Waxaa Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beelaha Digil iyo Mirifle aad iyo aad uga shakki qabey Xiriirka ka dhexeeyo Taliyaha Ciidanka Boliska Jen. Shariif Sheekhuna iyo Shariif Xassan Sheikh Aden (Shariif Sakiin) oo gaarey iney ku sameeyaan Beelaha Digil iyo Mirifle wax aan weligeed lagu arag , laguna maqlin Taariikhda soo jireenka ahaa ee Digil iyo Mirifle oo ka mid ahaa iney u awood sheegtaan Dhaqankii Beelahaas, soo magacawdaan Dhaqan Bug ah, Xildhibaano sidaas oo kale oo ay xoog ku keensadeen iyo xarig, jir dil, iyo handadaad sharci darro ku saleysan oo ay u geysteen niman shacab ah oo aan awood haba yaraatee ay isku difaacaan lahaynin.
Haddaba qeylo dhaan badan oo aan dhegna jalaq loo siinin ayey sameeyeen Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Digil iyo Mirifle oo Dulmigaas ay u gudbiyeen Xafiis kasta laga soo bilaabo kan UNPOS, Golaha Amaanka, EU-da, AU-da, IGAD, AMISOM ilaa iyo haddana ay wadaan kana hari doonin ilaa ay ummadda Somaliyed ku tusaan dabin daabyada iyo dembiyada ay sida wadajirka ah u maleegayaan labadaan Shakhsi oo manta ILAAHEEY SWT kashifey Sirtooda iyo Shirqoolkii ay damacsanaayeen iney ku fuliyaan falalkii ay ku eedeeyeen Masaakiin iyo Dhaqankii ay dulmiyeen oo ahaa iney ku yiraahdeen waxaad tihiin Shabaab, taasoo manta ay beenowdey ka dib markii hub fara badan oo ay ku keydsadeen guri aan ka fogeyn Madaxtooyada oo manta AMISOM iyo Nabad Sugidda qabatey, ayna isku dayeen iney difaacaan.
Arrintaan oo ay manta qoreen Websiteyada Soomaaliyeed Qaarkooda sida Baidoanews.com, WAAJID PRESS iyo kuwo kale ayaa naxdin iyo amakaag ku beertey Somali badan, laakin Aqoonyahanada Digil iyo Mirifle shakkigaas horey ayey u qabeen inuu jiro xiriir hoose oo u dhaxeeyo Taliyaha Boliska Shariif Shekhuna, Shariif Xassan iyo dhallinyaradii Shabaabka ahayd oo ay keeneen Muqdisho kana keeneen Gobollada BAY iyo Bakool iyo Shabeelaha Hoose oo ka dib markii Xamar ay ka baxeysey Kooxdaas ay dhowr Guri ku xareysteen Hubkooda, dhallin yaradan dharka caadiga ah loo labisey, qaarna lagu darey Boliiska, qaarna ilaalada Xariifka sidaasna ay weli ku joogaan Muqdisho oo haddii ay AMISOM iyo Nabad Sugidda Somaliyed tallabo adag ka qaadi waayaan khatarteeda ay yeelan karto hawsha ay wada haayaan Taliyaha Boliiska iyo Shariif Xassan.
QORAALADA AY WARBAAHINTA BAAHISEY WAA KUWAAN:
Waajid Press waxay qortay: War deg deg ah: Hub uu lahaa Aadan Saran Soor oo Amisom qaadatay kaddib markii lagu soo basaasay
Baidoanews waxay qortay: Hub uu lahaa Aadan Saran Soor oo Amisom qaadatay kaddib markii lagu soo basaasay
August 25, 2012
WAAJIDPRESS: Aadan SARANSOOR oo KA soo jeeda Digil IYO Mirifle ahaana Taliyaha Ciidamada RRA ayaa maanta Gurigiisa weyn oo ku yaala Madaxtooyada SOOMAALIYA agteeda AY AMISOM TAGTEY kana soo bixisey Hubkii ugu badnaa EE shakhsi laga qaado.
Hubkan aad IYO aad u faro badan oo noocyo kala duwan leh ayaa loogu tegay guri ku yaalla degmada Wardhiigley oo dhowr tallaabo u jira xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kaasoo uu Lahaa Aadan Saransoor.
