Home » News »

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow “Labada nin ee aan u dooranay xildhibaanada beelahooda ayaa soo magacowday waana dhalinyaro aqoon-yahano ah”

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo ah Ugaaska guud ee beelaha Xasan Gaashireedle (Reex Xasan) ayaa sheegay in labada nin ee uu ku daray golaha baarlamaanka Soomaaliya in ay yihiin aqoon yahano da’ yar ah, isla markaana ay beelaha ay kasoo jeedaan magacooda usoo gudbiyeen.

“Anaga oo ka duuleyna fekerka ah in waqtigaan adag ee lagu jiro dalka loo xulo dhalinyaro aqoon yahano ah oo dalka iyo dadkaba ka samata-bixin kara dhibaatada dhan walba leh ee mudada dheer soo jiitameysay ayaa waxaan garanay in aan labadaan nin ee dhalin yarada ah ay noo matalaan baarlamaanka Soomaaliya” ayuu yiri Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow.

Magacyada labada xildhibaan ee ay beesha Xasan Gaashireedle saamiga u heshay ayaa waxay kala yihiin:  Aden Sidiiq Maxamed (Aadan Waqmaashe) iyo Axmed Cusmaan Ibraahim (Axmed Daqare.)
Masawirka sare:  Bidix ka bilow Xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahim (Axmed Daqare) iyo Xildhibaan Aden Sidiiq Maxamed (Aadan Waqmaashe.)

Halkaan ka daawo warqadihii rasmiga ahaa ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu aqoonsatay Ugaas Maxamed Ugaas Yarow in uu yahay Ugaas buuxa, sidaas awgeedna uu uga qeyb qaatay shirweynihii oday dhaqameedka Soomaaliyeed ee Muqdisho.

————–
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

8 Jawaabood " Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow “Labada nin ee aan u dooranay xildhibaanada beelahooda ayaa soo magacowday waana dhalinyaro aqoon-yahano ah” "

  1. Qundhi says:

    Ugaaska waa runtiis beelahooda ayaa rali ka ah.wana aqoon yahanno wax muran ahna kama tagna xildhibanimaddoda.wana uhabalyeynaya.GUULEYSTA.

  2. walas says:

    asc.
    waxan halkan ka salamaya ahmed iyo sadiq wana ugu hambalyeynaya ka mid noqoshada golaha barlamanka somaliya, walalayal garabkina alaha galo alahana in fududeyo xilka aad umada u qaden cadowgana alaha idinka qabto meel walbo oo aad jogtan.
    thanks.

  3. Waxaan u hambalyeynayaa axmed Daqare adan waqmaashe iyo cabdilahi alankey oo isna ah nin aan sifiican u aqaano ragan oo dhan waa aqoon yahano. Waxaakale oo aan salaamayaa dhamaan xildhibaanada beesha Sade ee nasiibka u yeeshay in ay ka midnoqdaan barlarmanka cusub iyo ugaaska waxaan idinleeyahay alahaa idinfududeeya howsha

  4. baardheere says:

    waxaan aad iyo aad oogu halbalayeyneynaa axmed osman ibraahim in loodoortey xildhibanimada beesha reer xasan waxaan aaminsanahey in uu ka soo bixidoono masuuliyada loodhiibey ninkas dada yar oo ah jameecada reer baardheere viva axmed daqare
    by ikraan mohamed ali

  5. ikraan says:

    waxaan halkan oga hanbalyeynayaa axmed osman ibraahim waxaan aad iyo aad ogu faraxsanahey xilka loo dhiibey waxaan leyahye hanbalyo axmed daqare
    by ikraan mohomed ali

  6. abdirizack says:

    asc,
    waxaan aad iyo aad oogu hambalyeeynaaya dhamaan xildhibaanda beesha sade. Markaan si fiican u fiiriyay sawirada ayaa waxaa iiga dhexmuuqday nin aan aad iyo aad isu garaneeyno, waa AHMED OSMAN IBRAHIM (DAQARE)
    Waxaan ku garanaaya in uu yahay, NABAD DOON , AQOON YAHAN, XILKAS, waxaan aamin sanahay in uu ka soo bixi karo howsha loo igmaday

  7. ISMAIL OMAR says:

    asc/ waa arin muhiim ah in lagu daro parlamaanka dhalanyaradan xili ay muhiim tahay oo laga baxay ku meel gaarka. waana hubaa in ay wax weyn qaban doonaan waayo waa dhalanyaro wax fahansan aqoon uleh arimaha somalia iyo tan gedo intaba waxaan urajaynayaa in ay xilkooda alle ka soo bixiyo oo aay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka. waana ka duwanaan doonaan ragi hore ee noogu jiri jiray parlamaanka kuwaas oo ku mashquuulsanaa waxyaabo aan muhiim ahayn oo waliba ka warqabkooda uu ahaa in ay mishaar qaateen iyo inkale. waxa ayna ahayeen kuwa aan xariir wanaagsan la ahayn dadkooda howsha u igmaday. mida kale waxaan u hanbalyaynayaa ugaas mohamed ugaas hassan yaroow sida uu xilkiisa ooga soo baxay ee uu inoogu gudbiyay dadki aan urabnay inay namatalaan waad mahadsantihiin dhamaantiin

  8. irshaad yare says:

    horta waxan salamaya xildhibanada gobolka garahan umada somaliyed hadan kadhibta fikirkeyga ku aadan xildhibanada waxan dhihi kara xildhibanada wax way kabadali badali karan xalada kajirto umada somalied iyo tan gobolka waxan kusoo gaba gaben laha ushaqeya dalkiina iyo dalkiina