Home » News »

Afhayeen u hadlay Xisbiga DPS oo beeniyay in uu guddoomiyaha Xisbigaas Gen. Maslax Maxamed Siyaad Bare musharaxnimadiisii uu cid kale uga tanaasulay (Dhageyso wareysi)

Kaddib markii ay maanta qaar ka mid ah aalahadaha warbaahinta faafiyeen war sheegayay in guddoomiyaha Xisbiga DPS Gen. Maslax Maxamed Siyaad Bare uu musharax-nimadiisii uga tanaasulay musharax kale ayaa waxaa arrintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga DPS Dhaqane Maxamed Raage.

Dhaqane Maxamed Raage oo maanta asaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya lasoo xariiray Shabakadda warbaahinta Allgedo Online ayaa waxuu been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay wararka sheegayo inuu Guddoomiyaha Ururka DPS Gen. Maslax Maxamed Siyaad Barre musharaxnimadiisii madaxweyne-nimo uu cid kale uga tanaasulay.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga DPS ayaa waxuu sheegay in ay ololahoodii musharaxnimo sidii caadiga ahaa u wataan, dhawaana uu Gen. Maslax Muqdisho tagi doono si uu uga qeyb qaato tartanka uu ugu jiro sidii uu ugu soo bixi lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

  Halkaan ka dhageyso Dhaqane Maxamed Raage oo beeninaya wararka sheegayay inuu Guddoomiyaha Xisbiga DPS Gen. Maxlax Maxamed Siyaad Bare musharaxnimadiisii madaxweyne-nimo cid kale uga tanaasulay.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Afhayeen u hadlay Xisbiga DPS oo beeniyay in uu guddoomiyaha Xisbigaas Gen. Maslax Maxamed Siyaad Bare musharaxnimadiisii uu cid kale uga tanaasulay (Dhageyso wareysi) "

  1. runsheeg says:

    waa yaabey waxanba is idhi maraxaan ayaa isqilaaf ka gudbey, warkan ayaa cadeeneya mareexaan inusan wada taagersaneyn furmaajo.

  2. col gorgor says:

    gulayso gulayso abahaa ala ha unaxariiste waxuu aha muwaadiin wadaniya hoganka qaboo waxaan ahhay xiisbigaaga waxaan joga iswidhan imalkayga wa sade571@hotmail.com

  3. A.A.Xade says:

    Hanqaltaag ninkii abbihii waayo soo hodaye.
    Sidii uu Halyaay yahay Hadeer dalab Hoggaankiiye.
    Nin Hagraday adoogii dalkaa kuma Halleeyeene.

    Haybtii Horuu daba socdaa iyo Hanadki Daaroode.
    Hubkii uu Hantiyey wiilki yiri yeeyda iga hooya.
    Haddii loo Hammuunqabo Haddeer waa ba’ iyo Hooge.