Guriga hubka laga helay ayaa beryahanba waxaa ka taagnaa dood ku saabsan lahaanshihiisa kadib markii qoyskii iska lahaa oo mudo dheer dibadaha ku maqnaa oo dhowaan soo laabtay ay u dacwoodeen in gurigooda la siiyo.
Waxaana ugu dambeyntii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in guriga laga saaro rag hubeysan oo ilaalo u ahaa Aadan Saransoor oo guriga ay dejisay dawladii Madaxweyne C/laahi Yuusuf .
Hawlgal labo maalmood qaatay oo ay fuliyeen ciidamada nabadsugida Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeyntii ay ku suurtagashay in guriga oo u dhow safaaradii hore ee Yemen laga saaro dadkii ku jiray, waxaana qoyskii iska lahaa ay dalbadeen in la baaro guriga si loo hubiyo wixii qalab ah ee ay dadkii hore u deganaa guriga iska leeyihiin si aysan dacwad kale uga imaanin, waxaana baaritaankiisa uu sababay in qeybo dhan oo guriga ka mid ah laga helo hub noocyadiisu kala duwan yihiin oo ku keydsanaa. Noocyada hubka iyo tiradiisa Saraakiil ka qeybqaatay hawlgalkaasi oo WAAJIDPRESS u waramay ayaa faahfaahin naga siiyey tirada hubka iyo noocyadiisa, kuwaasoo kala ah sidan;- - Qoriga DHSK = 125 Xabo - Qoriga BKM= 250 Xabo - Qoriga RPG = 300 Xabo - Qoriga AK47 = 300 Xabo - Qoriga Hoobiyaha = 222 Xabo - Bambooyinka gacanta (F1) = 3,200 Xabo - Rasaas aad IYO aad u fara badan isuguna jirta noocyada kala duwan.
Muranka ka dhashay hubka:
Sida saraakiisha u sheegeen BANA , intii hawlgalka hubkan lagu soo qabtay uu socday waxay ciidamada nabadsugida la kaashadeen ciidamada AMISOM gaar ahaan cutubka Uganda ee ilaaliya madaxtooyada, waxaana su’aalo la weydiiyey qaar ka mid ah ilaaladii hore ee guriga u joogtay intii uu deganaa Aadan Saransoor iyadoo hubka iyo rasaastii loo daabulay madaxtooyada Villa Soomaaliya oo lagu hayo illaa hadda.
Dood xoog leh ayaa arintan ka taagan illaa hadda kadib markii taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye oo KA soo jeeda TUNNI-DIGIL IYO MIRIFLE iyo Aadan Saransoor oo wada socda ay u dacwoodeen AMISOM iyagoo sheegay in hubka lala wareegay uu ahaa hub beeleed lana soo celiyo, arintaasoo AMISOM weli ka biya diidsan.
Madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha booliska Gen Sheekhuna Maye oo aad isugu dhowaa ayaa iyaguna hadda ku kala tagay arinta hubkan laga helay meel u dhow madaxtooyada, waxaana wararka qaar ay sheegayaa in madaxweynuhu amaray in xilka taliyaha booliska uu sii wado taliye ku xigeenka booliska illaa inta doorashada madaxtinimada ay ka dhacayso oo dawlada cusub xilka kala wareegeyso.
Saraakiisha Villa Soomaaliya waxay kaloo codsadeen in la baaro halka hubka uu ka yimid markiisii hore iyo ujeedada loogu keydiyey guri ku dhow madaxtooyada.
WAAJID PRESS waxay isku dayday inay arinta hubka wax ka weydiiso saraakiisha sare ee AMISOM, hase yeeshee way ka cudurdaarteen ka hadalka arintan maadaama weli muran uu ka jiro hubka lala wareegay. Arinta waxay u eg tahay in muranka ka dhashay hubka lagu xiriirinayo loolanka doorashada ee hadda u dhexeeya masuuliyiinta hore ee DKMG ah oo dhamaantood ah musharixiin.
Arrintaa markii ay soo shaac baxdey ayaa shir khadka telefoonka ay ku yeesheen Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Beesha Digil waxey isku raaceen iney si buuxda uga soo horjeedaan Shakhsiyaadka lagu qabtey mu’aamaradaan oo Hubka intaas la eg oo Halistaasna yeelan karo in lagu sababeeyo arrin BEEL, waxeyna taageereen tallaba ay Nabad Sugidda iyo AMISOM uga hortageen kuna soo qabteen hubkaas oo Ujeeddo aad iyo aad u weyn laga lahaa, halis bandanna u keeni kartey Madaxtooyada iyo Siyaasadda Somalia oo dhan.
