“WARMURTIYEED KASOO BAXAY QURBAJOOGTA WAQOOYIGA SOOMAALIYA”
August 23, 2012 – Shir teleefoon (Telephone Conference) oo ay (Qurbojoogta Waqooyiga Somalia) ku qabteen Lixda Qaaraaradood ee dunida waxay si weyn u taageereen Dr. Ali Khalif tartankiisa ah Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed ee la qaban doono bish August 26, 2012.
Dr. Ali Khalif waxa u leeyahay taariikh taxana ah ee u ku leeyahay Somalia iyo dunidaba. Dr. Ali Khalif waa barre sare oo Jaamacadeed ee dalka USA (University Professor). Waxa u ahaanjirey Raisalwasaarihii Somalia xiligii dagaalada sokeeye marxalad xun marayeen. Waa geesi hal adeeg leh oo aan waaban. Waa wadani rug cadaa ah oo danta Somalia ka horaysiiya dantiisa qof ahaaneed.
Dr. Ali Khalif waa nin si fiican iskugu xiri kara Barlamaanka Somaaliyeed iyo Barlamaanada dunida, gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka. Dadka Barlamaanka ku jira ayey dan u tahay in uu noqdo Guddoomiyaha Barlamaanka. Wuxu gaarsiin doonaa dadka barlamaanka ku jira hiigsiga qof ahaaneed iyo ka guudba.
Waxaan kula talinaynaa dhammaan xildhibaanada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in laga faa’iidayso aqoonta, waayao aragtinimada iyo kartiga qof ahaaneed ee Dr. Ali Khalif.
Qurbajoogta Waqooyiga Soomaaliya:
Guddiga Guud:
1. Mohamed Mohamoud Shirdoon
2. Anisa Hassan Walwal
3. Ruqiya Ali Ibrahim
4. Sulub Shirwa Raage
5. Malyuun Hussien Liibaan
6. Lukus Warsame Ali
7. Fariido Warsame Shire
8. Ibrahim Mohamed Muse
9. Saado Ibrahim Mohamoud
10. Ali Naaleeye Ugaas
11. Fahiima Muse Ismail
12. Hodan Raage Warfaa
13. Muse Hassan Ali
14. Riiraash Muse Bixi
15. Layla Darmaan Muse
———–
Hassan Abtidon
Afhayeenka Qurbajoogta Waqooyiga Soomaalia
audal2005@hotmail.com

Waan u hambalyanayaa Dr Galaydh Guul iyo Gobanimo ayaan u rajaynayaa
aad&aad ayaan u hanbalyeynaya dr ali khalif waana huba inu dadka dalka umada waxka badalayo insha alh
Asaga iyo ina adeerkiis Juurile kii guulaysta ayaan arkaynaa.
Sidoo kale aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa Prof:Galayr,waxaan leeyahay xildhibaanada Cusub ka faaidaysta fursadan qaaliga ah oo doorta prof:Galayr si uu wadanka u hormariyo idiinkana dhigo Xildhibaano Sharaf leh,ileen xildhibaanadii hore kuwo Sharaftii laga qaaday ayey ahaayeen oo shariif Sakiin ayaana masuul ka ahaa .
Guul Baan urajaynayaa Mudane Galayr.
GALEYR SAW MA AHAN ????? LACAGTA QARANKA SOOMAALIYEED XILIGII A.U.N. SIYAAD BARRE, MAANTANA RABA ISAGOO 70 JIR AH INUU U ???? USC, SOMALIYEEY MAGACAA BA MAXAA MAALINBA ???? NALOO KA DHIGAA GEESI ,WADANI, AQOONYAHAN.
KKK KKK KKK KKK KKK
Waxaan aad ula yaabanahay dadka ku tilmaamaya inuu yahay wadani ama halyeey u baahanyahay dalka iyo umaduba miyiidan ogayn ina galaydh inuu ahaa mas’uulkii soomaaliyeed ee u horeeyay
Ee dhac iyo boob u gaystay dalka inuu ahaa madaxna uu ka ahaa warshadii
Sonkorta ee marameereey uuna ka lunsaday hantia gaaraysa $5.milyan e dollar ????????????
KKKKKKKKKKKKKKKKKKK, ALLOW ALLE, INA KHALIIF GALEER MIYAA NOO AMAANTEE DHULBAHANTOW, MA WAXAA U MALEESEEN INAAN HILMAAMEYNO DHABARJABINTII UU KU SAMEEYEY ALLAHA U NAXARIISTEE MADAXWEYNE MAXAMED SIYAAD BARRE MARKUU XOOLIHII DOWLADA LA BAXSADAY, WAXAA KU XIGAY MARKII CABDIQAASIM SALAAD XASSAN UU LACAGTA INTUU KA XADAY HADANA SHEEGTAY INUU QAATAY, WAR NIMANYAHOW KEENA QOF DAMIIR LEH………….