Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Kulan ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo oo lagu cambaareeyay Afduubkii Gaafoow ee Xildhibaan Cabdi-Bare Iyadoo magaaladda muqdisho uu ku xiran yahay Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan mudanayaasha Wakiiladda cusub ee soomaaliya ee kazoo jeeda deegaanada puntland Gar ahan Gobolka Mudug oo la sheegay in uu u xiran yahay Taliyaha Hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha DKM C/laahi Gafow Maxamuud ayaa waxaa aragtiyo kala duwan ka bixinaya shacabka soomaaliyeed gudaha iyo dibada.
Meelaha kulamada lagu canbaraynayo xariga mudanahaas ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Gaalkacyo oo ay isugu yimadeen Waxgarad, Nabaddoono iyo Siyaasiyiinta gobolka Mudug kuwaasi oo si kulul uga hadlay xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo muddo toban maalmood ka badan ku xiran magaalada Muqdisho.
Nabaddoonada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Mudug waxay sheegeen in xariga Xildhibaan Cabdi Barre ay ka dambeeyeen masuuliyiinta sar sare ee dawladdii KMG Soomaaliya, waxayna sheegeen in aysan suurta gal noqon karin in qof mas’uul ah la iska xirto iyadoon wax dambi ah lagu heysan. Dhamaan xubnaha kulanka maanta isugu yimid waxay sheegeen in ay madaxda dawladda federaalka ee wakhtigoodu dhamaaday ay u dirayaan fariin ah in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo toban maalmood in ka badan ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.
Xubnaha isugu jiray Nabaddoonada, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta isugu yimid in ay cambaareeyaan xariga Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf ayaa kala ah: Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Siciid Cabdi Faarax, Gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Mudane C/rashiid Cali Xaashi (Dhuubane), Nabaddoon Xuseen Jaamac Cismaan (Xuseen Dayl), Nabaddoon Maxamed Cabdi Baalle, Nabaddoon Yaasiin C/samad Cumar, Nabaddoon Cabdicasiis Yuusuf Aw-xaarin, Nabadoon Mahad Yusuf Jibriil, Nabadoon Maxamed Husen (Kuli), Nabadoon Abdirisaq Hure, Nabadoon Abdirisaq Gabal Qariye iyo Shiikh Cali khaliif.
Xariga Xildhibaan ayaa kusoo beegmay xiliga diyaargarowga diyaarinta mudanayaasha Baarlamaanka cusub ee soomaaliya iyadoo lagu wado in soomaaliyaay yeelato dowlad qaran oo loo dhanyahay.
———–
Dr. Shirwa Abdisalan Maxamud
drshirwac@hotmail.com




comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.