Home » News »

Beesha reer Bicidyahan oo digniin culus u dirtay Ex Col. Abdullahi Gafow Maxamuud

Ku:  Agaasimaha Ciidamada Nabadsugida DKM, Muqdishu
Ku: Ex Col. Abdullahi Gafow, Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Muqdishu
Ku: Odayaasha iyo waxgaradka beesha Murursade, Muqdishu, iyo Ceelbuur
Og: Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Muqdishu
Og: Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya
Og: Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland
Og: Danjire Augustine Mahiga, UNPOS, Muqdishu
Og: Saxaafadda madaxabannaan ee Soomaalida

Shir ay jaaliyadaha beesha reer Bicidyahan (Cali Ibraahim) ee ku yeesheen teleconference iyo wada-tashi lala sameeyey odayaasha iyo waxgaradka beesha ee ku dhaqan Gaalkacyo iyo gobolka Wardheer, isla markaasna iyadoo la tixraacaayo baaq ay shalay magalaada Gaalkacyo kasoo saareen waxgaradka iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland. Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa inuu maanta na soo gaaray warar sheegaaya in ragga aftuubka ku haysta Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil oo uu hogaamiyo Cabdullahi Gaafow ay qorsheeyeen inay khaarijaan Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil. Sidaasi darteed, waxaan halkaan kusoo bandhigaynaa fariin culus oo ku socota taliyaha Nabadsugida dawlada Shiikh Shariif:-

1.  Marka hore waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in hadaan nahay beesha reer Bicidyahan (Cali Ibraahim) in maleeshiyo beeleed uu hogaamiyo Cabdullaahi Gaafoow Maxamud ay si qabiilnimo iyo xaqdarro ah u aftuubteen Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.

2.  Waxaan madaxwayne Shiik Shariif la socodsiinaynaa inuu tilaabo deg deg ah ka qaado falka guracan ee laga afduubtay Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil isla markaasna haddii uusan tilaabo cad qaadin in markaas inuu asagu mas’uul ka yahay sharafta iyo badbaadinta nolosha Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.

3.  Waxaan beesha Murursade ee uu kasoo jeedo Cabdullaahi Gaafoow Maxamud aan si cad ugu sheegaynaa inay beel ahaan iyagu qaadi doonaan wixii dil am dhaawac loo gaysto Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil

4.   Waxay beesha reer Bicidyahan balanqaadaysaa in haddii aan muddo 24 saac ah uusan Gaafow, iyo xulafadiisu aysan afduubka soo fasaxin inay markaasi beeshu qaadi doonto tilaabo ciidan oo si wayn looga wada fajaco.

5.  Sidaasi darteed, waxaan Gaafow iyo xulafadiisa la socodsiinaynaa inaysan dhayalsan digniintan culus waayo taariikhda kama dhicin mana dhici doonto in qof beeshan ka tirsan inbaad, dulmi, cago-juglayn iyo af-duub lagula kaco, waxayna beeshu qaadi doontaa tilaabo culus oo ay waajib ku tahay inay ku badbaadiso sharafta xildhibaanka la afduubtay iyo tan beelaha Puntland.

6.  Madaxwaynaha Puntland waxaan ugu baaqaynaa inuu bayaan cad kasoo saaro arinta waxashnimada ah ee lagula kacay Xildhibaan Cabdibarre Yusuf Jibriil.

7.  Ugu danbayntii beesha reer Bicidyahan waxay la socodsiinaysaa ciidamada AMISOM, IGAD iyo xafiiska UNPOS in nabadgelyada iyo nolosha Xildhibaan Cabdibarre ay tahay mid khatar ku sugan isla markaasna aysan maanta Muqdishu joogin ciidamo Soomaaliyeed oo dhexdhaxaad ka noqon kara nolosha shacabka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdishu isla markaasna ay Muqdishu noqotay meel dad gaar ah sheegteen.

Gudiga ilaalinta sharafta iyo karaamada beesha Reer Bicidyahan
bicidyahaninfo@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

8 Jawaabood " Beesha reer Bicidyahan oo digniin culus u dirtay Ex Col. Abdullahi Gafow Maxamuud "

  1. A.A.Xade says:

    Baxiidyahanow, Murusade minankiisi joogo miciyo libaax ayuu leeyahay saa ina Maxamuud Khaliif shire oo Mareexaan ahba inta harcad si gardarro ah aay km4 ugu toogteen ayaay diideen in aay beeshiiniina ka garbaxaane.

    Marka waxaan ku talin lahaa, in sii daaynta ninkiinu aad u martaan, waxa isku sheega beesha caalamka ee meesha jooga, hanjabaaduna aad dib u dhigataan, saa nin ninkuu dilay ka garbixi waayey mid nool oo uu godadkiisii la galay ka garbixi mahayee.

  2. Koshin Farax says:

    A.A.Xade, Saaxiib

    Why ayaad ????? iyo ??????? usimaysaa, Ina Maxamuud Khaliif waa nin Reer Siyaad ah maad intaa sheegtid, Maxaad Magaca Guud uga bilowdaan, Gacantiina ayaad isku tooganeysaan, isgaabintaa waa waxa 14 Kursi Kaliya la inoo siiyay.

  3. Guure says:

    Baryo Soomaaliya waa ka dhamaatay, qaasatan reerka ninka afduubay u malaynmaayo in baryo wax looga keenayo.

  4. Xildhibaankan oo kasoo jeeda Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu u xiran yahay arimo Siyaasadeed ,iyadoona aanasi rasmi ah loo shaacin cida Xirtay Xildhibaankan Cusub iyo sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya Xarigiisa.

  5. Hadii aan 24saac lagu sii deeyn Xildhibaanka sharafta leh, waxaa ka dhici doonta, dalka soomaaliya dhacdo aan horey uga dhicin aduunka intiisa kale iyo aakhiro toona, waxaan ku baaqayaa in deg deg lagu siidaayo Mudane Xildhibaan Abdi bare jibril…

    By:

    Uuun Aakhiro,

  6. run sheeg says:

    waa aduun dhamaad ah majeerteen u hanjabaaya murursade xamar jooga haddii aydan lacag madax furasho laga bixin ninkaas reerkiisa makusoo laabanaayo ee waxaa idin wanaagsan inaad madxfurasha dhiibtaan

  7. Caydiid says:

    xildhibaanka waxaa xirtey dawladda dawladdana qabiil ma aha
    ilaa iyo hadda sababta loo xirey ma oga ninkan dhaaranaya waliba qabyaalad iyo waxaan loo baahneyn ayuu adeegsanayaa
    annagoo reer hebel ah iyo iyagoo reerkaas ah waa fikrad raqiis ah markey sheekadaas socotey wixii kaa raacey waad ogeyd armey kuu roon tahay in aad sheekadaas ka baxdo xamar maanta kuwo xildhibaanka ka qiimo badan xagga darajada oo qabiil walba leh ayaa jooga cidna uma afduubna…….in la caytamaa waa gardarro..yuusan hadal kaa dhicin markaad leedahay “adduun iyo aakhiro waxaan ka dhicin ayaa dhacaya” this translates your ignorance. NO HARD FEELING, JUST COMMENTING
    your brother in-blood
    Aydid

  8. Reer Maxamuud says:

    Waxaan kulatalinaynaa Beesha aan walaalaha nahay ee reer bicidyahan inaanay wax dagaala qaadin oo iska siiyaan wixii madax furashaa oo ay Mooryaantu Doonayso, waayo hadii dagaal lagu qaado , Qanyaroo lasoo qabto mooyee wax kaloo lagadilo beeshu malaha,