Home » News »

Maamulka Somali Central State oo dad masaakiin ah raashin ugu qeybiyey Balanballe (Sawiro)

Maamul goboleedka Bartamaha Somalia (SCS) ayaa raashin qeybin ka sameeyey degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, kaasoo ay ka faa’iideysteen qoysas danyar ah oo fara badan.

Deeqda raashinka oo ka koobneyd  Bariis, Baasto, Bur, Sonkor iyo Saliid waxaa ku deeqay hay’ad Turki ah oo lagu magacaabo IGMG Hasene, taasoo qeybintiisa u soo marsiisay maamulka Bartamaha Somalia, maadaamaa uu yahay maamul dadka deegaanka matala.

Mucaawinnadan waxaa loo qeybiyey boqolaal kamid ah dad masaakiin ah oo ku nool Balanballe, kuwaasoo qoyskiiba la siiyey raashin ku filay oo iskugu jira noocyada kale duwan ee deeqdu ka koobneyd, iyagoo ka mahad celiyey sida xilkasnimada ay ku dheehan tahay in maamulka SCS uu xil isaga saaray in uu dadkiisa meel kasta u galo oo uu deeq u keeno.

Madax ka socotay maamulka oo ka hadlayey goobtii dadka loogu qeybiyey cunnada ayaa sheegay in ay sii socota bixinta raashinka gargaarka ah, tanina ay kamid tahay dadaallada ay Somali Central State ku caawineyso dadkeeda.

Deeqda cunnadan ayaa qeyb ka ah kaalmooyin dhowr magaalo oo ka tirsan gobolka Galgaduud uu 24-saac ee la soo dhaafiyey ka qeybiyey maamulka Bartamaha Somalia si loo taageero dad tabaaleysan ee noloshoodu hooseyso.

Somali Central State waa dowlad goboleed ka shaqeyso Bartamaha Somalia, una taagan wax u qabashada dadkeeda iyo kala qeybqaadashada xaalad kasta oo ay ku jiraan.

Xafiiska Warfaafinta Dowlad Goboleedka Bartamaha Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

4 Jawaabood " Maamulka Somali Central State oo dad masaakiin ah raashin ugu qeybiyey Balanballe (Sawiro) "

  1. xaashi says:

    dadka halaga daayo beenta, 20tan kiish oo bariis ah jifo hoosana loo qeeybshay central state lagu taageeri maayo.

    Wabilaahi Towfiiq

  2. guul sade says:

    hadaa nahay dadka ku dhaqan balanbale aad iyo ad ayay umahad sanyiihin maamulka bartamaha somalia waxana laqeebiyay waxay ahaaye raashin looqeebiyay dad masakin ah oo deeganka ah waxan loo qibiyay sicadalad ah walalah turkiga ayagan way mahadsan yiihin dhaman dadka xaqa usodhicinay umada ayana jaa ifeen walala yaal waa mihim taaz

  3. gold price says:

    Xubnaha wafdiga oo uu madaxweynuhu horkacayo waxay xalay goor dambe ka dhoofeen magaalada Nairobi, iyagoo dhowr saacadood kadib gaaray Addis Ababa, waxaana socdaalkiisa ku wehliyey mas’uuliyiin maamulkiisa ka tirsan.

  4. waan salaamay dhamaan reer sade meel walba oo ay joogaan waxaan salaan gooni ah salaamayaa bahda http://www.allgedo.com
    Salaan dabadeed waxaa wax lala yaabo ah scs in wax ay soo gaarasiiyaan iska daaye wixii dadyowga kale jeebkooda ka soobaxay ay sii musuqmaasuqaaan tusaale tabarucaadkii caabudwaaq laga qeybiyay waxaa soo dhiibay safaarada Turkiga ee muqdisho saldhigeedu yahay ma is wiidiiseen dhaqaaalahaas imisuu ahaa? imasaa caabudwaaq la soo gaarsiiyay?
    waa cajiib kii meel yar isku magacaababa wuxuu raadinayaa in shacabkaas dhibaateesan madaxooda lagu qaraabto ilaahay dawlad rasmi ah ha nasiiyo.
    Mida kale kumeel gaar in laga baxay oo dowlad rasmi ah loo guuray miyaysan ogayn dadkaani mase waxba ma aqriyaan?