Gudoomiyaha Xisbiga DPS Eng Maslax Maxamed Siyaad Barre ayaa lagu wadaa inuu Maalmaha soo socda magaalada Muqdisho Soo gaaro halkaasi oo ay ka socdaan ololaha doorashada Madaxweynanimada Soomaliya.
Qabanqaabo aad u sareysa oo lagu soo dhaweynayo Eng Maslax Maxamed Siyaad ay ka socota Caasimadda Mugdisho, waxaa warku intaa ku darayaa in Eng Maslax uu casho u sameeyay dad isu jirra waxgaradka somaliyeed ee kunool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Maslax wuxuu dadkii meesha isugu yimid u sheegay in uu ilaahay ka ragaynayo in ummadda somaliyeed ay qaranimo buuxda hesho isla mar ahaantaasna ay ka gudubto xilligan kala guurka ah.
Eng Maslax Siyaad Barre oo hadda ka hor ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimo ayaa ku biiraya musharaxinta kale ee ku sugan Muqdisho, isagoo loo arko inuu ka mid yahay musharaxiinta cul-culus ee safka hore kaga jira rajada madaxweynanimo.
Xisbiga DPS ee gudoomiyaha ka yahay Maslax ayaa ah xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horeeyey xisbiyada tar-tamaya, taagerayaal badanna ku leh gudaha dalka iyo dibadda iyo waliba dowladaha deriska ee ilaaliya amaanka wadanka Soomaaliya.
Eng Maslax ayaa hadda ka hor u tar-tamay xilkaas isagoo noqday mid ka mid ah labadii musharax ee tar-tanka ku soo hartay, helayna codkii ugu badnaa ee baarlamaanka, marka laga reebo xildhibaano arimo siyaasadeed loogu soo biiriyey si Sh Shariif uu madaxweyne u noqdo.
Ashkir Ali (Birike)
ashkir.ali@gmail.com
Columbus, Ohio

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.