kala ah sharif axmad iyo sharif sakin iyo c.wali gas mid kamid ah aya kuguleysandona dorashada maxa yelay barlamanka cusub nin walbo qeyb ayu kuleyahay o lacaga farabadan kubixiyey marka sadexdodaba waxba mel uyala o ey iskuhaleynayan