Waxgardka iyo aqoon-yahanka ayaa waxey ku baaqayaan in tallabo Sharciyeed laga qaado intii ku Lug yeelato dembigaas oo ah isku dayga khal khal gelinta Nabad Gelyada Madaxtooyada iyo tan Qaranka Somaliyed oo weliba ay ku lug yeesheen Taliyihii Ciidanka Boliska iyo Afhayeenkii Baarlamaanka oo labadoodaba ka mid ah Xubnaha TFGda ee Federaalka ah oo ilaa iyo manta iyagoo ka warhaaya u soo tabinin Hay’adda Nabad Sugidda iyo AMISOM Hubkaas, haddii ay barista dhamaatana si deg deg ah Maxkamad loo soo taago.
————-
Salax Jaamac Aden
salahjama16@yahoo.com

Hubkani waxaa iska leh beesha hadame-mirifle, waxaa laga bedbaadiyey alshababta 6 gobal ee MAAYLAND in ay lawareegaan.waxaana looga talagaley inlagu halaago haraagii ???? siyaad bare ka soo hiyaamey cabudwaaq.hadda hubkaasi waxaa laga wareejey ugaaska beesha hadame marki dhaatey baaritaanka, itoobiya ayaa u soodirtey diyaar waana baydhabo ayaa loowadaa. Ogow kuwa cuqduda ku jirta sikhaldan wax u fahamsan, in aad baaba doonta. Sharif xasan iyo sharif shekhuna way isgabtaagan waxeyn ku fikiraan sidii loo samata bixin lahaa guud ahaan dadka somaliya gaar kuwi ka soo hiyaamey col iyo abaar cubudwaaq.
Ani ahaan tey wxy illa thy wx wanaagsan ama horumar usoo hoyday umada soomaaliyeed Maye iyo Sakin wxy rbeen inay mrkii xilka lagaga guuleysto beeshooda ay qarxiyaan xarunta Madaxtooyada lkn Alxamdulillah Alla fashiliyey insha Allah Somaaliya way is raaci doontaa doorashada kdib
siyasadu waa ujeedo badan mar walbana dhinaca wanagsan aya laga eega cali qalif galeyr waa nin ku haboon gudomiyenimada golaha barlamanka madama u yahay shaqsi si weyn loga dhax yaqan bulshada dhaxded hadaba madama siyasada somaliya ay fure u noqotey golaha barlamanka ayan waxan cali qalif u rajeyna jagada gudomiyaha barlamanka
macalin weyn waa macalin aanan far soomaaliga aqoon sida loo qoro
macalin school aad far soomaaligana Baro
cabudwaaq wayba kaa fogtahye maxaad u aaday?
siyaad barre waaba dhintay qof dhintayna lama caayo waa loo duceeyaaye
xiligii uu dalka xukumayayna waaba hogaamihii idin baray sida loo xirto dharka becouse waadba qaaweneydeen
jiraabkiina haraga ahaana wuu idinka dhigay.
macalinweyna ma aha fikirkaan ee waa qof isku qarinaya laakiin ogow in macalinweyne haraadigii siyaad kamid yahay waxaad kaloo ogaataa haraadiga hadal siyaadeysan wey fahmi karaan waxba dadka ha isku dirin jaaniskii dadka la isku diri jirey qaab beeleed wuu dhamaadey shariifkaan hada waxba ka oran maayo isaguba waa og yahay in malez dhintey jaanis kale oo ama aqoon ah ama daacadnimo iyo soomaalinimo ah horey uma lahey isdabamarina cabaar bey usoo shaqeysey hada waxaan dhihi karnaaa wixii hore allaha ka cafiyo wax danbe cidi udhiiban maysee
Hubka int as le,eg waa layaabe ma qosba heystay?maya,maya jawaabta wa maya waxba fashilmay.lakii waxad ogaataan ninka bilabay comments waa nin arinta xog ogaal u ah.oo u bahan in wax laga weydiiyo.haddii arintan si dhab ah loobarana Sharif sakin ,sharifuna iyo Aden saransoor wey kaweyn tahay sheekada.ragii hubka ku digaalami laha iyo c/nka beeleedba diiyaar bayihiin.allow no naxariiso.
