Home » News »

Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo falanqayn ku sameeyey Garoonka C/waaq (Daawo Video)

Barnaamijka daldhis ee ka baxa telefishinka caalamigaa ee Somali channel oo uu daadihiyo saxuufiga ku caan baxay horumarka iyo danaha guud ee umada Soomaaliyeed inuu wax ka yiraahdo, wariye Abuukar Cawaale Liibaan ayaa todobaadkan falanqayn ku sameeyey sida habsimada leh ee uu u socdo dhismaha garoonka Caabudwaaq.Waxaa barnaamijka marti u ahaa aqoonyahan Cabdullaahi Cabdisalaan Ashkir (Garoon) oo ah aqoon yahan xog-ogaal u ahaa dhismaha garoonka Caabudwaaq iyo Deeqo Axmed Kulan oo ah af hayeenka urur haween ee ka dhisan magaaladan London ee dalkan Ingaiiska.


Garoonkan Caabudwaaq oo mudooyinkan uu socdo dhismihiisu waxaa iska kaashadey dadweynaha ku nool waqooyiga Galgaduud iyo qurba joogta kasoo jeeda deegaandaas, haddana waxuu ku socdaa dhismihiisu sidii loogu tala galay, balse waxuu u baahan yahay in la siiyo gacan dheeraada sidii lagu dhamaystiri lahaa.

Hadaad u baahan tahay inaad gacan ka gaysato dhamays tirka dhismaha garoonka Caabudwaaq, fadlan waxii taba rucaad ah ugu hagaaji dhamaan xawaaladaha Soomaaliyeed adoo ku qoraya (Dhismaha garoonka Caabudwaaq).

Waxaan aad ugu mahad celinaynaa maamulka iyo shaqaalaha Somali channel oo mar walba u taagan taageerada iyo horumarinta dadka iyo dalkooda hooyo, taasoo ay ku mutaysteen amaaan gaara.  Waxaa kaloo mahad celin gaara leh Abwaan/saxuufi Durraan Cabdullaahi Shirwac oo lahaa isku duba ridka iyo soo saarida barnaamijkaan ku saabsan garoonka Caabudwaaq, todobaadyada soo socdana Telefishinka HCTV ka samayn doona barnaamij kan la mid ah insha-allaah, kaasoo lagu soo dul qori doono Accountiga garoonka Caabudwaaq oo aad tabarucaada ugu diri kartaan.

Haddaba, ila daawo barnaamijka Daldhis ee ka baxa telefishinka Somali Channel warbixintii iyo wareysiguu ka diyaariyey dhismaha garoonka Caabudwaaq hada ka socda oo ah midka ka muuqda Video-ga hoose:

———–

Maxamed Abukar, London/UK.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Barnaamijka Daldhis ee Somali channel oo falanqayn ku sameeyey Garoonka C/waaq (Daawo Video) "

  1. zakia says:

    maansha alaah iskaa wax uqabsa waa in an kudhisana dhulkeena somaliyey!!! intaay dhisaayeen dhul shisheeye ganacsatada somaliyeed cuqbadii dalkaaba haysata somaliweyn waayo dhulkii oo ubaahan bay dhiseen dhulshisheeye hadda waa in anu isdabaqabanaa si dalkeena aan udalxiisnaa soomalinima aan udhisanaa dhulka fadlan nagana dayaa gobal gobalaysigaa 18kii gobal ay dowlada somaliya katagtay midba mar hala dhisa wareeg ha noqoto dhismaha iyo waxbarashada iyo horumarka gobalka.com

  2. silver price says:

    Xubnaha gudiga dhaqaalaha oo lahadlay dadwaynihii soo xaadiray munaasabad ayaa usheegay in ay arkaan dadku waxqabadkii laga sameeyay gudaha garoonka kadib markii gudiga ay dhaqaalo ka heleen bulshada Cabudwaaq iyo Qaar kaid ah Qurb joogta.