Walaal anaga haraadi ma aha ee waqti hore waxaa ka yimid somaliland dhalasho waa isaaq. Haraadi waa Daarood.
Warkaan waa la og yahay inuu yahay mid xaqiiqda aad uga fog waxa dacaayaddan faafinaya waa rag markii ay danahooda siyaasadeed waayeen siiba in xil looga magacaabo baarlamaanka cusub isla markaana rag ayaga la dhashay in laga dhigo oday dhaqameed, in kastoo aysan habbonayn inaan magaciisa halkan ka xuso shaqsigaas oo waxaa idinku filan inaad dib u dheehataan qoraaladii hore uu u qoray oo uu ku sheegayay in Suldaanka beesha uu shaqsigan ka soo jeedo oo ah walaalkiis laga hor istaagay inuu shirka galo, iyo weliba inay arrintaas dacwado ka gudbiyeen isagoo weliba shaqsigaas mar walaba magac been ah iyo mail cusub uu u isticmaalayay qoraaladiisa oo weli ku jira bogagga internetyada qaarkood tusaale ahaan mar wuxuu isticmaalay magaca ah Maxamed Sheegow Aw-Gaduud emailkana M.Sheegow@Gmail.com mar kalena Omar S. Omar emailkana omars004@yahoo.com . maantana wuxuu la yimid magaca ah Salax Jaamac Aden emailkana , salahjama16@yahoo.com, Illaah wuxuu quraankiisa noogu sheegay marka qof faasiq ah uu war noola yimaado inaan marka hore iska hubino warkaas inta aynan qaadan oo aan ku degdegin ka hor, soomaalina waxay ku maahmaahdaa Hubsiimo hal baa la siistaa.
Fallooyinka halkaan lagu soo qorey waa is-khilaafsan yihiin , waxaadna moodaa in koox kasta ku cabireysa faaladeeda iyadoo difaaceyso danaheeda taasoo micno beel ku rideysa Xaqiiqda iyo Siyaasad ku sheegta ha socota Somalia, aniga waxaan u kala saarayaa sidatan:
DACDO KU SALEYSAN XAQIIQDA OO KALA AH:
1) In Guri ku dhow Madaxtooyada laga soo saarey Hub aad iyo aad u fara badan oo halkaas uu ku qarsadey Shariif Sakiin , lana ogaa Shariif Sheekhunaa oo ahaan jirey Taliyaha Booliska ( Hadana si KMG ah looga qaadey Xilkaas), hubkaas oo haba yaraatee aan Dawladda , nabadsugideeda iyo AMISOMba aan ka war haynin.
2) In Hubkaas markii la qabtey ayna soo qaadatey AMISOM iney Shariif Sakiin iyo Shariif Sheekhunaa an Khadka telefoonka ku wada hadleen, kuna heshiiyey iney dhahaan Hubkaan waxaa iska leedahay Beesha Eelaay una sii haayey Mr Sararnsoor oo guriga Ijaartey, gurigaas oo iska lahaa muwaadan Somali ah , kana soo jeedo Beesha Sacad oo muddo badan dawcad loo soo xukumey in loo fuliyo ugu tagey Shariif Sheekhuna oo SI CAD UGU DIIDEY FULINTAAS ISAGOO KA BAQAAYA UN HUBKAAS KASHIFMO.
3) In Hubka markii la qabtey Shariif Sakiin iyo Sheekhunaa iyagoo wada socda u tageen AMISOM kuna yiraahdeen hubkaan hanala siiyo waxaa iska leh Beesha Digil iyo Mirifle, taasoo la yaab ku noqotey AMISOM oo ilaalisa Madaxtooyada oo aan weligeed loo sheegin Hubkaas halista badan oo hoostooda lagu jaystey Sanooyin.
4) Waa arrin dhacdey in suldaankii Beesha Tunni qori caaraddiisa loogu soo saarey Shirkii Dhaqanka laguna beddeley ninka la yiraahdo JAALLE XAYDAR oo ay Shariif Sheekhuna yihiin ilmo Adeer sidaasna xaqqii Beesha Tunni ay uga takrifaleen laba xariif iyagoo weliba Dhaqankii kale ee Beesha ku eedeeyey iney yihiin Shabaab iyo Al Qaacida sida ku cad dacwaddii uu Sheekhunaa u gudbiyey Maxkamadda Sare iyo Warkii lagu soo faafiyey Bogga Raadiyo Muqdisho iyo Marka caddeey oo cinwaankiisu ahaa ” Taliyaha Ciidanka Booliska oo beeniyey Warar ay qoren Websideyada Qaarkood” una hadlaayey Jen, lagu magacaabo MADAALE oo la yiri isaga ayaa loo wakiishey inuu dacwad ku oogo SULDAAN FAQI SAID SLDAAN FAQI iyo dhaqankii diidanaa dulmiga ay sameeyeen sheekhuna iyo sakiin.
5) Suldaan Faqi miyuu lahaa HUBKAAS la qabtey ? Ma u doodey makii la qabtey, mana ka hadley ? Jawaabtu waa MAYA.
ARRINTA DICAAYADAHA IYO DIFAACA RAKHIISKA AH:
Waa tan hadda ninka isku sheegey Xassan soo qorey oo ah in arrintaan ay been abuur tahay iyo iney garanayaan cidda soo qortey, ma waxey leeyihiin WAJID PRESS iyo Baidoanews baa iska leh Suldaankii Tunni oo ay awoodda u sheegteen Shekhuna iyo sakiin mise dad kale?
Ma dhicin miyaa in Hubkaas ay AMISOM iyo Nabad Sugidda soo qabatey, iyo iney Shariif Sakiin iyo Sheekhuna oo ogaa hubkaas iyo waxii ay ka damacsaanyeenba iney codsadeen in Hubkaas loo soo celiyo? Sow arrintaas Dembi ma han miyaa ? Yaase galey?
Aawey Ciidankii ku dagalai jirey Hubkaas , xageey aadeen ?
Muxuu Taliyihii hore ee Booliska oo ka mid ahaa Guddiga Nabad Gelyada Dalka ugu sheegi waayey Hay’adaha Nabad Sugidda Dalka, AMISOM inuu jiro Hubkaas ?
Baroorta Orgiga ka weyn ee ” Labadaas Qofood waa in si deg deg ah loo baaro arrintooda, hubka kale ee Xamar ay ku haayaana laga soo saaro, lana eedeeyo, Maxkamadda Ciidamadana si deg deg ah loo saaro, haddii dembigaas ku cadaadana si deg deg ah loo toogto.
waxa uu yahay hubkan, ujeedada loo dhigay guri u dhow madaxtooyada, waaaaa arin la ogyahay, hubkii hadda gacan kale ayu ku jira, waxa dhabta ah ee jirana shacabka mar dhow way ogaan doonan. waxaaas wax ka daran aya qarsoon,… Warjiraaba Cakaaruu Imaaaan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
waxa uu yahay hubkan, ujeedada loo dhigay guri u dhow madaxtooyada, waaaaa arin la ogyahay, hubkii hadda gacan kale ayu ku jira, waxa dhabta ah ee jirana shacabka mar dhow way ogaan doonan. waxaaas wax ka daran aya qarsoon,… Warjiraaba Cakaaruu Imaaaan!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
DALKA DAD KALE AYA DANO KA LEH, Howshooda ayeyna wataan…….
Saaxiib Dr C S F adigaba yaa kaa hortaagan inaad wax baartid oo aad xirtid dadka aad leedahay danaheyga iyo damacayga ayay hor yimaadeen.wa haddii sida aad ku anadacooneysid aad tahay qof muwaaddin ah. Xaydar weligii suldaankiina ayuu ahaa waan seeddigaa oo ay walaashaada u dhaxdo ee ka xishow. Cudurka ku haaya ee waalida ahna cid kale hakula galgalan ee daawadiisa raadi, marka hore tolkaaga ka dhex raadi haddii aad ka weysidna . Internet aan wax raadraac ah lahayn oo habar walba sidey doonto ay wax ugu qoreyso wax ka soo qaad ma laha. Teeda kale ogow marka qoraal uu daabaco hal qof inta kalen kii ayuunbey koobi ku sameeyaan.
Ninka aad leedahay waa la xiray ama shaqo ayaa si KMG ah looga fariisiyay waa kee sow kii aan shalay aan shaashadaha TVyada ka arkayney ma ahan isagoo howlihii uu qaranku u igmaday wada.